Saturday, August 2, 2025

XUSUUSTAYDA IYO XUKUUMADIHII KULMIYE

Shaqaalaha dawladeed waxa aan noqday bishii May, 2017. Waxa wakhtigaa madaxwayne ahaa AHN Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaalilaand Axmed Maxamed Maxamuud. Waxa aan ku soo baxay tartan xalaal ahaa oo ka dhacay Laascaanood. Si wacan baan u xasuustaa barxaddii Jaamacadda Nugaal oo aannu imtixaanka maalin sabti ah naloogu fayliyay, isla fiidnimadiina naloosoo dhajiyay. Waxa aannu Hargeysa iska raacnay laba nin oo aannu isku fasal iyo asxaabba ahayn ( Ahmed Oogle iyo EngAhmed Hawle ) Waa markii iigu horraysay Laascaanood iyo 18 kii may ee koobaad ee aan ku xuso magaaladaa.

Bishii May oo aan shaqaale ka noqday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda oo markaa hore la odhan jiray Wasaaradda Boosaha
iyo Isgaadhsiinta ilaa bishii November oo doorashii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Lagu doortay waxba ma aan qaban. Inankii Hay’adda Shaqaaluhu igu xidhay oo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ahaa(Cabdilaahi) waxa uu igu yidhi “bishu Marka ay dhammaato Rooda oo kolkaa lacag haye ahayd ka qaado mushaharkaaga, hase meeshan shaqo ma taal ee waxba haku soo lug go’in”. Hadalkaa aad baan u la yaabay berigaa. Mar baaban is idhi waar wuxu waa xaaraane ma iskaga carataa.
Taladii hooyaday ee ahayd u dhabar adayg mooyee, waxa kale oo aan xasuustaa taladii Guddoomiye ku xigeenkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Cabdikariin Xaaji Cali uu berigaa isiiyay oo ahayd “Dawladnimadu waa samir ee samir oo haka degdegin. Insha Allah wasaaraddaa ayaad madax ka noqon doontaa”. Dhanka kale, maadaama oo goobaha laga shaqaynayo nasiib lagu helayay, goobaha nasiibka ku jirana ay ka mid ahayd Madaxtooyada, Maaliyadda iyo Duulista iyo Hawadu, meeshaydan yar ee nasiibku igu beegay waa la yasayay; Alle ayaa se wixii roon og. Sababtaa iyo aniga oo aad dhallinyaro u ahaa oo uu i dareemay Cabdikariin in aan yar mooraal jabsanahay ayaa uu talada ii siiyay.
Kolkii Madaxwayne Muuse qabsaday dalka ayaa wasaaraddii dib u qaabayn lagu sameeyay. Magaceediibaa la beddelay. Darajadeediibaa la beddelay. Waxa lagu soo daray Hay’addii IG ga dalka oo gaar u taagnayd. Waxa Wasiir Laga dhigay Dr. Cabdiwali Cabdilaahi Suufi oo kolkaa ahaa wasiirradii cusbaa ee MD Muuse la bilawday dawladnimada. Waxa Agaasime guud nalooga dhigay guddoomiyihii Hay’adda IT ga Dr. Cali Cabdilaahi Daahir ( Ali A Dahir ) oo immikana ah guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaalilaand. Ma aan fahansanayn waxa ay dawladnimadu tahay, xukuumadaha isbeddelayana saamayntoodu iima bilawnay, hase anigu waxa aan ku indho dillaacsaday xukuumaddii Kulmiye ee danbe.
Waxa aan la qabsaday xukuumaddaa cusub. Shaqaale cusub oo Hay’addii IT ga qaranka ka soo wareegayna waxa ay dhiig cusub u noqdeen wasaaraddii. Qolodii cusbayd baannu isla jaanqaadnay. Waxa la iga dhigay Madaxa Boosta. Waxa aan la shaqeeyay agaasime aad khabiir u ahaa oo la odhan jiray Cabdilaahi. Ma hubo in uu immika nool yahay, hase wakhtigaa da’ ayaa uu ahaa. Khibrad badan baan ka faa’iday maadaama oo uu ilaa wakhtigii Siyaad Barre ka shaqaynayay Boosta.
Inyar ka dib, waxa la ii wareejiyay waaxda maamulka maaliyadda. Waxa aan la shaqeeyay agaasime aad hawlkar u ahaa oo la odhan jiray Jaamac Muxumed Maxamed ilaa imikana aanu saaxiib nahay. Waxa la iga dhigay madaxa dalabaadka ee wasaaradda oo aan hore u jirin. Run ahaan booskaana khibrad wanaagsan iyo shaqo carbis i koriyay baa ahayd. Lix bilood gudahood 17/Jan/2019 ayaa la iga dhigay xisaabiyaha guud ee wasaaradda. Horumar aad u wayn baa ay ii ahayd xaggayga. Halkaa waxa aan ku bartay dawladnimadeenna oo awooddeeda u badani tahay qaybta lacagaha, nidaam maaliyadeedka dawladda, iyo qaababka loo isticmaalo miisaaniyadaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha. Dedaal badan ka dib, isla sannadkaa 2019 dabayaaqadiisii, waxa la igu abaal mariyay deeqdii waxbarasho ee ugu horraysay oo ay wasaaraddu ka hesho dalka Itoobiya aniga iyo wiil kale(Saleebaan Maxamed Cabdi) oo shaqaale ahaa, immikana ka tirsan madaxda Baanka Dhexe ee Soomaalilaand.
