Waxa la yidhi "Waraabaa beri la raaciyay hal iyo nirig is dhalay . In uu maalintaa soo daajiyo oo aanu taaban ayaa la faray. Waa waraabe oo is xejin kariwaa, hilbahan agtiisa iska taxaashayana ka ladi waa inkastuu hadalkii la yihdi ku mudnaa. kolkuu wa xoogaa is adkeeyay ayaa uu nirigtii faruuryaha goostay. Haddana kolkuu cabbaar joogay ayaa uu hasshii candhada goostay. Fiidkii kolkii ay ahayd ayaa uu soo carraabyay. kolkii habeenkii wa xoogaa tagay ayaa la is yidhi hashiii soo lisa nirigtana u sii daaya. Inta uu sidaa u eegay ayaa uu yidhi waraabihii ' Maxay ka nuugtaa maxay se ku nuugtaa' ".
Haa, waxa aan ku keenay sheekadan
dhalintan isla dhex boodaya nin nin guursaday ama oggol ayaa Soomaalilaand horumar iyo magac lalwis u ah. Maxaa iiga dan ah barnaamijkiisa boqolka milyan dawadaan sa xawayaankaa dhaamee. Caqliga diintu weheliso mansab uma arko waxaa iyo wax la mid ah. Inta ii talisa iyo inta Soomaali u talisaba waan ku ogaa Diircad daba yaaca laakiin waxa aan rajo ka qabaa inta soo kacaysa se haddii ay iyana xooggananaato fikirka shegaya in uu sharaf iyo magac kuu hayo ruux aan isla adiga ahayni waa marin habaw aan jiho lahayn.
waa kala gaar xidhiidhka adduunkamlala samaynayo iyo sharafta iyo waxa aad guddo. Marna marin iigama furna ruux la kulankiisu bahdilaad u yahay dhammaan waxa aan dhawrto(dhaqan kayga, diintayda dadnimadayda...).
Fool xumo inteeda le'eg.