Tuesday, December 12, 2017

NOLOSHII MADAXTOOYADA.

Waayahan hurdo ladi maayo, saa adiga ayaa I baray soojeedka; hortaana hurdo-la’aani iigama horrayn. Idil ahaan maalmihii aan ku dhex weehanayay gudahaagu, maanta waa igu dhinbiil xusuuseed. Ma garanayo wanaag iyo wacnaan aad igu xusi doontid se waxa aan ogsoonahay in ay noloshii aan kugu ag qaatay qalbiga iga hurin doonto dhamac aan xataa aakhiro
iga hadhinna noqon doonto. Dusha ha la iiga arko fariid xeelad iyo xammaalasho badnaa, in kale ha igu tilmaanto tuug tabartiisii ku xaday, walaw aanan filayn in ay jirto in maanka ku haysa in uun wanaag aan sameeyay intii aan nolosha kula wadaagay.

Ciddii ku soo gashaaba waa tii kaa baxda se laba ayuunbaa ay u dhaxaysaa: naf kolka ay soo galayso kurbata kolka ay baxaysana muusoota oo ay wehel u noqoto dharaaraha xusuuseed ee ay nolosheeda kugu qaadatay ama mid kolka ay soo galaysona muraaqoota maalinta ay kobtan maanta oo kale joogtana dibno qoslaaya iyo dareen ilmaynaaya noqota. Waa aan ka xumahay in ay idil ahaan noloshayda ku jiri doonaan maalmaha xasuusta xanafta maydhan ahi ee hadda sida hilaaca iisoo hormarayaa.

Joogista dhexdaada in muddo ahi waxa ay I dhaxalsiisay cuqdad nafsi isla hadda igu beerantay. Imikaan garawsaday in aa ahayd nasiib aadamaha kolkol soo mara. Imikaan garawsaday in aad ahayd kobta taariikhaha labadooda baal(1.dhanka wanaagga 2.dhanka xumaha) lagu kala galo. Imikaan garawsaday in ay ahayd noloshaadii hibo Eebbe inyar ku gallado. Maalmo ka hor ilaa hadda fikirka kalya ee aan ku jiray waxa uu ahaa in aan isku dayo qorista maalmihii milgaha taariikheed ii geli lahaa ee aan noloshaadii kugula wadaagay. Waan daalay se maalinna ma hayo, wacnaan iyo wanaag badanna waa aan kuu hayn lahaa haddaad in uun maalinna xasuusato si aad iigu baraarujiso iigana kala yarayso walbahaarkan hadda ila kawsaday ee aan u malaynayo in aanay labada daaroodba iga hadhi doonin.
NOLOSHII MADAXTOOYADAAY SALAAMA, WAKHTIGA TAGAYOOW SALAAMA.
W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed
Sakariyemido@gmail.com

No comments:

Post a Comment