XADIISKA 5aad
عَنْ أُمِّ الْمُؤْمِنِينَ أُمِّ عَبْدِ اللَّهِ
عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا، قَالَتْ: قَالَ: رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه
و سلم "مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ]
.
وَفِي رِوَايَةٍ
لِمُسْلِمٍ
:مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ
أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ" .
BIDCADA
Waxaa laga weriyay hooyadii
Mu'miniinta Umm Cabdullaah Caa'is
ha (Allaha ka raalli noqdee) inay tiri: wuxuu
yiri Rasuulkii Allah (s.c.w.): Qofkii amarkayagan ku soo dara waxa aan ka mid
ahayn isagaa lagu celinayaa. Waxaa Weriyay al-Bukhaar iyo Muslim.
SHARAXA
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa
qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay Xadiiskani
waa udubbada ugu waaweyn ee lslaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro
wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama La beddelo ama la qalloociyo.
Sababtoo ah Diinta lslaamku wey dhammeystiran tahay oo llaahay baa abyay, marka
qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay gof leh
anigaa llaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama
wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo
dirriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka
mid ah Diinta lslaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta,
Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee
ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyn abaalkiisu waa in camalkiisu buro
oon laga ajar-siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga
baxo falalka qaarkood. Haddaba, waxaa waajib ku ah qof kasta oo muslim ah inuu
hubsado in camalkiisu sharciga waafagsan yahay iyo in kale.
Waxaana jira miisaan lagu
qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu (s.c.w). iyo asxaabtiisu ugu camalfali
jireen mas'alada hortaalla. waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay
Nebigiiyo Asxaabtiisii. Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada
ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka
ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta.
FAA'IIDADA XADIISKA
1. Mas'ala kasta oon sharciga
ku fadhin waa baadinnimo;
2. In laga digtoonaado
bidcada;
3. In qofku falkiisa ku
miisaamo sharciga islaamka;
4. In la barto diinta si loo
kala saaro bidcada iyo sunnada;
5. In diintu dadka ku filan
tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

No comments:
Post a Comment