Ummad dhan oo madax iyo minjo shaxaad ku u noqday caado, maxaa laga sugayaa? Waa dhaqan aad u xun
oo sababay dhammaan niyo xumada dalalka Soomaaliyeed taalla. Waa astaan xun oo
jiilba jiil u gudbinayo. Waa dhaqanka Soomaali baray wax qabad la’aanta. Wax kasta
oo aynu difaacayno (ka Soomaali ahaan) waxa aynu gadhka u galinaa diinta si aan
looga hor iman ama dhaleecayn loogu helin. Waa run oo diintu in wax la istaro
waa ay inna faraysaa se innama farayso in dullinamada wax waydiisiga aan
baahida iyo bayhoofku sababin la caadaysto.
Shaqo dalka waa ay taallaa, kuuliga iyo xashiish gurku ha u
hooseeyeene. Se waa sharaf in laga kaaftoomo gacan bini-aadmi. Han iyo is
la waynaan aan meel gaadhsiinayn ayaa Soomaali haysta. Waa sababta ay caydha iyo
calool xumada yurub taalla ugu qanceen, sharafta iyo shaqaysiga dalkii yaallana ay uga rooreen. Marna aniga dhagaha ha iigu ridin in dalka shaqo la’aani taallo
laakiin waxa wax la aqbali karo ah waxa taalla shaqo laga faanayo, se hadda
ogsoonaw oo waxa loo faanayaa faro madhnaan iyo shaxaad sharfta ruuxa hoos u
dhigaya.
Dhagaha waxa ka batay ama la isku wareeriyaa ”hadba ruuxii
dihin baa wax la wadiiyaa, maalinba nin baa wax haya, waar waxan adduunyadu waa
sheeko …IWM”. Haa wax isi siinta iyo sadaqada labaduba waa wax wacan. In wax la
is taro cidina dhib kuma hayso dheef mooyaane, waxa se dhib dhaliil iyo dhaqan
xumoba ah wax aan sadaqona ahayn se sharaf dhac iyo shaqo doon la’aan sababaya.
Waa wax waydiin kolkasta taagan iyo diidmo aan jirin, ileen qofka diida waatan
la aaminay in uu diinta ku xadgudbayo’e. waxa kale oo ay maahmaaho u samaysteen
si aan wax loogu diidin iyaga oo magaca “Bakhayl” huwinaya ruuxii ka dhego adkaada
baryadooda aan geedna ku soo gabban. Bakhaylnimadu waa wax xun se dhaqan aan
bakhaylnimo ahayn haddii ruux lagu eedeeyo middaasaa dhaqan xumo ah.
Waxba yaan lagu andacoon “noloshu hadba qof way wacnaysaa”
se waa in la xaqiiqsadaa in marna iman doonin wax aanu qofku gacaniisa ku
kasban. Inta aan musuq maasuq laga caban waa in dadka laga saaro baahidan
gudaha qalbiga ka gashay. Wiilkii waxa uu ku fakarayaa in uu gabadh dibadda
joogta guursado, inantii sidoo kale; hadda jacaylna kama aha ee waa yaad waxba
qaban. Dhibaatada ugu wayn ee maanta Soomaali madax iyo minjo haysataa waa:
qalbiga ayaa uu faqri kaga furmay dagaalladii ka dib. Waxa niyadda kaga wada
jirta baahi aan meel ay ku dhammaato iyo wax baabiiya toona la garanayn Alle ha
u sahlee. Sababta ugu waynina waa shaqo nacayb iyo shaxaadka oo u saamaxay in
ay shaqo la’aan noolaadaan.
Haddii ruuxu uu ogsoon yahay haddii aanu shaqaysan in uu
baahan doono ma uu shaqo la’aadeen; kamana faaneen shaqooyinka qaar. Qofkasta oo
Soomaaliyii ma dooneen in uu iska noolaado, haddii uu shaqaynayana uu xafiis
iyo kursi la isku wareejiyo ku fadhiisto. Adduunka Alle ayaa maamula
xeerarkiisana gacanta ku haya. Waa xeer ummadi ama shakhsi haddii uu shaqaysan
waayo, in uu baahi iyo sharaf darro kasban doono.
