Caafimaadkii Bulshadayda iyo Gafanayaasha
...Xaaladdii Caafimaad ee Bulshada oo sii xumaanaysa, heer ay dhimashadu tarabtarab noqotay...
Xaaladda dalku jiro waa la wada ogyahay. Maciishaddii waa cirka. Shidaalkii nolosha kala waday isagu waa hadal daayay. Xaaladda siyaasadeed waa wir iyo wir. Intaaba se qoraalkaygani ma khuseeyo. Waxa aan u socdaa waa xaaladdii caafimaad ee dalka.
Maanta guri aan xumadda aadka u dhibka badan ee dalka ka jirtaa aanay saamayni ma jirto. Maya, yaanan odhan "guri kasta", malahayga waxa kaga habboon qofkasta oo dalka jooga, waa ay saamaysay; midba sida ay ku noqotaba. Sidaas oo ay tahay, dalka iyo dadkaba waxa aad mooddaa in nimco lagu jiro. Ururro baahiyeed(ururro siyaasadeed) baa la furtay, mucaaradkiibaa lacag farraqaya, dantooduna tahay doorasho madaxtooyo in ay dadku ku taageeraan. Madaxtooyadii iyo wixii ay cagaha ku wadatayna, dhanbay dhufayska kaga jiraan.
Intaaba waxa ka daran, bulshadii dalku, waxa aad mooddaa in ay falan tahay. Maalin danahooda uma muddaharaadaan. Maalin maciishadda iyaga oo isku duuban kama cawdaan. Maalin iyaga oo dantooda eeganaya xaaladda caafimaad isuguma soo baxaan. Haddana, maalin kasta gaajo ayaa ay suuqyada ugu suuxaan. Qaar duruufaha dhaqaale ee haysta ayaa ay nafta isu dhaafiyaan. Inta soo hadhayna xumaddan baa madhisay oo maalin kasta sida ayaxa ayaa ay u dhintaan, cidina waxba iskama waydiiso. Iyaguna waa dullaysmeen oo niman dhargey, oo kursigii ay iyaga ku xadilahaayeen u socda ayaa ay la kala safan yihiin. Dulli!
Dhanka kale, kuwii Alle middida daabkeeda ugu dhiibay waa gafanayaal, aan damiir lahayn. Bal u fiirso, wasaaraddii caafimaadku weli isma waydiin oo ummadda wax qorshe ah oo lagu samata bixinayo ma ay keenin. Qorshe iyo bulsho danteed ha joogtee, wixii loo dhiibay baa tuugnimo iyo ku tagri fal loogu haystaa. Masuuliyiinta hoggaamiyaa dantaaba ma hayaan. Qaarkood iyada oo bulshadoodii xummadi laynayso, masuuliyaddoodana ay ahayd ayaa ay reero iyo munaafaqad meelahaa ka wadaan; dullinimadoodana aanu damiirkoodu siin in ay ugu yaraan Farmasiiyadan bulshadii dhiigmiirtay wax uun ka dhahaan. Weli waan dhawahay! Masuuliyiintaaba ka qayb ah oo qaarkood farmasiiyada aan sheegayaa u furan yihiin.
Maanta, xumaddan dawada kaliya ee sida wanaagsan dadka uga jaraysa xumaddaasi waa Paracetimol Diffusion, sida ay bulshada iyo dhakhaatiirtu xustay. Dawadaasi xumaddan ka hor ugu badnaan waxa a ahayd 10,000 (1.176$). Hase, maanta waxa ay badanaa farmasiiyadu siinayaan 30,000 (3.52$). Dhanka kale, farmasiiyadu kamaba iibinayaan cid aanay garanayn. Xabaddii kaanoole ahayd iyadu waa 10,000 (1.176$) halka ay ka ahayd 4,000 (0.47 $). Talaw xaggee loo socdaa? Bal malee, bulshadeenna danyarta ah ee heerkaa ay marayso wixii naftooda badbaadin lahaa. Inta dhimatay Alle ha u naxariistee badankood waxa ay u dhinteen jidiinka wax u qooya oo aanay haysan iyo jabkaa ku dhacay dawadii badbaadin lahayd. Bulshadaydiyeey, Alle ha idiin sahlo, dulligaa innaga ayaa isbadnay'e.
Dakaygiyoow, maanta haddii mid ka mid ah, dulliga siyaasadda idinku matalaa idiin qaylo dhaanto, sida aad u badan tihiin, maya maya, dhammaantiin waad u qaylisaan oo u muddaharaadaysaan, hase isagu marka aad sidan u dhibban tihiin, waa gafane dhibiina ku naaxa, ama caawiya ka idinka naaxa. Miyaad waalan tihiin, mise waad falan tihiin? Maxaad dantiinna u raacan waydeen? Maxaad uga muddaharaadi waydeen noloshan cirka tagtay? Maxaad uga muddaharaadi waydeen dadkiinan tarab-tarabka u dhimanaya? Maxaad, maxaad.........?
Bulshadaydiyeey, idinka waxa aan idiinku soo koobayaa, haddii aad sidan sii ahaataan, haddii aad dulligan sii eegataan, haddii aad dantiinna raacan waydaan, haddii aad dulmiga diidi waydaan, haddii aad noloshiina tuugga idinka xadaya nolosha ku cuni waydaan, haddii ganacsatadan aan damiirka lahayn ee idinka nixi wayday boobi waydaan, haddii adeegyada caafimaad ee aad ka dhimanaysaan qasab ku qaadan waydaan; hubaal waad madhan doontaan, idinka oo aan sharaf lahayn baad dhiman doontaan, Eebbena waxaa aad gacmihiinna ku samaysateen ayaa uu idinku abaal marin doonaa, sidaa uu maantaba idiinku abaal mariyay noloshan, markii aad tuugta iska celin waydeen, damiirlaawaha halyey ka dhigateen, dantiinna garan waydeen ee aad dulligaa qaayibteen.
Siyaasiyiinta iyo ganacsatadana waxa aan ku dhaafay, haddii aad nolol ka dhexraadiseen dhimashada dadkiinnii, haddii aad noqoteen dhuuni qaatayaal iyo dhimasho quutayaal, haddii ay dadkiinnii iska kiin celin waayeen, haddii yuurba cid idin tidhaa aad waydeen, haddii damiirkiinnu idin qaban waayey, haddii diintiinnii iyo iimaanku wax idin tari waayay, haddii dunidii xisaabi iman wayday, hubaal, aakhiro waa danbaysaa. Hubaal, godkaa shacabkiinnii lagu guray idinka oo naaxnaaxay waa idin sugayaa. Hubaal, haddii ciddii aad matalayseen iska kiin qaban wayday, qabashadii Eebbe waa halkeedii. Hubaal, maalintii waynayd waa idin sugaysaa, jadwalkeediina waa halkiisii.
Waxa aan kaga baxay
"Dulligaa idinku jira noloshu, waa idinu deelqaaf"
Xaaji Aadan Afqalooc.
W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed
No comments:
Post a Comment