Wednesday, April 6, 2016

XADIISKA 15aad - XADIISKA 16aad




عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: "مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ جَارَهُ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاَللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ". [رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ، [وَمُسْلِمٌ]

ANSHAXA WANAAGSAN

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), in uu yidhi Rasuulkii llaahay (N.N.KH) wuxuu yiri: Qof kii rumeeyay
Allaah iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso, qofkii Allaah iyo qiyaamaha rumeeyay ha xurmeeyo deriskiisa, qofkii Allaah iyo qiyaamaha rumeeyay ha soo dhoweeyo martidiisa." Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

SHARAXA

Xadiiskani wuxuu inna barayaa dhaqanka wanaagsan ee ku habboon sharafta qofka muslimka ah. Hadalku waa qalabka kowaad ee dadka kuu soo dhoweynaaya ama kaa fogeynaaya, marka qofku waa in uu ku fakiro waxa uu ku hadlayo inta hadalku ku jiro afkiisa, marka haddii uu rabo in uu ku hadlo wax kheyr leh oo waxtar leh ha ku hadlo, haddiise uu yahay mid shar ah oo dhibaato u soo jiidaya qofka naftiisa amase cid kaleba waa in uu iska aamusaa.

FAA'IIDADA XADIISKA

1. In qofku fikiro intuuna hadlin;
2. ln uu kheyr ku hadlo sharkana ka af-haysto;
3. In uu dhawro xuquuqda Jaarka ama deriska 
4. ln la sooro martida


عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنْ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم أَوْصِنِي. قَالَ: لَا تَغْضَبْ، فَرَدَّدَ مِرَارًا، قَالَ: لَا تَغْضَبْ" . 
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ].
CADHADA

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee) in nin u yimid Nebiga (KN.N.K.H) kuna yidhi: ii dardaaran markaa suu Nebigu yiri: "Ha cadhoonin, Markaasuu ku cel celiyay erayga ha cadhoonin”.
Waxaa weriyey al-Bukhaari.

SHARAXA

Cadhadu waxa ay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna u soo jiida, lamana celin karo cadhada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu raalli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeedhayaa muslimiinta iney is celiyaan inta ey cadho burburayaan, waa in aan qofku u hoggaansamin waxay cadhadu ugu yeedhayso. Xadiis kale wuxuu Nebigu ku waaniyay qofka cadhadu qaadqaadeyso in uu weysa qaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fadhiisto hadduu fadhiyey jiifsado... Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeedhayaa in aan cadhadu xadka kaa saarin.

FAA'IIDADA XADIISKA

1. Waa in uu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya cadhada,
2. Waa in uu qofku is-celiyo haddii uu cadhoodo, oo wax kale ku cadho burburo,
3. In uu ka dheeraado in uu qaado tillaabo ama go'aan isaga oo cadheysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay cadhadu ka baxdo.


No comments:

Post a Comment