Tuesday, July 18, 2023

 

DHAYLO CUN (Adhaxjabinta Mustaqbalka Dhallinta iyo Dhoohanaantooda)

Casrigii dahabiga ahaa ee dawladnimada Soomaali oo dhan waxa hoggaaminayay dhalinyaro 25 ilaa 35 jir da'doodu u dhaxayso. Isla iyagii fursaddaa helay, qaar badan oo ka mid ahi waa kuwa maanta aaminsan in ay iyagu yihiin kuwa mudan in ay hoggaanka dalka iyo dawladnimada hayaan; afka kama yidhaahdaan hase ficilladooda ayaa ay aad uga muuqataa. Da'daa aan kor ku xusay dhallinta maanta ahi way yartahay cid han ka leh, waxa ay aabbayaashood ku heleen da'daa ay maanta joogaan. Waxa ka dhaadhacday fikradda ah, wali waad yartahay wax badanna ma qaban kartid; ama waxa hoos loogu dhigaa maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda "20 jirku inta uu geed ka booduu talo ka boodaa'. Waa ta keentay in maanta 40 jirradeena, badankoodu dawladnimadeena ay kaga jiraan agaasime waaxeed iyo wax ka hooseeya. Qaarbaaba ku dagaallama halkaa.
Waa gartood oo bariis iyo booska ay u qalmaanba halkaasaa loogu sheegay. Dhaqanka ah waynow, si aad wax wayn u qabato ayaa innagu faafay, se waa been. U fiirso, Tuur, Cigaal, Siilaanyo, Cawil, Ina Carte qaalib IWM, waxa ay wada ahaayeen da'daa iyo wax u dhaw kolkii ay mataaladda dhabta ah u ahaayeen dalkooda ee masuuliyadaha u sarreeya ay hayeen, sida wasiirro, safiirro, guddoomiyayaal hay'adeed IWM; waanay ku ammaanaayeen, wax wayna waa ay qabteen runtii. Wakhtigoodii way shideen.

Waa laga yaabaa in ay niyaddaada ku soo dhacdo in ay fursad wakhtigaa heleen, in ay aqoon fiican lahaayeen, in ay reerahooda kuwa kaliya ee wax bartay ka ahaayeen iyo wax la mida. Haddaba haddii aad ka mid tahay dadka waxaa ku andacoonaya aan hal su’aal ku waydiiyo; innaga oo eegayna waaqaca nidaamkeenna dawladnimo iyo dadnimo, ma u malaynaysaa in ay dhalinyaradu maanta fursaddaa samayn kari waayeen? Ma waxa aad aaminsantahay in aanay jirin dhalinyaro aqoon yahan ah oo dhinac kasta oo dawladnimada iyo dadkeeda looga adeegayo aanay jirin? Ma waxa aad niyadda ku haysaa in aynu wax ma tarayaal aabbayaashood ka karti badnaayeen oo aan maanta waxba qaban Karin aynu nahay?  Ma u malaynaysaa nidaamkeenna xil doonashada, in ay xataa kuweenna xilalka innoo haya caruurtoodu ku fashilmeen in ay boosas hantaan? Kollay aniga dooddaydu waa MAYA.

Haddaad Soomaalilaand teenna u timaaddo, u fiirso nimankii ilaa bilawgii wasiirrada iyo agaasimayasha guud ahaa ma ay qancin. Ma odhanayaan “bas, annagu waanu qabannay intii karaankayaga ahayd ee innamadayada aannu ku wareejinno”. Bal amuurta ilaahay, xataa mid qof uu dhalay oo uu wax baray ku badhitaaraya in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto arki maysid. Ka u wanaagsani waa ka meelahaa shaqo mushahar wanaagsan uga dhammeeya inankiisa/inantiisa. Waligaa arki maysid isaga oo inankiisa ku dhisaya in uu booskiisa wasiirnimo gaadhsiiyo. Kii 20 sano ka hor wasiirka ahaa wali waa soo taagan yahay si uu haddana u noqdo, haddana u noqdo, haddana, haddana, haddana. Kolkaa ninka inankiisa dhisi waayay ma dhalinyaro kale ayaa uu dhisayaa? Caqliga siin waayay waar wali hebelkii baa tahay, wixii aad dalka tari karaysayna waad tartay adiga oo awood ahaan iyo aqoon ahaanba dhisan oo intan dhaama ee daalka  hala tagin xafiisyada umadda, ayaa dhalinyaro dhis garanaya? WALLEE MAYA. Fadlan ha malaysan oo ha i odhan “dhammaan dhalinyarada isku dar kuwa madaxdu dhashay iyo kuwa kale ee aqoonyahanka ahiba madaneeyaan in ay qaranka meelo sare ka gaadhaan oo dalkooda wax u qabtaan. Anigu waxa aan ka hadlayaa ma aha ganacsi iyo geel la raaco, waxa aan ka hadlayaa xafiisyada sarsare ee dalkan iyo dadkan looga adeego.

