Thursday, August 25, 2016

XADIISKA 20aad



عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم "إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت" . 
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].

XISHOODKA

Waxaa laga weriyay Abuu Mascuud Cuqba ibn Camar al Ansaari Al Badri (Allaha ka raalli noqdee), lnuu yiri: Rasuulkii llaahay wuxuu yiri: Waxaa ka mid ahaa hadalladii
laga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn fal waxaad doontid.
Waxaa werivay Bukhaari.  

SHARAXA

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee xishoodku ku lahaa diinihii hore ee aadamigu ka soo dhaxleen Nebiyadii hore Nebedgelyo iyo Naxariisi kordooda ha ahaatee.

Hadalka waxaa laga garanayaaa in nebi walba ummaddiisa ku waanin jirey, Nebi Muxammedna (s.c.w.) wuxuu u sheegay ummaddiisa in xishoodku ka mid yahay iimaanka. Marka xishood la'aan waa iimaan la'aan, ama xishood laawe waa iimaan laawe, sidaa awgeed, xadiiskan waa hanjabaad iyo goodin u jeedda qof ka xishoodka fududaysta, lana dareensinayo haddii uu fududeysto xishoodka qiimaha uu ku leeyahay bulshada inuu hoos u dhici doono, isla markaana ciqaab mudan doono, maxaa yeelay, xishoodku waa xakamaha qofka ka hortaagan xumaat ada, qallooca, sharaf-dhaca iyo dulliga.

FAII'IIDADA XADIISKA
1. Qiimaha weyn ee xishoodku ku leeyahay taariikhda aadamiga,
2. Qofka aan xishoon kheyr laga sugimaayo 
3. In xishoodku ka mid yahay anshaxa wanaagsan ee dadka ku faano,
4. Goodiga ku dhacay xishood laawaha inuu mudan doono ciqaab adag, maxaa yeelay mar haddii qofku xishoodka ka tago wuxuu ku kacayaa dembiyo fool xun.