Waxa
amaanso erayiyo
gabay iyo
odhaahee
inan lagu
amaanaa
ugbeey kumaan
arag
intii aad u
qalantoo
way oofin
waayeen
in bal ay
sifeeyaan
edaabtaada
oo qudha
ama araga
daymada
ama quruxda
oogada
ama socodka
aayara
ama ereyga
miyirka ah
ama midabka
uunkiyo
aadmigu
lahaynee
dahabkaa u
eegiyo
ama unuga
jiidhkeen
wali arag
unuun jabis
ama uduga
yaabkalen
sanku
neefle urinine
kaligay la
aamusay
ama maqalka
aabiyo
eray
xafidka hooyiyo
adeec
labada waalida
ama diin
adaygiyo
fulin
xukunka eebiyo
oogidii
salaadiyo
illaahay
aqbalidii
ama
aamusnaantiyo
gaabgaabsi
edabiyo
akhlaaqdaada
buuxaa
inyar
lagama sheegino
hal abuur
ma uu odhan
ana
oofinmaayoo
kolay ubax
iftiimaay
maanso
laguu abuuriyo
buugaag la ururshiyo
sodon kulan
ayaaneey
hadii aan
amuurkale
udugaaga
mooyee
erey kale
lasoo rogin
la abaari
maayoo
hadaan eex
lagaa galin
idil lagama
dhigayee
muga koobka
aadmigu
ka amaahdo
badahaa
inyaroo la
oogaa
edab kuugu
sheegee
aragaaga
ruuxii
indhahaa ka
qaadaa
amakaag
layaabiyo
oohin aan
dhamaaniyo
uruguu la
hoyanlaa
ilintuna
shaxalaynlayd
ileen kuma
ilaabee
doonistaada
awgeed
magaalada
idlaynlaa
askaxaa ka
gurilaa
umalkana
daraadii
awoodiisu
badanalayd
amaleey
ayaan qudha
ruuxaad
odhaahiyo
lawadaagto
hawraar
dhagahiisu
eraykale
mabay
aamineenoo
way ka
awdmi laayeen
ifka waxa
dhawaaq jira
asadeey
aduunyiyo
ninka geel
utaliyee
ashkir
geenyo haystaa
aragaaga
kaliyuu
kuli uu
urogilaa
xaga
aabahaa iyo
ehelkiino
joogee
abtirkaagu
uu yahay
asliyeey
daraadaa
ninka
aarlibaaxiyo
asadkii la
diriraa
geesinimada
awgeed
marka uu
ishisiiyo
indhihiisa
kula helo
ayuu ugub
sideedii
hoos uu uhoganlaa
arwaaxdii
wacnaydeey
ilka
halacsi daymada
umadii ku
bogatee
aragaaga
aragtaa
aakhiro
qurayshtii
illaaheen
ku sheegaa
uurkooda
galiyoo
afkooduna
ku odhanlaa
bismilaahi
waaa inan
aadmiba la
cayn hayn
aayaadka
ruuxii
akhriyee
yaqaanaa
qurayshtana
ogsoonoo
inkastoonay
wali arag
astaamuun
ka haystee
ma ifkaa
tusaaliyo
laguu
keenay inanyahay
in aadmigu
rumaystan
odhaahbaa
ma yeedhaan
afkiisaa ka
bixilayd
marka uu ku
eegee
indhihiisa
kula helo
markaasuu
ayaantaa
hadal kugu asqaynlaa
asliyeey
aduunyadan
ruxii ku
uriyee
udugaagu
gaadhaa
abid caraf
qadhmuuniyo
ma ursheen
wax uu naco
ubaxeey
daraadaa
dhalintaad
la ababtiyo
intii aad
la kulantiyo
ruuxii amaantiyo
ka war
helay afkaygaa
iilkay ku
dhawyiin
ina ay u
hoydaan
ilinkana ma
gaadhaan
ildarnaan
daraadeed
ana kama sokeeyoo
umaleey
daraadaa
asaraar la
qaadoo
inkastoonan
wali dhicin
hurdo fiid
ma aamino
go’syguna aboodiyo
aargadoodayoo
wayn
ayuu igu
noqdaayoo
amar buu
isiiyaa
ah in aan
ku daydayo
dabadeed
agtiisiyo
uurkiisa
kula galo
dabadeed
ugbaadeey
orodkaan ku
soo baxo
ilinkaan
imaadaa
markaasay
awaaraha
iyo iinta
caashaqu
igu sii
bataanoo
albaabkaa
ka laabtaa.
Illen maan
ilaabine
Arjigii
go’aygana
Uurkayga
oloshaa
Asliyeey
daraadaa
Ci oogadayda
ruuxii
indheer
garadi wuu garan
ulihii
jacaylkiyo
aramidu
siday tidhi
idileey af
madhaniyo
aber kuguma
dooneen
aabahaa
duuniyo
senge uguba
oon curan
boqol geela
iyo awr
bunduq iyo
alaab badan
aroor baan
u dirayaa
hooyadaana
aadbaan
u wanaajin
laayoo
maryo aad
uwacanoo
udugii ku ladhanyoo
dahab
badana uurkiyo
gunta uu
ujiifoo
awr uu la
liicaan
aroor hore
udiri laa
ehelkaana
kuligood
alaab ay
mabsuudaan
iyo yarad
la aamuso
afka uuga galinlaa
alif wali
ma joogee
adigana
alooliyo
aqal laba
daryaalaa
ayaan kuu
afxidhilaa
oogadaada
guudkana
dheemantii
aduunkaan
idilkii ku
tixilaaa
afkayguna
amaaniyo
eray aad
kku faraxdiyo
ubaxbaan ku
odhanlaa
gabalkiyo
aroortiii
erdho caanaheediyo
liska
dhayda umushaan
afka kuugu
haynlaa
idilkii
dharkaagana
xariir wada
udgoonbaan
asalkii
dhigilaa
aynigaaga
dumarkiyo
asaagaa
haweenkuna
ashqarar ha
qaadaan.
No comments:
Post a Comment