Sakariye C/xakiin Maxamed waxa uu ku dhashay magaalada
Hargeysa taariikhdu kolkay ahayd 17/jun/1994. Waxa uu dugsigiisii hoose ka
galay magaalada Burco gaar ahaan dugsiga hoose ee Ina Quluunbe; Halka uu dugsigiisii dhexena ku
dhammaystay dugsiga Geeska Africa ee isla magaalada Burco.
Waxa uu dugsigiisii sare ka dhammaystay, dugsiga sare ee Ilays kuna yaalla magaala-madaxda
dalka Soomaalilaand ee Hargeysa. Sidoo kale waxa u laba degree ka kala qaatay Jaamcadda Hargeysa kuliyadda Civil Engineering iyo Jaamcada Haayada Shaqaalaha, kuliyadda Urban Management. Sakariye waxa uu hadda ka wadaa Master of Urban Planning and Design Jaamacadda Adama ee dalka Itoobiya.
Sakariye waxa uu qoray saddex buug oo ku kala
suntan {Qorshaynta Qoyska(2014), Qurxi Noloshaada (2015) iyo Bender (2021). Buugga dhexe waxa uu ku guulaystay kaalinta 3aad, tartan ay qabatay shirkadda daabaacaadda Sagal Jet. Labada buug ee hore waxa
ay ku soo baxeen iyaga oo taxane ah wargeyska Dawan. Sakariye waa hal-abuur aan
ka madhnayn dhanka suugaanta, lehna maansooyin faro ku tiris ah. Sakariye waxa
kale oo uu qoray maqaallo doora iyo sheekooyin aan tiro badnayn.
Sakariye hadda waxa uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda isaga oo ka soo qabtay Madaxa Logstics ka iyo Xisaabiye Guud oo uu aha muddo laba sano ah. Sakariye waxa uu hadda ka shaqeeyaa Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda isaga oo ah madaxa dabagalka qiimaynta iyo hubinta tayada ee Mac'hadka.
No comments:
Post a Comment