Saturday, March 19, 2016

XADIISKA 6aad




عَنْ أَبِي عَبْدِ اللَّهِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ: "إنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا أُمُورٌ مُشْتَبِهَاتٌ لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ، فَمَنْ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ فَقْد اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ". 
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ]

KA DHEERAANSHAHA SHUBHADA

Waxaa laga weriyay Abuu-Gabdullaah anNucmaan ibn Bashiir (Alla
ha ka raalli noqdee), inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii llaahay (s.c-w.) oo leh: Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! ogaada in Boqor kasta leeyahay seero a ma xirmooyin, seeraha llaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay ogaada in jirka ay ku iirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baan xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.

Waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim

SHARAXA

Xadiiskani waa saldhigga cilniga fiqiga ee lagu qeexay xalaasha iyo xaaraanta, waxaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya inaaney ka baxsaneyn saddex xaalo midkood.

1. Waxa la caddeeyay xaaraannimadiisa.

2. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa.

3. Waxa laga shakiyay inuu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay.

Marka |abada hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixii laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, weaxaanu amray in laga dheeraado shubhada intii lagu dhici lahaa xaaraan. Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha.

Haddaba, beerta llaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka llaahay. Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihiisa laga hoggaamiyo, haddii, qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado qof kuna waa toosayaa haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi lahaa mid saafi ah oo toosan.

FAAIIDADA XADIISKA

1. Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubhada

 2. ln shubhada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta,


3. ln qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta I.W.M.

No comments:

Post a Comment