Ka soo bilaw wiilka
20 jirka ah ila maa dawladaha Soomaaliyeed waxa ay ku nool yihiin shaxaad. Waa
sababta keentay in ruuxa soo daga la dhego-barjeeyo, iyana ay isu haystaan in
ay hantidii adduun gacanta ku hayaan. Maalintaa ruux wax hayaa meesha soo maro
ayaa mid baahan iyo mid kaleba cagaha wax laga dayayaa oo daanta uu joogo la
isku shubayaa, se waa fal aan habboonayn sharafta ruuxana hoos u dhigaya. Maxaad
wax u waydiin isaga oo aan Alleba kugu qaban?
Waxa aynu ka dhaxalnay shaxaadka iyo baryada joogtada ah ee
aan baahida badani sababin waxa ka mid ah:
1.
In qoys dhan oo 10 qof iyo ka badani ka kooban
uu halqof u xoogsi tago. Waxa lagaba
yaabaaa in uu yahay qofka ugu tamarta yar, waxa uu ka shaqeeyaana yahay
tamaandho ama kuuli.
2.
In wiilka/gabadha dhali yarada ahi ka fakaro
sidii uu u tahriibi lahaa. Waayo waxa ay aamineen in aan halkan risiq oollin se
halkaa yaal. Waxa ay aamineen in si kasta oo ay halkan u shaqaystaan aanay meel
gaadhayn se ay halkaa wax tar ku yeelanayaan. Hal mid bay ku saxan yihiin oo
halkaa shaxaad ma yaallo, hadaan Soomaali badani ka horayn.
3.
In dawladaha dhan ee matala masiirka Soomaaliyeed ay gacanta uun
hoos hayaan dalal shisheeye iyaga oo waxa loo baahan yahayba ka qaalisan yihiin
gawaadhida ay wataan. Waa dhaqan xumada inna haysata adiga oo jeebkaaga ku
kaaftoomi kara in aad ku kale baadho.
4.
In baahida asaasiga ah laga gudbi waayo iyada oo
mid guudna la qabanayo. Maxaa uga dan ah xaflado la qabto nin naftiisii
qirinqiir ku jirto. Waa sabab ka mid ah sababaha uu keenay in la garan waayo
sida ay hawluhu u kala horreeyaan.
5.
In hawl kasta oo timaadda dhaqaalena u baahata
haba yaraado waxa ku baxayaaye, markiiba laga fakaro yaa aynnu waydiinna inta
aan laga fakarin ma kaafiyi karnaa.
6.
Baahida aan dhammaan ee madax deena. Waxa aad
arkaysaa nin madax ah oo wax dalka uu ka sii qaato mooyaane aan oggolayn in
500SHLN ka galin. … IWM
Ummadaha adduunku sidaa waa ay ka dhaqan duwan yihiin. Waxa innoogu dhaw Itoobiya oo waxaa lagama
yaqaan. Wiilka iyo aabihii waa ay kala madax bannaanyiin; kolka uu wiilku qaan
gaadho. Waxa ruuxa loo carbiyaa in uu ugu yaraan naftiisa kaafiyo. Innagana
waxa aad arkaysaa 30 jir aan wali 1000SHLN oo leeyahay cunin. Waalidiintu uma
carbiyaan caruurta qaab shaqo se waxa ay ka fikiraan sidii ay u dhargin
lahaayeen see waa masiibo aan yarayn.
Xalka ugu habboon ee haddaba lagaga bixi karo arintan iyo
aafada ka daran ee soo fool leh ayaa ah: in waalidku ilmihiisa ku ababiyo sidii
uu uga maarmi lahaa kolka uu qaangaadho. In uu ku barbaariyo kalgacal iyo
kalsooni uu ku barayo sidii uu shaqo u samayn lahaa amaba u shaqaysan lahaa. In
uu ku rabbeeyo in shaqadu sharaf tahay shaxaadkuna sharaf darro iyo shuqul
nacas uu yahay.
W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)
23/4/2016 Sabti.
Email: Sakariyemido@gmail.com
www.Sakariyemiido.blogspot.com
No comments:
Post a Comment