Q2aad....B.adeegga
aad rabto oo aan si hufan laguugu qabanayn: Sida aynnu u badannahay degdeg iyo
ka gaadhsiida ayaa innagu badan. Inanka Soomaaliga ahi in uu ku marxabbaysiiyo
oo uu ku qanciyo shaqadiisa ayaa ku xidhan balse aalaaba ma dhacdo, haddii
aydaan dad isfahmay ahayn. Ganacsigu is fahan uma baahna ee daacad iyo dedaal
buu u baahan yahay. Macmiil kasta oo kuu yimaadda in aad si wanaagsan oo
qancisa ugu shaqaysaa waa danta ganacsigaa yar. Haddaba wiilka Itoobiyaanka ahi
sidaa ma aha ee haddii aad maalin
walba ka xiirato iyo haddii ay caawa kuugu
horrayso waa midkii kugu mashquula wakhti dheer ilaa aad ka dareemayso raallli
ahaansho. Waa sababta aynnu kuyuuga dheer ugu galo tima jarayaasha Itoobiyaanka
balse aynnaan u danayn timo jarayaasheenna.
1.
Dawladda oo liidata iyo damaca ganacsatada oo
xad ka bax noqday: qodobkani waa midka ragaadiyay ganacsatadeenna yaryar. Dawladdu
siyaasad cad oo lagu kobcinayo korna loogu qaadayo ganacsatada yaryar ee raad
baradka ah ma laha. Ganacsadihii waynnaa ee la rabay in uu oggolaado in la ga
hoos macaashaana ma oggola oo wuxuu ku noqday ganacsatadii soo korraysay laf
dhuun gashay. Ganacsatada waaweyn baa ka kaw ah siqiir suujiska haysta kuwa
yayar(ganacsatada). Tusaale: ninka bariiska soo dejiyaa maanta kagama hadho dekadda
ee isla isaga ayaa kiiloo miisa oo danyarta guryahooda goondhooyin uga furay. Gaadhiya
dekadda ka soo qaadaya isagaa leh. Bakhaarka lagu rogayo si loo kaydiyo isagaa
leh. Gawaadhida yaryar ee bakhaarrada suuqa u qaybiya isagaa leh; halka isla
bakhaarradaana uu badh leeyahay. Ila soco oo hayga hadhine waxa ay u badan
tahay waliba in uu tukaannada xaafadaha ka iibiyana uu qayb leeyahay. Waayahaye
waxa su’aala maxaa u nafa dhammaan jarajaradaa aynnu soo taxnay ciddii ka faa’idi
lahayd? Saw kaligii-noole ma aha, aan dadka iyo dalka midna u tudhayn ee wuxuu
doono samaynaya? Middaa wax aka daran ma
jirto wax dawlad ah oo your ka odhanaysa waraabahaa ummaddii ku habsaday. Waa qodobbada
ugu waaweyn ee boqno gooya ganacsatada soo koraysa.
2.
F.G Ma wada aha ganacsatadeenna yaryari qaar
sidaa aan ku xusay ah balse waa sida aynni u badannahay; sidaa liddigeedana
dhammaan ajaanibku ma aha qaar sida aynnu kor ku xusnay wada ah balse waa sida
ay u badan yihiin. Kolkale Tusaalayaasha aan soo qaatay ugama jeedo ajaanib
jacayl balse dhaliisha jirta ayaa ah in aynnu wali ku liidanno qancinta
macmiilkeenna.
W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)
Sakariyemido1@gmail.com
No comments:
Post a Comment