Su'aashaa kor ku xusan
jawaabteeda waxa aan u kala qaadayaa laba: Caadada iyo caanaha. Raggu caado ma
yeeshaa jawaabteedu waa MAYA. Erayga CAADADA oo aynu u adeegsano
meertada dumarku maraan bishiiba hal toddobaad(menstrual cycles) oo ka
mid ah; haddii aanay uurka ilmo ku sidin. Dumarka waxa is beddela xaaladdooda
caadiga ah kolka ay ay xaaladdan(menstrual cycles) galaan. Waxa ka
yimaadda dhiig ku samaysmay makaanka oo isu diyaariyay haddii ilmo ku abuurmo,
in uu ku koro. Xaaladdoodaa isbedeshay, waa ta keentay in xataa Alle (koreeye)
ka dhaafo tiirarka u waawayn diinta Islaamka sida SALAADDA iyo SOONKA inta ay
xaaladdaa ku jiraan. Haddaba su'aashu waxa ay tahay CAADO raggu ma yeeshaa? Markale
Jawaabtu waa MAYA. Waxa jira xaalado
ragga uu ku keeno dheecaanka dheecaanka TESTESTRON.
Waa dheecaanka ragga ku keena in uu yeesho dareenka ragannimo, soo bixitaanka
bisqinta, timaha shafka, gadhka, codka wayn iyo astaamaha kale ee ragannimada.
Haddaba waxa jira dheecaankaasi xaalado uu kordho iyo xaalado uu yaraado. Xaaladahaasi
waxa ay ku keenaan labka in uu galo xaalado kala duwan. Tusaale, haddii uu
dheecaankaa TESTESTRON yaraado waxa uu keenaa awood darri, timaha lagu yaqaan
labka oo yaraada, in uu diiqad dareemo ruuxa labka ahi IWM. Sidoo kale haddii
uu bato dheecaankaasi waxa uu keenaa cadho badan, dareenka ruuxa labka ah oo
kor u kaca, bidaarta iyo waxyaabo la mid ah. arrinka kale ee muhiimka ah waxa
weeye raggu sida dumarka xaaladahani joogto ma ku yihiin? Waa maya oo waa arrin
ka baxsan sida caadiga ah. Sidoo kale waxa muhiima in aynnu xusno in aanu
dheecaankan yaraantiisa iyo badnaantiisuba xilli lahayn ee ay ku xidhan tahay
xaalado ka baxsan nolosha caadiga ah; sida in uu jimicsi badan sameeyo, nafaqo
darro soo waajahda, Khalkhal ku yimaadda qanjidhada soo daaya dheecaannada iyo
xaalado kale oo badan. Waxa kale oo xusid mudan in haddii dheecaankaasi kugu
bato ama kugu yaraado ay labaduba dhib tahay.
Haddaba xaaladdaa dumarka iyo
raggu ma noqon kartaa mid la is barbardhigi karo? Ma u adeegsan karnaa ereyga CAADO(menstrual cycles)
xaaladahaa gaarka ah ee ragga? Miyay caqli gal tahay in aynu si guud u
nidhaahno raggu naasaha caano ayay ku yeeshaan sida dumarka, caadona way helaan
oo iyagaba si joogto ah, khalkhalbaa ku yimaadda xaaladdooda caadiga ah? Adiga Ayaan
kuu dhaafayaa jawaabaha akhriste.
Arrinka labaad ee ah in ragga
naasahoodu CAANO keeni karaan waa wax dhici kara. Waxa keena dheecaanka PROLACTIN
oo ay soo daayaan qanjidhada loo yaqaan pituitary
gland. Dheecaankaasi waxa uu cariyaa qanjidhada naasaha ee soo
daaya caanaha. Sida caadiga ah raggu dheecaankaasi kuma badna, waana sababta
raggu iyaga oo naaso leh haddana aanay caano u keenin. Haddaba haddii jidhka la
cariyo qanjidhada caanaha, wixii la doonaba hala adeegsadee, naasuhu waa ay dararaan
oo waynaadaan. Sidoo kale waxa jira sida aan warbixinaha ku arkay xaalado
caafimaad oo gaar ah oo iyana keeni kara in naasaha raggu dararaan oo caano
keenaan. Dunidan horumartay waa mid la marayo in DNA da lafteeda wax laga
beddelo. Arrinkaasi waxa uu kuu caddaynayaa in aanay wax dhib badan ahayn in
qanjidhada jidhkeena lagu cadaadiyo in ay soo daayaan dheecaan aan sida caadiga
ah uga iman karin jidhka labka ama dheddigaba. Waxba kama duwana dawada
suuxisada ah ee jidhka iyo maskaxda ku qasba in ay soo daayaan dheecaanno si ay
u kala go'aan dareemaha jidhka iyo maskaxdu, taas oo keenaysa in uu qofku in
muddo ah aanu waxba dareemin. Haddaba akhriste adiga ayaan kuu daynayaa in
raggu naasaha caano ka keenaan iyo in kale si caadiya.
Ugu danbayn, su’aa;ahan iyo kuwo
u dhigmaba waa la is waydiin karaa. Gaal iyo islaamba, ciddii doontaaa ha is
waydiiso. Iswaydiintaa ka dib, kolka laga yimaaddo aragtiyaha cilmiga ah, qof
waliba sida uu doono ayaa uu u odhan karaa. Qof baa qaba in ay dhici karto in
raggu caado helaan, naasaha caano ka keenaan IWM. Sidaa sida ku liddiga ah
cidda qabtaa ma aha in ay qayliso, oo la yaabto qof aragtidiisa cabbiray,
meesha uu doono haka keeno'e. Waxa furan in aad deedafayso aragtidiisa adiga oo
aan isaga iyo qofnimadiisa abbaarayn ee qancinaya aragtiyo iyo xujooyinna hor
dhigaya. Haddii aad intaa kari waydo waxa furan oo kale in aad iskaga aamusto;
Intaa wixii dhaafa, waxa aan u arkaa jar iska xoor.
FG: anigu ma ihi dhakhtar bartay
cilmigan, balse sida aynu wada ogsoonahay dunidan maanta cilmiga sida lagu helaa
waa iska fududahay. Waxa kaa xigta in aad waxyar wakhti siiso oo baadho mareegaha
internetka adiga oo hubinaya xogta aad heshay.
Alle ayaa mahadleh.
Sakariye Cabdixakiin Maxamed Miido
No comments:
Post a Comment