Anigu waxa aan tagay magaalada Nasireet ama Adama, waxa aanan noqday qofkii ugu horreeyay ee Jaamacadda Adama Science and Technology ku gala fursad waxbarasho oo heerka labaad ah ee ka socda Soomaalilaand (Masters Degree), waxa aanan ka dhigtay Qorshaynta iyo Naqshadaynta Magaalooyinka (MSc in Urban Planning and Design).
Markii aan sannad joogay waxa iigu dhacay caabuqii faafay ee dunida aafeeyay (Corona Virus). Dalka ayaa aan ku soo laabtay oo qayb ka mida waxbarashadii fogaal arag ayaa aannu ku dhigannay. Inti aan dalka joogay ayaa aan u soo beddeshay shaqaale nimadaydii Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda oo aan filayay wixii aan bartay in aan wax kaga tari karo. Intii aanan noqon ayaa beddelkii ii dhammaaday. Kolkii aan noqday ayaa Mac’hadkii laga dhigay goob gaar u taagan ka dib markii madaxwaynuhu wareegto ku soo saaray, agaasimaheedana uu u soo magacaabay Cumar Iid Qalombi ( Omer-sayid Qalonbi ) bishii koobaad ee 2021.
Agaasimahaa Cusub ee la soo magacaabay ayaa aannu ku kulanay Mac’hadka. Bishii March ee 2021 ayaa aan ka soo laabtay Jaamacadii. Waa wax yar uun ka dib kolkii uu xilka la wareegay agaasimaha cusubi. Magacaabiddii ugu horraysay ee uu sameeyo ayaan la kulmay. Waxaa la iga dhigay Madaxa Dabagalka iyo qiimaynta ee Mac’hadka. Waax cusub oo markaa uun la sameeyay ayaa aan qayb ka noqday. Waxa agaasime looga dhigay waaxdaa oo aan la shaqeeyay Badri Cabdilaahi Maxamuud ( Badri Abdilahi i ) oo immika ah Maamulaha Dugsiga Sare ee Pharo ee Degmada Sheekh ku yaalla (Dugsigii hore loo odhan jiray SOS). Kolkale, agaasime Cumar waxa uu ii magacaabay agaasime xigeenka waaxdii qorshaynta ee annaga nalagu aasaasay, dabayaaqadii 2022. Isla bishii 1aad ee sannadkii 2023, toddobadeedii waxa uu haddana ii magacaabay Agaasimaha Gobollada Bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda ( Civil Service Institute-Burao Center ) oo aan illaa imika joogo.
Dhanka kale waxa aan ka noqday la taliye Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta oo ii magacaabay wasiir Cabdilaahi Abokor bishii 9 aad ee 2022, run ahaanna wasiirka iyo shaqaalihii wasaaraddaaba wakhti wanaagsan baa aannu wada qaadannay. Waxa u mudnaa agaasimihii aan waaxdiisa la taliyaha u ahaa oo ahaa Agaasime Cabdiraxmaan Maxamed aar ( Abdirahman M Aar ) Waxa aan la taliye u noqday Waaxdii Naqshadaynta Magaalooyinka ee Wasaaradda. Waxa aan si gaara uga shaqeeyay Naqsahdayntii Magaalada Hargeysa. Tababaridda xog ururiyayaashii magaalada, taxliilinta xogta ay keenaan iyo qoridda xogta dhammayska tiran ee Magaalada ayaa ay masuuliyaddayda gaarka ahi ahayd. Sidoo kale waxa Sharaf ii ahayd in aan qoro, iskuna duba rido buugga xogta naqshadaynta iyo qorshaha magaalada Ceerigaabo ku urursanayd, kuna wareejinno maamulka iyo madaxda Ceerigaabo.
Guud ahaan wakhtigaygaa shaqo iyo waxbarasho ee aan wakhtigaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa aan la soo qaatay aniga waxa ay ii ahayd helidda khibrad shaqo, koritaan xirfadeed, dad barasho, dal barasho iyo istijaabin awoodeed iyo aqooneed. Run ahaan, Madaxwayne Biixi iyo Xukuumaddiisu aniga xusuus gaar ah ayaa ay ii ahaan doonaan, sida ay dalka dadka iyo taariikhda dawladnimadeennaba xusuuso kala duwan ugu qornaan doonaan. Aniga hanaqaadkaygii shaqo ayaa halkaa ku duugan. Run ahaanna waxa aan ka mid ahay midhaha dawladnimo ee xukuumaddii Madaxwayne Biixi.
Ugu danbayn, Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo natiijada hordhaca ah ee doorashada aqbalay maanta oo ay bishu tahay 20 kii bishii 11 aad 2024, waxa aan u rajaynayaa in Alle inta noloshiisa kadhiman Sharaf ku noolaysiiyo aakhirana halkii roon. Madaxwaynaha cusub ee shacabka Soomaalilaand doorteenna (MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi) waxa aan u rajaynayaa in Alle ku asturo xilka, dadka walaaleeye uu noqdo, nabadda hor koco, nolol tan maanta ka wanaagsanna innoo horseedo.










No comments:

Post a Comment