Wakhti fog ma ay ahayn kolkii ku dhiirrashada qoraalka iyo curinta suugaanta dhalin yaradu bilaabantay. Hadda meel wacan ayaa ay maraysaa oo tiro laguma koobi karo dhallinyarada ku fooggan qoraalka iyo curinta suugaanta. Mahadda Alle ha sokow waxa aan la dafiri karin dedaalkii Hargeysa International Bookfair, oo uu hor kacayo Jama Musse Jama; haddana uu agaasime ka yahay Ismaaciil C Ubax.
Waagii hore waxa ay baahidu ahayd in la helo oo la dhiirrigeliyo cid
wax uun qorta, haba qaldanaadeen e; se maanta waxa muuqata in baahidaa laga gudbay oo loo baahan yahay in la i sa saxo, cidda wax qoraysa iyo cidda curinta ku foogganiba ay bartaan qaabka wax loo qoro, xilna iska saaraan fikradda ay ummadda u gudbinayaan, qaabka ay u gudbinayaan.
wax uun qorta, haba qaldanaadeen e; se maanta waxa muuqata in baahidaa laga gudbay oo loo baahan yahay in la i sa saxo, cidda wax qoraysa iyo cidda curinta ku foogganiba ay bartaan qaabka wax loo qoro, xilna iska saaraan fikradda ay ummadda u gudbinayaan, qaabka ay u gudbinayaan.
Waa wakhtigii Gorfaynta aadka loogu baahnaa. Haddii waagii hore cudur daarku ahaa aqoon cid u lihi ma jirto, amaba waa ay yartahay cidda i saxaysaa, maanta waa Alle mahaddii oo in uun cid wax kugu kordhisa waayi maysid. Waxa aan xasuustaa 2014 kolkii aan buuggaygii koobaad qorayay in ay aad u yaraayeen dadka aan in uun ku tuhmayay in ay hufid iyo haadin ku samayn karaan buuggaygaa, inta jirtayna ay ahaayeen dad mashquulku ku badan yahay oo u badan xaasle da'diisu wayn tahay oo ku shuqlan hawlihiisa gaar ka ah. Waa Alle mahaddii maanta taasi waa ay yartahay oo waa laga soo gudbay marxaladdaa. Maanta waa kuu doqonniimo iyo dayacnaan xaggaaga ah in aad hor keento bulshada wax aanad soo tifatirin, kuna noqnon oo soo turxaan bixin. Waa dhaliil mustaqbalka kugu taal wixii aad karayso ee aad hakrato, waliba naftaada ka hagrato.
Waagii gorfayntu waa beryay. Qoraaga da'da yari ha u diyaar noqdo toosin iyo tusaalayn aan turxaani ku jirin.
No comments:
Post a Comment