Thursday, May 5, 2022

Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta

 

Dawladnimada Soomaalilaand waxa ay ka kooban tahay saddex Waaxood oo kala ah Waaxda Xeer-dejinta (Baarlammaan), Waaxda Garsoorka iyo WaaxdaFulinta sida ku cad qodobka qodobka 12aad ee XeerLr.71 (xeerka Nidaamka Xukuumadda XeerLr.71/2015). Waaxda fulinta ayaa iyaduna ka kooban saddex tiir oo kala ah dawladda dhexe, dawlad goboleed iyo dawladda hoose. Maadaama oo aannu nidaamkeenu ahayn deferaal (Federal system) ee uu yahay nidaamka midaysan (unitary system), waxa adeegyada u badan qabta dawladda dhexe iyo dawladaha hoose.

Haddaba waxa la iswaydiin karaa “haddii ay dawladaha hoose dalku dhammaan qabtaan adeegyada dawladnimo, maxay qabanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dalka ee ka tirsan xukuumada dhexe? Dawladaha hoose shaqada ay u hayaan qaranka waa saddex mid uun:

1) shaqo ay u aasaasan yihiin oo ka mid yihiin xashiish ururinta, fayadhawrka, niyamareennada magaalooyinka IWM.

2) shaqo ay matale ka yihiin oo ay matalaan wasaaradaha iyo hay’adaha ka tirsan waaxda fulinta ee dawladda dhexe sida wasaaradda caafimaadka, waxbarasahada, arrimaha gudaha, hawlaha guud IWM. Tusaale: Tusaale: Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ka masuulka idil ahaan siyaasadaha caafimaadka, dhisidda iyo gacan ku haynta goobaha caafimaadka ee dawladda, kormeerto xarumaha adeeg bixinta caafimaadka, in muwaadiniintu helaan daaweyn iyo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah IWM sida ku cad farqadaha kala duwan ee qodobka 13 aad ee xeer 71 (Xeerka Nidaamka Xukuumadda XeerLr.71/2015), haddana waxa aad maqashaa ama jirta dawladda hoose oo MCH yada gacanta ku haysa, farmasiyada dawada dhacday ku qabsanaya ama liisan ganacsi siinaya IWM, maadaama oo caafimaadku ka mid yahay shaqooyinka dawladda hoose sida ku cad qodobka 15 aad, faqraddiisa 2aad ee xeer 23(Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019. Arrintani macnaha ay leedahay waxa weeye in ay wasaaradda caafimaadku leedahay si guud awoodda iyo shaqada waxkasta oo caafimaadka khuseeya, hase maadaama oo maamul daadejin la rabo, wixii caafimaadka ee heer degmo ah in ay matalayso dawladaha hoose, xaqna ay u leedahay.

 3) iyo ugu danbyan shaqooyin ay ka yihiin lataliyayaal ee aanay wax faro galin shaqo ah ku lahayn, sida kolka degmadooda loo samaynayo qorshaha iyo naqshadda magaalada(Master Plan) oo fulinteeda xaq u leedahay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayantu.

Dhanka kale, dawladaha hoose ee dalka oo dhami waxa ay toos u hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waa sababta ay wasaaraddu u soo magacawdo qofka ugu awoodda badan dhanka hawl socodsiinta oo ah Xoghayaha Dawaladda Hoose. Shaqo kasta oo maamul daadajin ah oo loo igmanayo dawladda hoosena waxa loo sii dhexmarayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maadaama oo ay dawladaha hoose ee dalka uga masuul tahay dawladda dhexe.

Laba Hay’adood oo Fulinta ka Tirsani ma is Qaban Karaan

Waa caadi oo maadaama oo shaqo wadaag la yahay, hay’adaha kala duwan ee dalkuna ay masuuliyadi ka saran tahay fulinta adeegyada xeerarku ku waajibiyeen, waa uu imanayaa is qabsi xagga shaqada ah. Waa sababta loo sameeyay Xeerka Nidaamka Xukuumadda XeerLr.71/2015, Xeer-nidaamiye Lr.01/2018, Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Xeer Lr. 23/2019 iyo xeerarka kale ee la mid ka si loogu kala saaro loogana hortago isqabsiga iyo kala xoogista shaqooyinka.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa

Gubashadii waaheen waxa ay ahayd masiibo wayn oo qaranka ku habsatay. Cid gaar shaqo uga dhigan karysay wakhtigaa ma ay jirin. Gurmadku dal, dibad iyo dawlado shisheeyaba waa uu ka yimi. Bilawgiiba waxa soo baxday nuxnuxda sheegaysa cidda qaadhaanka madax looga dhigayo iyo in la kala boobayo. Waxa hawshaa soo afjaray Madaxwaynaha Jamhuuriaydda Soomaalilaand Musane Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu magacaabay guddi uu madax uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, xubinna uu ka yahay Maayarka caasimadda Hargeysa. Wixii qaranka taabanaya sida masiibooyinka abaaraha, daadadka iyo dabka, xaq baa uu u leeyahay madaxwaynuhu in uu guddi u saaro, lamana odhanayo, “magaalo hebla ayaa ay ka dhacday ee maayarkeeda halagu daayo”. Arrintaasi halkaa ayaa ay ku saxantahay, qaranka iyo golaha deegaanka Hargeysina waa ka wada socdeen arrinkaa.

