عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ
قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم "مِنْ حُسْنِ
إسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ".
حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُ
HA FARA GELIN WAX AADAN KU SHAQO LAHEYN
Waxaa laga weriyay Abuu
Hureeyra (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Rasuulkii llaahay wuxuu yiri:
Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha la gelin arrimo aanu
shaqa ku laheyn. Waa xadiis Xasan ah,
Waxaa weriyay Tirmidi iyo
kuwa kale.
SHARAXA
Xadiiskani waa edbinta nafta
iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay
waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan wax aaney waxba ugu jirin, marka
waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadafkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu
xiriir ula leeyihiin noloshiisa, kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama
aakhiradiisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa'ido u laheynna waa inuu ka
gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka
ah.
FAA'IDADA XADIISKA
1. ln qof ku ilaaliyo
ficilkiisa iyo hadalkiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
2. Inaan faraha lala gelin
arrimo aaney waxba kaa gelin;
3. In uu qof ku u jeediyo
awooddiisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.
No comments:
Post a Comment