Dhalinyaro, waxqabadkuba waxa uu aad u macaan yahay kolka aad dhalinyarada tahay, dhiirran tahay, fifircoon tahay ee aad ku dhaca leedahay. Qofka fursadda kuusiiya in aad wax qabataana, dalka, dadka iyo danta guudba wax wayn buu taray, wallaahi. Haddii intaasi meesha ka baxdo duq habranaya, ismoodsiisku ku badan yahay, daalhayo, talobadsanaya oo aan hore-usocod badan lahayn baad noqonaysaa. U fiirso maanta, dhallinyaradii u badnayd dalku waxa ay ku fooggan tahay. Waa qabyaalad, reer ku tiirsanaan iyo in oday dhacaya dabada la hayo oo la dhiso. Wax kale ma ay sababin waxaa. Cidda middida daabkeeda haysa ayaa noqday dad aan rabin in hore loo socdo. Waxa ay odayaasheenna xilalka innoo dhammeeya ee reerka u taliyaa noqdeen dhadhamo raac, kuwii ay ahayd in ay inna soo saaraan, talo inna siiyaan oo dhabarka innaga dhirbaaxaan waxa ay noqdeen qaar aan darkaba soo dhaafayn iyo kaligii ahe aan rabin xataa in inankiisu wax dalkan iyo dadkan gashado, xilka soo baxana isagaa isla jecel. Isku wada dari mayo oo inta aan ogahay dad badan oo xariira ayaa innagu jira, hase waatii la yidhi “dad iyo daad kaa badanba waa ku qaadaane” wax saamayn ah oo badan ma leh.

Taasi waxa ay inna gayaysiisay in ay waxbadani innoo qabsoomi waayaan. In dib u dhac badan yimaado, waana sunne oo ma jirto wax la yidhaa ‘halkaasaan dunida ku joogayaa’, ee laba uun bay mid tahay: in aad hore u socoto oo dunida la talaabsato iyo in halkaa lagaaga tago, oo aad daris la noqoto horumar la’aan, dib u dhac, doqonniimo aan shil ahayn iyo daryeel la’aanta.

Dhallinyaradii wax doorasho kale ah ma haystaan. Waa in ay adeerkood dhisaan. Awal odhaahdii ma waxa ay ahayd “Nin waloowba ninkaaga noolayso”. Dhib kale ma dhicin ee waa intaa aan kor ku soo xusay. Maanta ninka adeerkii dhisaa waa ninka u fariidsan, waayo waxa uu ka dhex arkayaa mustaqbal; qof dhalinyaro ah oo mustaqbalkiisa u jihaadayaana waa fariid iyo mujaahid. Waxa la gayaysiiyay in nin aan adeerkii talo lahayn isna aanu tayo iyo tiro midna lahayn. Waxa faaftay fikrad aad u khaldan oo ah in si aad wax u noqoto, qabiilkaagu wax u helo, qof nimadaadu u jirto, waa in aad ka dhalinyaro ahaan ku dabo fayshaa qabqablaha qabiilkaaga iyo adeerkaaga siyaasiga ah. La’aantii waa kuu abaar baa aynu aaminnay. Waa in siyaasigii, aqoon yahankii, xirfadlihii iyo kii xoolaha lahaaba addoon u noqdaan fikraddaa. Haddii aanay taasi meesha ka bixin, oo aan fikraddaa si waafiya looga xoroobinna, nin waliba ninkiisa ha noolaysto. Waayo, waxa la kufsaday fikraddii saliimka ahayd, meeshana waa laga saaray. Waxa la aaminay in hadba cidda dawladnimada haysa qabiilkoodu dhargayo, shaqo helayo, dhismayo oo dhaqmayo. Dawladnimadiina waxa aynu moodnay, ceel hadba cidi ka cabbayso. Kolkaa waa sax in hadba cidi darka gasho oo oonka iska tirto, haddii fikraddaasi agteena ka hirgashay.  

Ugu danbayn, waxa ka dhallinyaro ahaan innoo taala labo mid uun:

Kaw, in aynu dhaqankaa faafay, iyo wacyigaa aynu ku noollahay u tanaasulno, aqbalno oo mustaqbal xumada inna haysa u dul qaadanno, kolka ay nimankaa innaga waaweyn ee darka ku jiraa ka dhargaan, kaba dhargi maayaane, mawdku ka kexeeyona, innaguna carruurteena mustaqbalka kaga ciyaarno oo sidaa cunaha iskaga duubno. In  aynu rabaayaddaa ahaano, oo kolka is dila la yidhaa is dilno, kolka isku yaaca la yidhaa isku yaacno, kolka dhinta la yidhaa dhimanno, oo aynu gabigeennuba habaw ahaanno. Taa beddelkeedana aynu u diyaargarawno, in aan wax mustaqbal ah laynoo samayn, dunida ka hadhno, dulmanayaal ahaanno oo aynu asalmadoorshenimo nolosheenna ku dhamaysanno. Tan haddii anu qaadannana waa sax in aad meesha mustaqbalkaaga laguugu sheego aad raacdo, adeerkaa ku daba faysho, qabqablihiinna aqbasho oo aad caqiiqadaa u halganto, halganna ma ahee, waa hungaw’e.

Laba, in aynu halgan dheer u diyaargarawno, nin waliba qoyskiisa iyo qabiilkiisa ka bilaabo, soo fananno kuraasta sarsare, dabadeedna aynaan noqon sidii qoladaa hore ee inta aynu umadda u adeegno; laabxaadhnaan aynu caruurteenna mustaqbalkooda u dhisno oo haddana iyaga gacanta u galinno si ay qori isudhiibkaa iyaguna u sii wadaan.

Waxa aan kaga baxayaa in tuducyo ka mid ah maansadii Sirta Nolosha ee Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Warsame ‘Hadraawi’

 "Salalkaba hurdaa keenta,

Haba seexan goorbaasle,

Han sareedo loo waayay,

In saraayi loo daayo,

Sida aan u idhi weeye,

Belo saacaddeed joogta,

Sabti dabada haw riixin,

Subax dhalatay caadkeeda,

Haka baqan wax saakeeda,

Adiguba samee maanta,

Berritaba sargoo Heedhe,

Noloshaba in aad saafto,

Qaabayso saabkeeda,

Wax aan suuro gelin maaha.

 Mana jiro sad kaa baaqday,

Ilbaxnimdu saas weeye,

Sirta noloshu taas weeye."

 W/Q Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed

No comments:

Post a Comment