عَنْ أَبِي حَمْزَةَ
أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ خَادِمِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و
سلم عَنْ النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم قَالَ: "لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ
حَتَّى يُحِبَّ لِأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ".
رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ [رقم:13]، وَمُسْلِمٌ [رقم:45].
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ]
KALGACEYLKA
Waxaa laga weriyay Abuu Xamsa Anas ibn Maalik (Allaha ka
raalli
noqdee), oo ahaa adeegihii Rasuullra (s.c.w.) inuu ka weriyay Nebiga
inuu yiri: Qofka iimaankiisu dhab ma noqdo illa uu la walaalkii waxa uu
naftiisa la jecel yahay.
Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.
SHARAXA
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee iimaanka dhabta
ku leeyahay bulshada Muslimka ah. Sida runta iimaanku waa saldhigga iskaashiga
iyo xasilloonaanata bulshada laga bilaabo qoyska ilaa heerka dowladnimada,
marka la yaab ma laha haddii Nebigeennu (s.c.w.) ku xiray iimaanka qofka inuu
walaalihii la jeclaado waxa uu naftiisa u doonaayo, taasoo ah inaanu qofku
xaasid ku noqon dadka walaalihiis, uusan ka xumaanin ama ku nicin haddii ay qof
walaalki ah wax u kordhaan. lsla markaa wuxuu xadiisku ina tusinayaa inaan
qofku u qaadin walaalihi xumaato aanu naftiisa uga raalli aheyn.
Mar haddii ay dadku is-jeclaadaan ilaahay dartii wey isku
kalsoonaan karaan marka waxa halkaa ka dhalanaya iskaashi, wada-shaqeyn iyo wax
wadaqabsi. "Tusaale ahaan" waxaad la jeceshahay naftaada caafimaad,
maal badan, magac iyo sharaf, sidoo kale la jeclow dadka walaalahaa ah
waxyaalahaas oo dhan.
FAA'IDADA XADIISKA
1- Ka dheeraanshaha xaasidnimada iyo xumaanta qalbiga lagu
hayo;
2. In qofka iimaankiisa ku xiran yahay waxa uu
walaalihiisa muslimka ah qalbiga ugu hayo
3. lnuu ka dhowro qofka dadka wixii aanu naftiisa u quureyn
4. Inuu ku dadaalo waxyaalaha u
soo jiidaaya jeceylka wafaalihi, kana dheeraado wixii naceyb iyo colaad uga
abuuraya qalbiga
عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ
صلى الله عليه و سلم "لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يشهد أن لا إله
إلا الله، وأني رسول الله] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي،
وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ
لِلْجَمَاعَةِ". [رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ] ، [وَمُسْلِمٌ]
WAXYAALAHA DHIIGGA
MUSLIMKA BANNEYNAYA
Waxaa lajga weriyay ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee)
inu yiri Rasuulka llaahay (s.c.w.) wuxuu yiri: Qof muslim ah ma bannaana in
dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin: 1) Qofkii
isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta; 2) Kii qof muslim
ah dila; 3) Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.
Waxaa weriyay al-Bukhiari iyo Muslim
SHARAXA
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay
dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana
oggola Islamku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga qof ka
dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya
xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku
kalsoonaanta iyo iskaashiga.
FAA'IIDADA XADIISKA
1. In seddexdaa dembi ee dhiigga muslimka xalaaleynaya
yihiin keli ah sinada uu falo qofka reerka yeeshay iyo qofkii dilay ruux muslim
ah iyo qofkii ridoobay;
2. sida islaamku u ilaaliyo nasabka iyo sharafta qofka
muslimka ah;
3. llaalinta nabadgelyada iyo wixii bulshada qas gelinaya.
No comments:
Post a Comment