Noloshu waa qori isu dhiib. Waa tii heesttii caanbaxday “waa
laac adduunyadu, ninba maalin ladayee”.
Waxa aynnu ku wadaagni doonnaa qoraallo taxan dhawr dumar ah
oo qasriaydii ay adeegaha ka ahaayeen, kolkii danbe u taliyay.
1.Boqoraddii Hiram.
Waxa ay ahayd addeegtadii gaarka ahayd ee boqorkii cusmaaniyiinta,
Sulaymaan al Qaanuuni. Waxa ay ku dhalatay dalka Ukrayn 1502 miilaadiga.
Magaceedii horana waxa uu ahaa Aliskandara. Kolkii ay da’deedu ahayd 15 jir waxa
soo qafaashay
ciidamadii Tataarka, waxana loo iibiyay jaaryad ahaan. Waxa lagu
daray oo ay nasiib u yeelatay in ay ka mid noqoto u adeegayaashii boqor
Sulaymaan. Waxa ay noqotay booyaaso aad u firfircoon waxana ay ku guulaysatay
in ay noqoto jaaryadda gaarka ah ee boqorka. Waxa uu aad ula dhacay quruxdeeda
aan qiyaasta lahayn ee caqli badnaantu ku ladhan tahay.
Boqor Sulaymaan waxa uu guursaday Aliskandara, waxana uu ka
beddelay magacii isaga oo u bixiyay Hiram. Waxa ay ku caan ahayd saamaynta
siyaasadda dibadda iyo u samo falka dadka taagta daran. Waxa ay dhistay
cisbitaalka haweenka ee ku yaalla magaalada Istaanbuul. Waxa kale oo ay ka dhistay magaalooyinka Maka Al mukaramaha iyo
Qudus laba meelood oo lagu quudiyo masaakiinta. Waxa ay geeriyootay boqoraddii
Hiram 1558 ka dib kolkii ay kaga tagtay dunida magac iyo maal aan tiro lahayn.
Waxa maydkeedii lagu aasay meel aan aad uga durugsanayn qabrigii ninkeeda.
xigasho: Xuseen Kurdi channel.
No comments:
Post a Comment