Thursday, September 28, 2017

Maxaa ay ganacsiyada yaryar ee Soomaalidu u horumari la'yihiin?

Tan iyo kolkii dalka dib loogu soo laabtay waxa ay dadku ku hawlanayeen in ay kaafiyaan nolol maalmeedkooda. Inta badan ruuxa masuulka ka ah reerkasta sida: aabbaha, hooyada, curadka ama cid kasta oo masuul ka ah intii guri wada joogta, waxa ay ku hawllanyihiin  in ay kaafiyaan  oo kafeeyaan nolosha dadkaa iyo qoyskaa ay masuulka ka yihiin. Sida caadiga ah dadka Soomaaliyeed waa dad isku dul nool oo waxa laga yaabaa in
guri ay ku nool yihiin toban qof(10 qof) uu ka shaqo tago hal qof. Wax yaabo badan ayaa sababay middaa oo ay ka mid tahay shaqo la’aan iyo shaqaysi la’aan is huwan oo dalka dadka ku habsaday.
Haddaba in ka mid ah masuulladaa hoggaanka u ah qoysaska ayaa isku hawlay iskuna hawla illaa hadda in ay sameeyaan ganacsiyo koobkooban maaddaama oo aanay awood u lahayn furashada ganacsiyo waaweyn. Waxa ay furtaan dukaan/dabakaayo, maqaaxi, rayiisle/timajare.. iwm. Inta badan kuma guulaystaan ganacsigaa ay abqaaleen. Ma gaadhaan meel ka durugsan meeshii ay ka bilaabeen ganacsigodaa. Tusaale: midka maqaaxi laga cunteeyo furtaa, ma ballaadhiyo, iskumana dayo in uu meelo kale ka furto balse waxa uu isku sargooyaa baahida uu qabo iyo macaashka ka soo baxa meheradda.
Haddaba waxa jira sababo badan oo aanu ganacsigaa dadkeennu hore ugu socon sida:
1.       Hanka ruuxa bilaabaya ganacsiga oo aan ahayn mid fog se ah kaliya sidii uu ugu masruufi lahaa qoys: sida aynnu kor ku soo xusnay maaaddaama oo ay Soomaalidu tahay dad isku dul nool, waxa ay ku qasabtay ruuxii masuulka ahaa in uu furto ganacsi yar kolkii uu waayay albaabkale oo u furan ammaba uu tahli waayay in uu helo shaqo uu ku kafeeyo dhammaan reerka baahiyihiisa. Middaasi waxa ay keentay in uu hammigiisa ugu wayni noqdo kaliya in uu nolol maalmeedkooda ku saleeyo faa’iidada ganacnigaa. Sida ay u badan yihiin jeeblayda Soomaalidu kuma ay najaxin oo hore ugama ay dhaqaaqin halkii ay ganacsigooda ka bilaabeen, iyada oo ay sabab u tahay culayskaa baaxadda leh ee haysta. Wax ala waxa faa’iido ka soo baxa ganacsigaa yari waxa uu dib u galaa xubnaha qoyska. 
2.       Aqoonta ganacsiga aynu u leenahay oo yar: qodobkani waa mid isna qayb laxaad leh ka qaatay horumar la’aanta ganacsiyada yaryar ee Soomaalda. Inta badan aqoonta ganacsiga kuma salayno ganacsiyada yaryar iyaga oo ay yihiin kuwa baahida badan u qaba. Sida qaalibka ah way yartahay inta aqoon ganacsi leh ee furata meherad ganacsi. Inta furata ganacsiga yaryarina badanka waa dad aan aqoon lahayn. Waa midda sababtay in ganacsiyada yaryar ee Somaalida laga jeclaado kuwa ajaanibka. Tusaale: Timajarayaasha Somaalida waxa aad looga jecel yahay kuwa ajaanibta sida Itoobiyaanka. Sababo badan daraaddeed baa looga jecel yahay ee la iskama jeclaan. Sababahaasi waa kuwa keenay in aad u tagto Itoobiyaan aad fahmayn adiga oo helaya Soomaali si kasta oo aad wax ugu sheegato ku fahmaya. Ma aha taa micnaheedu ajaanib jacayl ee waa in aad heshay qof baahidaadii si wanaagsan uga jawaabaya. Waxa haddaba ka mid ah carqaladahaa Soomaalida ganacsigooda horumarka u diiday:
    A. Qiimaha oo aan xaddidnayn: waxa aan uga jeedaa qiimaha oo aan xaddidnayn, timojare Soomaali leeyahay haddii aad soo gasho ma arkaysid wax qiimo ah oo kuu sheegaya inta laguugu xiirayo; afkana lagaa odhan maayo intaasaa la isugu xiiraa. Maka laguu dhammeeyo ayaa lagaaga soo bilaabayaa “saddex dollar(3$) keen” haddii aanu kaba badin. Adna waadigaa cirka maray ee ugu jawaabay “waar hal kaa dollar(1$) baan hayaa maad qaadan”. Idinka oo isla il daran ayaad dhexda isagu imanaysaan oo aad lacag aad ku talo galin bixinaysaa. Macmiilka laftiisu isxagxagadkaa in badan ka dib ayaa uu macmiil lala saa’iro noqonayaa.  Waa wax yar oo basiida oo aan la odhan Karin qiimaha in la dhajiyaa xeelad bay u baahan tahay balse waxa aan u arkaa in ay faa’iido u arkaan innamadeenna ay meheradahaasi u furan yihiin. Sida aan qabo waa iin ay leeyihiin timajarayaasha Soomaaliyeed.  Sidaa caksigeeda meheradaha ajaanibka inta aadan fadhiisanba, waxa aad daalacan kartaa inta laguugu xiirayo ama adeegga kale ee aad rabto laguugu qabanayo. Taasi waxa ay keentay in uu ruuxu jeebkiisa ogaado ka dib ku soo xisaabtamo isaga oo aan ka cabsanayn in wax dheeraad ah la wayddiiyo. In aad lacagta laguugu qabanayo adeegga aad rabto sii ogaataa waxa ay keentaa in aad si dhiirran  u timaaddo goobtaa ganacsi adiga oo aan dabo ka warwar qabin, jeebkaagana ka shakisanayn. Ma aha tusaalahan oo kalya se waa mid ay ka siman yihiin idil ahaan ganacsiga yaryari waliba ha u badnaadeen kuwa adeegga kuu qabanayaa’e... la soco


W?Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)
Email: Sakariyemido@gmail.com

No comments:

Post a Comment