Tuesday, July 18, 2023

 

DHAYLO CUN (Adhaxjabinta Mustaqbalka Dhallinta iyo Dhoohanaantooda)

Casrigii dahabiga ahaa ee dawladnimada Soomaali oo dhan waxa hoggaaminayay dhalinyaro 25 ilaa 35 jir da'doodu u dhaxayso. Isla iyagii fursaddaa helay, qaar badan oo ka mid ahi waa kuwa maanta aaminsan in ay iyagu yihiin kuwa mudan in ay hoggaanka dalka iyo dawladnimada hayaan; afka kama yidhaahdaan hase ficilladooda ayaa ay aad uga muuqataa. Da'daa aan kor ku xusay dhallinta maanta ahi way yartahay cid han ka leh, waxa ay aabbayaashood ku heleen da'daa ay maanta joogaan. Waxa ka dhaadhacday fikradda ah, wali waad yartahay wax badanna ma qaban kartid; ama waxa hoos loogu dhigaa maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda "20 jirku inta uu geed ka booduu talo ka boodaa'. Waa ta keentay in maanta 40 jirradeena, badankoodu dawladnimadeena ay kaga jiraan agaasime waaxeed iyo wax ka hooseeya. Qaarbaaba ku dagaallama halkaa.

Monday, November 14, 2022

 Caafimaadkii Bulshadayda iyo Gafanayaasha

...Xaaladdii Caafimaad ee Bulshada oo sii xumaanaysa, heer ay dhimashadu tarabtarab noqotay...
Xaaladda dalku jiro waa la wada ogyahay. Maciishaddii waa cirka. Shidaalkii nolosha kala waday isagu waa hadal daayay. Xaaladda siyaasadeed waa wir iyo wir. Intaaba se qoraalkaygani ma khuseeyo. Waxa aan u socdaa waa xaaladdii caafimaad ee dalka.
Maanta guri aan xumadda aadka u dhibka badan ee dalka ka jirtaa aanay saamayni ma jirto. Maya, yaanan odhan "guri kasta", malahayga waxa kaga habboon qofkasta oo dalka jooga, waa ay saamaysay; midba sida ay ku noqotaba. Sidaas oo ay tahay, dalka iyo dadkaba waxa aad mooddaa in nimco lagu jiro. Ururro baahiyeed(ururro siyaasadeed) baa la furtay, mucaaradkiibaa lacag farraqaya, dantooduna tahay doorasho madaxtooyo in ay dadku ku taageeraan. Madaxtooyadii iyo wixii ay cagaha ku wadatayna, dhanbay dhufayska kaga jiraan.

Thursday, May 5, 2022

Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta

 

Dawladnimada Soomaalilaand waxa ay ka kooban tahay saddex Waaxood oo kala ah Waaxda Xeer-dejinta (Baarlammaan), Waaxda Garsoorka iyo WaaxdaFulinta sida ku cad qodobka qodobka 12aad ee XeerLr.71 (xeerka Nidaamka Xukuumadda XeerLr.71/2015). Waaxda fulinta ayaa iyaduna ka kooban saddex tiir oo kala ah dawladda dhexe, dawlad goboleed iyo dawladda hoose. Maadaama oo aannu nidaamkeenu ahayn deferaal (Federal system) ee uu yahay nidaamka midaysan (unitary system), waxa adeegyada u badan qabta dawladda dhexe iyo dawladaha hoose.

Haddaba waxa la iswaydiin karaa “haddii ay dawladaha hoose dalku dhammaan qabtaan adeegyada dawladnimo, maxay qabanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dalka ee ka tirsan xukuumada dhexe? Dawladaha hoose shaqada ay u hayaan qaranka waa saddex mid uun:

Tuesday, October 6, 2020

Qaabaynta magaalooyinka



Kala saaridda Isticmaalka dhulka 

Hiigsiyada ugu waawayn ee laga leeyahay diyaarinta qorshaha qaabka dhulku waa in la isla meel dhigo isticmaalka kala duwan ee dhulka iyo meelkasta waxa  ku habboon. Jaangoynta isticmaalka dhulkuna kaliya ma aha in meelkasta wax la isaga qoondeeyo oo kalya ee waxa ku jirta meesha in dhulka sida ugu wacan loo isticmaalo. Tani waa sababta dal waliba u leeyahay buug amma qoraal ay soo saareen hay’adahooda u xilsaaran dhulka oo ku salaysan isticmaalka dhulka iyo meel

Saturday, July 11, 2020

Raggu caado iyo caano ma yeelan karaan?



Su'aashaa kor ku xusan jawaabteeda waxa aan u kala qaadayaa laba: Caadada iyo caanaha. Raggu caado ma yeeshaa jawaabteedu waa MAYA. Erayga CAADADA oo aynu u adeegsano meertada dumarku maraan bishiiba hal toddobaad(menstrual cycles) oo ka mid ah; haddii aanay uurka ilmo ku sidin. Dumarka waxa is beddela xaaladdooda caadiga ah kolka ay ay xaaladdan(menstrual cycles) galaan. Waxa ka yimaadda dhiig ku samaysmay makaanka oo isu diyaariyay haddii ilmo ku abuurmo, in uu ku koro. Xaaladdoodaa isbedeshay, waa ta keentay in xataa Alle (koreeye) ka dhaafo tiirarka u waawayn diinta Islaamka sida SALAADDA iyo SOONKA inta ay xaaladdaa ku jiraan. Haddaba su'aashu waxa ay tahay CAADO raggu ma yeeshaa? Markale Jawaabtu waa MAYA. Waxa jira xaalado

Sunday, January 21, 2018

Wakhtigii Gorfayntu badan lahayd ayaa taagan.

Wakhti fog ma ay ahayn kolkii ku dhiirrashada qoraalka iyo curinta suugaanta dhalin yaradu bilaabantay. Hadda meel wacan ayaa ay maraysaa oo tiro laguma koobi karo dhallinyarada ku fooggan qoraalka iyo curinta suugaanta. Mahadda Alle ha sokow waxa aan la dafiri karin dedaalkii Hargeysa International Bookfair, oo uu hor kacayo Jama Musse Jama; haddana uu agaasime ka yahay Ismaaciil C Ubax.
Waagii hore waxa ay baahidu ahayd in la helo oo la dhiirrigeliyo cid