Sunday, August 28, 2016

Ma I fahmaysaa?


Aheey ah! Waa maxay adaygani? Ma sidan bay ahayd midhaha geedkii aan inta badan ku tabcaayay? Foolka noocan ahina miyaa uu qarsoonaa? Malahaygii gaabnaa iyo ismoodsiiskii tirada badnaa ma muuqa iyo meesha maanta aan aallo ayaa ay ii hoosaasinaysay?
Khaladka aan galay wali ma aan fahmin. Ma danbi aan galay ayaa la iga jarayaa? Ma duudsi aan sameeyay ayaa aan midhihiisi goosanayaa? Ma macangagnimo dhankayga ah ayaa sidan keentay? Xalkii maxaa iga laalay? Aaway maskaxdii wax furfuri jirtay, kolkasta iyo
kobkasta oo ay arrini gashana furdaamin jirtay? Miyay shaqo daysay? Ma doorkeedii iyo dunidan qarribantay ayaa kala batay? Talaw xaalku waa sidee?


Duniyeey dabkaa be’. Dhaldhalaalka iyo dhinacyo badnaanteedu hadimo iyo
hagardaamo badanaa. Hammigaygii ahaa horumarka iyo hiigsigaygii hurdada iyo hadhsigaba ii diiday aaway? Saw maan jeclayn? Saw boholyaw iyo baahi badan uma aan qabin? Saw maanka iyo maskaxdaba ma ay dagin? I mee? Kobtan iyo kaalinta aan filaayay kala dheeraa!

Ma aad I qiimayn? Haa, adigu ma aad I qiimayn? Kolka ay wax khaldameen ma aad ii sheegi, haddii aan kaaga warramo waayahaygii iyo wakhtigayga intii badnayd? Ma iga aqbashay codsigaygaa? Waxa laga yaabaa in qaabka noloshaydu ahayd aynu wadaagno xalna aad ii hesho ee ila soco.

Noloshayda baahiyaha aasaasiga ah waa ay haysataa. Hugayga, hungurigayga iyo hadhsiimadaydaba waxa ay guudka u saarantahay waalidkay oo kama werwero. Waxbarasho dugsi hoose ilaa maanta oo aan shahaadada koobaad ee jaamacadda haysto, maalin ma aan seegin. Danta bulshada oo aan tayda ka dhex arkayay ayaa aan u badnaa noloshayda inta kale. Aniga oo yarba waxa aan dhex galay faallaynta iyo ka fikiridda danta bulshada aniga oo ku dhex milayay danahayga ii gaarka ah. Magac, maamuus iyo milgoba waxa aan filayay in aan ka gaadhi doono.

Inta aanan qaban ama ka fikirin waxa ii wacan waxa aan ka fikiri jiray waxa inta kale u wacan. Waxa niyaddayda ku waynayd wax u qabo iyada oo ay meesha ka maqnayd goorta aan anigu wax qabsanay. Wakhtigaa sacabka iyo u sarakaca aan bulshada ka heli jiray koobid lagu sheegi karahayn. Haa, oo niyadsamaan iyo naawilid in ay sidan ahaan doonto ayaa maankayga iyo maskaxdayda buuxin jirtay.
Wax barasho, wax qabsi ku hawlanaan shakhsiyadeed iyo hirgelinta dhammaan arrimaha wax taraya berry naftayda waxa aan ka hor mariyay hanashada dhalintii wakhtigaa aniga oo ay iiga dhex muuqnaysay in ay noloshu heerkaa ahaanayso. Hoog’eey adduunyo miyaan maantaba ku hor keeni lahaa xalka aan u rabo noloshayda gaarka ah? Haa dee, adiga miyaan ku odhan lahaa maxaa khaldamay? Saw ma aan joogeen heerkii wakhtigaa aan gudaha ka ahaa?

Ma I fahantay? Xal ma ii haysaa fadlan? Ugu yaraan ma ii sheegi kartaa waxa khaldamay? Wali waxa aan ahay dhalin yaro? Waxa aan ku noolahay hoygii labadayda waalid. Haa run ahaan niyadda kama rabaan in ay I eryaan, laakiin waa ay jeclaan lahaayeen in aan noqdo mid kaafiya. Bulshadu dhammaan maadaysi iyo mid la isu tilmaamo ayaa iga dhigeen. Badanka waa ila mid, heerka ay taagan yihiin waa ka simannahay, ha se yeeshee anigay liidnimo I raacdaa. Saw kolkii horeba durbaan ma aan tuman? Saw tii hore loo yidhi “nin durbaan tuntay ilaaq dalbay”.
Hah! Wax ba yaan xamaasad hadline heedhe: ma ii haysaa wax hadal ah oo aad I tidhaa? Ka soo qaad adiga oo aniga ah, maxay ayaa aad yeeli lahayd?

Hal mid aan ku xasuusiyo, anigana waa ay I seegtay noloshayda intii hore oo dhan “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara”. Waxa aan kuu raacinayaa si aad si waafiya in uun iigu warceliso: waxa aan ahaa mid si caadiya u nool. Si caadiya wax u barta, si caadiya u dhaqma si caadiya fekera, waxa ay bulshadaasi ku qanacsantahay kula qanacsan, ku niyadsan kaliya in uu noolaado. Haa waxa intaa ii dheeraa hammiyo badan oo aan ku riyoon jiray habeen walba. Habeenba waxa wacan ee aan soo maqlo ama arko waa aan jeclaa in aan helo. Haa dee intaana waxa aan kala sinnaa dhammaan inta ila nool.

Xaalkaygii hore wa kaa. Hadda wakhtigii aan jaamacadda ka baxay waxa laga joogaa 13 sano.
ma aan guursan, shaqo iyo shahaado kale midna ma hayo, ala haa yaanan been sheegine in badan danaha bulshadaan ka shaqeeyay iyada oo aan ka dhex arkayo tayda. Haye ii wad maxaa tidhi haddaba? :-


“nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyay raacdee”