Booskii SUUGAAN waa la afganbiyay oo jiilkan maanta sida ay u badan yihiin, waxa ay korka ka saareen MAANSO. Waxa kala gaar laga dhigay "Suugaan" iyo farac yadeedii. Sheeko, maah, Riwaayad iyo maanso oo isku sidkan baa Suugaan ah, se shaadhka loo xidhay waa in ay Suugaantu maanso tahay. Waa sax se maansadu waa qayb ka mid ah suugaanta. lama yaabo dhallinta (ha yaraado ama ha waynaado'e) ku tumanaysa suugaanta oo waxa ay dhibkaa la wadaagtaa Suugaantu Afka(Af-soomaaliga) qoraalkiisa iyo baylahtirkiisa aan cidi u maqnayn.
Uma jeedo cidi u maqnayn cid u heellani ma jirto, se shakhsi wax ma beddelo. Iskaba daa shakhsi ee bulsho aan dawlad wadani xataa ma fadhiisin karto qaabka luuqadda. cid wax ii la isla qaato hir gelinaysaa, haddaanay jirinna waa bar kuma taal wixii la la girif leeyaa; lahjadda oo kali ah ayaa meesha ka saari karta.
Dhanka kale umaddii idil ahaan waxa ay ku dheggen tahay kaliya gabay. dhammaan inta kale ee soo hadhay dhanna loo jihayn maayo ee waxa lagu odhanayaa waa maanso. heer waxa ay marayasaa immika bulsho badani u taqaan in maansada iyo gabaygu ay kala duwan yihiin. way yartahay inta u dhuun daloosha arrintan, laakiin wax jira war xiiso iyo xamaasad leh oo odhanaya "Suugaantiibaa luntaye, ha la daba qabteeyo". Wali waxa la isku haystaa se: "Suugaaneey maxaa tahay? Maanso adna halkeed gashaa? se farac ma leedahay? Gabaygan lagu wareeray ee maansada laga takoorayoow miyaad boqorkii maansada ahayn?". Maanta Hargeysa ayaan joogaa badanka dareenka ka dhex jirana aan ogsoonahay walaw adduunku maanta tuulo noqday. ma lihi dad aqoontii suugaanta leh ma jiraan; waa muush laakiin suugaantu kaligood uma samaysna ee bulshadaa dareenka la leh; hadday dhaawacanto oo fahankeeda iyo falsafddeeda intaa ku koobantana waa dhibaato.
Hal fikir baa ila gudboon:walaal inta aanad gabyin, geeraarin ama aad jiifto, shirrab iyo noocyada kala duwan ee maansada samayn horta maanso iyo suugaan akhri, Alle(KORREE OO SARREEYE) haka abaalmariyo inta innoo dhigtay ee dhigaalka ku soo gudbisay wa badan tahaye. mid kalena waa iga dadka u dhuun daloola Suugaantoow ama wax kasta oo sidii ay ahaayeen laga gaxaynayoow halka ay waxaasi ka socdaan aqoontaada ka dheh. Dhaliisha badanina wax uun bay waashaa, dhaliishu waxa ay ku habboon tahay ciddii dhego u leh. kolba haddii hadal jaa soo baxayo nid toosina soo dhii dheh.
No comments:
Post a Comment