Kala
saaridda Isticmaalka dhulka
Tixraacaa ay dawladdu soo saarto badanaa waxa lagu
xusaa qaabka dhulka loo isticmaalayo iyadoo loo kala qaadayo toddoba qodob oo
kala ah:
1. -Guryaynta/ degganaanshaha
2. -Ganacsiga / suuqyada lagu ganacsado
3. -Adeegga Bulshada (adeega dadwaynaha, dhaqanka,
goobaha taariikhda iyo isticmaalka gaar ah ee baahiyaha bulshada)
4. -Meelaha cagaaran, dhiraynta, jimicsiga iyo meelaha
loogu talo galay ilaalinta degaanka.
5. -Dhismayaasha maamulka
6. -Waxsoosaarka iyo kaydinta
7. -Kaabaayaasha
dhaqaalaha, adeegyada iyo isusocodka.
1. Deggenaanshaha/ Guryaha
Guryuhu waa meesha ay dadku deggan yihiin. waa
meesha ay dadku ku nool yihiin ee reerku degganaanshaha rasmiga ah ku haysto.
Waa kobta ay dhammaan xubnaha gurigu isugu yimaaddaan. Haddaba aaggani waxa uu
ka kooban yahay oo uu khaas u yahay guryaha la deggan yahay. Aaggan waxa laga
dhex furi karaa ganacsiyo yaryar iyo warshado aan waawaynayn oo aan dhib ku
keenayn guryaha iyo ku nasashadoodaba.
-Kolka haddaba la eegayo meesha ku habboon guryaynta
waxa loo eegaa qodobbo ay ka mid yihiin:
· -Badanaa waxa la door bidaa in magaalada
koonayaasheeda laga dhigo.
· - In aanay meeshu ahayn carro madaw ku habboon
beeraha. Intii laga fogaan karayo waa laga ilaalliyaa.
· -Waa in ay ka madhan tahay masiibooyinka dabiiciga
ah meesha guryaynta loo qoondaynayaa.
2.Aagagga Ganacsiga
Aagagganni waa meelaha loogu talo galay in uu
ganacsigu ka dhaco. Waa meelaha laga dhigo suuqyada wawayn. Badanaa waxa laga
dhigaa badhtamaha magaalada si ay ugu sinnaato dhinac kasto oo magaalada ah.
Aagaggan waxa badanaa ka dhaca oo lagu jaangooyaa
ganacsiga magaaladaa. Waxa ku xidhan idil ahaan bulshada ku nool magaaladaa.
Suuq yada laga hir galiyo waxa ka mida suuqa khudradda, qalabka dhismaha,
dharka IWM. Waxa jira kala saarid loo sameeyo suuqyada oo ay jaangoyso
dawladddu. Waxa kale oo la xaddidaa qaab isticmaalka suuq kasta iyada oo ay ku
xidhan tahay hadba sida ay dawladdu u dhhigto.
-Markal la eegayo in aaggan la sameeyo, qodobada loo
eego waxa ka mid ah:
· - Meelo ay gaadiidku soo mari karaan.
· - In ay ka fogaato meelaha waxbarashada, adeegyada
bulshada iyo goobaha caafimaadka.
· - In lagu sargooyo badhtamaha magaalada markaa la
jirta.
Lasoco qaybta labaad
No comments:
Post a Comment