Halmar ayuu
suuray. Mayaqaan waxa ku dhacay se maanta iyo il ka ogaansho(akhris) uu ku dhammeeyay
dhigane aad u dhaqaajiyay maskaxdiisa maankana u daawasho geeyay dagal doogu
buuxo, dugaag wax cunaana aanu joogin. Fakar dheer oo ka bilawday xadantayntii
dhiganaha(buugga) se dhamaad kiisu aanu dhawayn, malahaygana aan laba gaadhayn
ayuu durduurtay.
Waxa uu damac ula dhaqaaqay dunida maanta uu sifaheeda
dheegtay, halka uu kaga jirana
ogaa se halka uu ka gali doono ayuu
go'aan dhiirranaan leh ku dhagsiiyay; balse
dhiggiisa ku lamaan ee nafi lama qabto go'aanka uu gaadhay, waana ku kali aan
cidi labayn. Oo yaa labayn lahaa cidiba lama ogee? Oo haddaa tan baasee nafa
yaa ogaysiiyay? Ala oo saw iyadu maaha ta mar walba la og waxa uu wado ama
go'aan ku gaadhayo. Oo talaw maxay ka rabtaa ee go'aannadiisa ay u diiddaa? Dee
waxay rabtaa in uu u hoggaansamo. Oo isna ma oggolyahay sidaa? Ma oggola se waa
loo soo raacay oo la oggolaysiiyay? Al! oo isba lama soo raacine iyada yaa
weheliya? Dee shaydaan. Oo muxuu isagaba u wehelin waayey? Danbaan ugu jirin
isaga. Oo wa maxay dantiisu? In daarta labaad la weheliyo? Oo markaa ma naftaa
darta labaad wehelinaysa? Maya e isaga iyo naftuba waa ay wehelinayan? Al! oo
haddaa muxuu isagana u wehelin waayey? Hadduu imika weheliyo una hiiliyo daarta
danbe cidla ayaa uu noqonaya Shaydaan. Oo horta daarta labaad wa xaggee?waa aakhiro.
Oo markaa side ayuu u wehelin nafta? Hhh! dariiqa saxda ah ayaa uu ka luminayaa.
O dariiqee sax ah se kee qaldan? Kuu Alle inoo jeexay ayaa sax ah, kuu Shaydaan
wataana wa qalad. Oo marka in dariiqa saxda ah la raaco nafta iyo Shaydaanba diidan?
Haa. markaa sidee looga badbaadayaa? Xuska iyo weheshiga Alle ayaa lagu
bedbaadayaa. Oo Alle sidaa loo weheshanayaa? Digrigiisa, iyo cibaadada badso
waxa uu diidayna ka tag. Haaa, haddaan fahmay, shaw waa lay weheliyaa o laba
cadaw oo khatar ah ayaa ila socda. Haa waa runtaa. Sax haye digriga Alle aya
ino ballan ah.
No comments:
Post a Comment