Tuesday, April 5, 2016

Al-Takaasur & Al-Qaarica

 Tafsiirka suuradda An-Kaafirun oo ku qoran Afsoomaali iyo Carabi. kala soco walaal bloggan si aad diintaada wax badan uga ogaato.
Waxa aad xaga sare ee Suuradda ka ogaan kartaa halka ay ku soo degtay, tirada aayadaha ay ka koobantahay iyo iyo tirada ay ka tahay 114 suuradood.
La soco walaal tafsiirka Qur’aanka oo ku qoran Afsoomaali iyo Carabi, faafi walaal diintaada inta aad karto si aad u xoojiso

رکوعہا 1
101 سُوۡرَۃُ  الۡقَارِعَۃِ مَکِّیَّۃٌ 30
اٰیاتہا 11

بِسْمِ اللہِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِیۡمِ
اَلْقَارِعَۃُ ۙ﴿۱﴾  مَا الْقَارِعَۃُ ۚ﴿۲﴾  وَ مَاۤ اَدْرٰىکَ مَا الْقَارِعَۃُ ؕ﴿۳﴾  یَوْمَ یَكُوۡنُ  النَّاسُ کَالْفَرَاشِ الْمَبْثُوۡثِ ۙ﴿۴﴾  وَ تَكُوۡنُ  الْجِبَالُ کَالْعِہۡنِ الْمَنۡفُوۡشِ ؕ﴿۵﴾ فَاَمَّا  مَنۡ  ثَقُلَتْ مَوَازِیۡنُہٗ ۙ﴿۶﴾  فَہُوَ  فِیۡ عِیۡشَۃٍ  رَّاضِیَۃٍ ؕ﴿۷﴾  وَ اَمَّا مَنْ خَفَّتْ مَوَازِیۡنُہٗ ۙ﴿۸﴾  فَاُمُّہٗ  ہَاوِیَۃٌ ؕ﴿۹﴾  وَ مَاۤ  اَدْرٰىکَ مَا ہِیَہۡ ﴿ؕ۱۰﴾  نَارٌ حَامِیَۃٌ ﴿٪۱۱﴾

Al-Qaarica

Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1)  Qaaricada (qalbiga garaacda). (2) Qaarica maxay tahay. (3) Mase taqaannaa Qaarico. (4) Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay. (5) Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.(6) Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado. (7) Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah. (8) Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican). (9) Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya. (10) Ma taqaannaa Haawiya. (11) Waa Naar kulayl daran.

رکوعہا 1
102 سُوۡرَۃُ  التَّکَاثُرِ مَکِّیَّۃٌ 16
اٰیاتہا 8
بِسْمِ اللہِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِیۡمِ
اَلْہٰكُمُ التَّکَاثُرُ ۙ﴿۱﴾  حَتّٰی زُرْتُمُ الْمَقَابِرَ ؕ﴿۲﴾  کَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُوۡنَ ۙ﴿۳﴾  ثُمَّ کَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُوۡنَ ؕ﴿۴﴾  کَلَّا لَوْ تَعْلَمُوۡنَ عِلْمَ الْیَقِیۡنِ ؕ﴿۵﴾  لَتَرَوُنَّ  الْجَحِیۡمَ ۙ﴿۶﴾  ثُمَّ لَتَرَوُنَّہَا عَیۡنَ الْیَقِیۡنِ ۙ﴿۷﴾  ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ یَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِیۡمِ ٪﴿۸﴾  

      

At-Takaathur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.

(1) Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid), (2) Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan). (3) Saas ma aha ee waad ogaandoontaan. (4) Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). (5) Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta). (6) Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima, (7) Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah. (8) Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.


No comments:

Post a Comment