Ka dib gurmadkii degdegga ahaa ee hawshaa laga gaystay, horaa loo yidhi “xabaal iyo ninkeed loo kala tagye” waxa loo biyo shubtay dib u dhiska iyo ka soo kabashada masiibadii dabka ahayd ee dhacday. Halka ilkaha la isula yimi waxa ay ahayd halkan, ilaa aynu aragnay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo xubin ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa oo si dadban warbaahinta isugu marinaya eedayn ah kala boob shaqo, inkasta oo ay labada dhanba xuseen in aanay jirin cid ay is haystaan hase ay kaliya ku fooggan yihiin shaqadooda, cidna aanay ka aqbalayn in ay ku fara galiso shqadooda. 

Sidoo kale labada dhanba waxay kala magaacaabeen guddiyo kala duwan oo ku kala aaddan shaqooyin kala duwan, hase isku wakhti ku soo beegmay. Waxa dhalatay su’aal ah weli miyaa ay is haystaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose? Innagu ka jawaabi mayno oo warkii jiraaba cakaara ayaa uu imane, innagu waxa aynu ka jawaabaynaa hawshan xaggee ayay kaga kala aaddanaan karaan labada dhinac.

Dawladda hoose waxa ay xaq u leedahay idil ahaan maamulidda mashruuxa dib u dhiska suuqa Waaheen sida ku xusan qodobka 15aad, faqraddiisa koobaad ee xeer 23(Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019), ka soo kabashada iyo maamulidda hawshii dhacday sida ku cad qodobka 40 aad, faqraddiisa koobaad ee xeer 23(Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019) iyo xataa dhisidda haddii ay awooddo isla suuqa Waaheen. Sidoo kale waxa ay awooddaa dawladda hoose in ay joojiso mashruuc kasta oo laga fulinayo degmadeeda haddii aan lagala tashan sida ku cad qodoka 74 aad, faqraddiisa 1aad ee xeer 23(Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019).

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayntu waxa ay xaq u leedahay Dejinta iyo kormeerida iyo nashqadaynta magaalooyinka iyo Xadidaada halbeegga iyo kormeerka dhismaha, si looga badbaadiyo muwaadinka halista dhismaha sida ku kala xusan qodobka 34aad faqradihiisa 3aad iyo 6aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha M adax Banaan XeerLr.71/2015. Dhanka kale naqshdaynta magaalooyinku ma aha mid ay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayntu iska go’aansan karto ee codsigu waxa uu ka imanayaa dawladaha hoose ee dalka iyaga oo u gudbinaya guddida naqshadaynta qaranka. Kolka ay ansixiyaan guddida naqshadaynta qaranku, ayaa ay hawsha la wareegtaa Wasaaradda Hawlaha guud iyada oo ay ka shaqeeyaan Waaxda Naqsahdaynta Magaalooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayntu, taas oo inta aan ka warhayo ku filnayd naqshadaynta suuqa Waaheen iyo suuqyada dalka, inkasta oo ay wacan tahay in laga faa’idaysto aqoonta iyo khibradda dadka dibedda ka ah wasaaradda.  

Gunaanad

·         Hawsha ay guddida Gurmadka Suuqa Waahen hayaan ma ah shaqo dawlad hoose kaliyi leedahay ee gurmad aran oo loo fidiyay goobtii iyo dadkii ay ku habsatay masiibadu;

·         Dawladda hoose ee Hargeysa xaq bay u leedahay maamulidda, naqshadaynta iyaga oo raacaya naqshada guud ee wasaaradda Hawlaha Guud Dejiso iyo dib u habaynta mashruuca dib u dhiska suuqa Waaheen, bixinta qandaraaska iyada oo u maraysa nidaamka qandaraas bixinta ee qaranka iyo ka qayb gelinta daneeyayaasha sida: dadkii degganaa suuqa Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Hawlaha Guud IWM.

·         Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayntu iyadaa xaq u leh naqsahdaynta Magaalooyinka, ama qayb ka mid ah magaalada, dawladda hoosena kama hor istaagi karto, ka dib kolka ay codsato dawladda hoose.

·         Wasaaradda Hawlaha Guud, waa ay soo saari kartaa naqshad guud oo ay tahay in ay yeeshaan suuqyada, goobaha adeeg bixinta dawladda iyo idil ahaan dhismayaasha danta guud, balse xaq uma laha, naqshadaynta goob gaar ah. Tusaale: Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryayntu, waa ay soo saari karaan goobaha ay tahay in suuq noqdaan, waxyaabaha ay tahay suuqaa in laga helo, waxyaabaha u aasaasiga ah ammaanka suuqaa ganaci IWM, laakiin ma odhan karaan Suuqa Waaheen iyo suuqyada dalka oo dhami waa in ay isu eekaadaan. Wasaaraddu waxa ay xaq u leedahay ku kormeeridda naqshahadaha guud iyo xeerarka fayaqabka dhismayaasha in ay ku daba gasho meel kasta oo dhisme dawladeed ama mid danguuda laga dhisayo.

FG: Intaa waxa ii raacda, baadhistii lagu sameeyay gubashadii suuqa Waaheen wali lama hayo, cid wax iska waydiisay oo danbena ma maqal, sidoo kale, cid masuuliyaddii gubashada la saray ma jirto. Sida ku cad 74aad faqraddiisa koobaad ee 23(Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019) waxa masuul ka ah dabkasta oo dhasha cidda ka danbaysa, sida shirkadaha laydhka IWM. Haddii ay jirto cid hawshaa meel ku og, ama qodobadii laga soo saaray ha igula wadaagto qaybta faallada.   

 

 

 

 

No comments:

Post a Comment