Horta kolka dadka damiirku ka dhinto waxa lagu
gartaa in ay ka dhiidhiyi waayaan wax kasta oo dhaca. Soomaali hadday Soomaali
ahaan jirtay, maanta Soomaaliyi ma joogto ee dad bilaa dammiiraa diirka isku
eegtay. Dadqallada u taliyaana in ay dhiigga intaa hoos hogata nuugaan iyo in
ay ku soo hagaan uskag kasta iyo xaaraan uurku ugu balaadho ayaa ay ku
tashteen. Ma waxa uu u malaynayaa in uu sharaf ka helayo soo dhawaynta
Xayawaanku midka uu dhaamo iyo hagar daamaynta midka hindisaha wacan u wada. May
may waxa ay ka go;antahay caarkiisa iyo caruurtiisa aanadaa iyo uurku taalladaa
uu beerayaa. Soomaali dhiiggii Soomaali nimo lagala baxay ayaa joogta dunidan maanta
inyar mooyaane.
Hargeysi ku daysay hadday sidan ku sii socoto. Heego
dheer sharaf leh ha ugu soo
hagaagin inyar dabadeed, ha ku soo ma jeerannin
hal-abuur dhiig leh, ha ugu soo talo galin gadhwadeen hadimada ka dhawra umadda
hana ugu soo tashannin diin, dadnimo iyo sharaf dhex taal magaalada Hargeysa.
Haddii ay 10 sano sidaa ku sii socoto
gacantana ugu jirto iimaan laawayaashaa iibinaya dhammaan dalka dadnimadiisii,
sharaftiisii diintiisii iyo dhaqankiisii gayaysiinayana halkii bini aadannimo
ugu hoosaysay (Alle ha sharaf ridee) Soomaali ku daysay.
Bal heerka ay marayso eeg. Waxa la xidhayaa oo
xin iyo xaasidnimo jeelka loogu ridayaa midkii diinta iyo wanaagga farayay
umadda, waxana lagu soo dhawaynayaa oo dabada loo ruxayaa loona siiddaynayaa
caarka dalkan mid oggol isfuulka laba nin iyo wax iska dayga laba dumara. Alle
karaamada haka qaado inta fududaynaysa iyo inta daba raqlaynaysaba.
Midkan Alle ku karaamo ridayo intaa u
raxlaynaysa aan kula wadaago waxa uu yahay:
48 jirkan nacalla qabaha ahi waxa uu ku dhashay
new York. Isla New York na waxa uu ku dhigtay wax barashadiisii. Waa wariye caan
ah. Waxa uu wariya nimada ka bilaabay wargeyso ka soo bixi jiray vitnam;
halkaas oo uu kaga qalin jabiyay Yali. Waxa uu xog ka qorijiray dagaalladii
Ruwanda, Soomaaliya iyo Bosnia oo uu dhammaantood tagay. Waxa kale oo wariye ka
noqday ABC IYO CNN. Waxa uu ka soo muuqan jiray kolal kale World News Now co-anchor (1999–2000), American Morning anchor (2002), Anderson iyo Cooper
360°anchor (2003–present); hadda se waxa uu gacanta ku hayaa Anderson Live host (2011–2013).
Waa
u ololeeye iyo waliba fuliye dhanka isguursiga dadka iskunjinsiga ah. Waxa uu
si cad ugu sheegay in uu isagu yahay mid ka mid ah dadka xawayaanku dhaamo(dadka
isku jinsiga ah ee is guursada) wargeyska The Telegraph. Waxa uu yidhi "I'm
gay, always have been, always will be, and I couldn’t be any more happy,
comfortable with myself, and proud,"[1].
Karaamo darrada ugu wayni waxa ay tahay waxa uu baahiyay oo
boggiisa twiter[2] ku faafiyay sawiro haweenkii
iyo ubixii dalka uu la galay. Waa awood darrida aynu ilaashan kari waynay
caarkii dalkan iyo sharaftii ummaddani lahayd.
Ma arko magac iyo maamuus uu u soo sido ummaddan habawsan. Waxa
dhibka inna haystaa yahay gumaysi maskaxeed iyada oo la ogyahay aan waxba laga
qaban Karin. Is waydii diiinta aad haysataa waaa tee? Dhaqankaagu maxaa uu ka
qabaa arrinkan? Sharaftaada iyo sumcaddaada intee in le’eg ayaa uu saamayn ku
leeyahay? Qof nimadaada dhaawac intee le’eg ayaa uu gaadhsiinayaa?
Intaas oo dhan iyada oo la ogyahay waxa haddana innaga xoog
badatay caqli yaraantii. Waxa saamayn badan innagu yeelatay fikirradii qaldanaa
ee shisheeyaha. Maxaa ay tahay xidhiidhka aan ka faa’idayo mid caqligiisu
keenay isfuulka laba nin iyada oo xidhiidhkii ilaahay ku xumaanayo?
Sababaha ugu waaweyn ee uu u yimi ayaa ah sii xoojinta
xaladdii iyo xidhiidhkii ay abuurtay nacalla qabtadii ka horraysay ee dalka
timi. Waxa uu in uun saamayn kaga tagayaa dalkan intii u kacaysay iyo intii u
kacdayba ay noqdeen xoolaha fikirka looyeedhiyo. Dhaleecaynta iyo dooddaha aan
caqliga waxba ku kordhinahayn ee aywadaanna ay tahay mid aan jiho lahayn.
Dhamman xaddaaradihii adduunka, mid kasta oo baaba aysay waxa
ay soo martay xaaladdan ay manta Soomaalilaand iyo dhammaan Soomaali ku jirto. Waa
kolka ay dhammaan ummaddaasi noqoto mid u jeedda dhanka maal adduun iyo maamuus
aan dhab ahayn. kolka laga tago anshaxa iyo dhaqanka ummaddaasi leedahay iyada
oo la ogyahay qaladka la galayo. Kolka diinta iyo dadnimada la dhaafsado dhuuni
shakhsiyaad helayaan wayse ku halaagmiye. Kolka ay ummaddu caarkeeda ilaashan
waydo ceebaheedana dhawran waydo.
Sidan haddii ay ku sii socoto Hargeysi, halaaggii iyo
hagardaamada Alle waxba ugama hadhana. Siduu Alle ku hor istaagayaa mid kii
dhanka Alle ugu yeedhayay xidhaya. Xaywaanku mid uu dhaamona hoosta soo
gasahanaya.
Dhiigga iyo damiirku kolka uu ka dhinto ummad waxa lagu
gartaa in ay ka yiqyiqsoon waydo wixii sharfteeda dhaawacaya. In caarkooda ay
ku daawadaan waraabaha hareereeya. In ay culimada iyo caamadu isku fikir
noqdaan oo la is dhaami waayo.