عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ
اللهُ عَنْهُ قَالَ: حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم -وَهُوَ
الصَّادِقُ الْمَصْدُوقُ-: "إنَّ أَحَدَكُمْ يُجْمَعُ خَلْقُهُ فِي بَطْنِ
أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا نُطْفَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَ ذَلِكَ،
ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَ ذَلِكَ، ثُمَّ يُرْسَلُ إلَيْهِ الْمَلَكُ
فَيَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، وَيُؤْمَرُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ: بِكَتْبِ رِزْقِهِ،
وَأَجَلِهِ، وَعَمَلِهِ، وَشَقِيٍّ أَمْ سَعِيدٍ؛ فَوَاَللَّهِ الَّذِي لَا إلَهَ
غَيْرُهُ إنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الْجَنَّةِ حَتَّى مَا
يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ
فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُهَا. وَإِنَّ أَحَدَكُمْ
لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهُ وَبَيْنَهَا
إلَّا ذِرَاعٌ فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الْكِتَابُ فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ
الْجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا". [رَوَاهُ
الْبُخَارِيُّ]، [وَمُسْلِمٌ]
ABUURISTA AADAMIGA
Wuxuu yiri Abuu
Cabdir-Raxmaan Cabdullaah ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee): Waxaa noo
xadisay Flasuulkii Alla (s.c.w.) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri :
Qof ka waxaa lagu uruuriyaa
caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood, intaa in la'egna, wuxuu
ahaanayaa xinjir yar, intaa in la'egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah,
markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa
afar eray oo kala ah: inuu qoro arsaaqadiisa, cimrigiisa, shaqadiisa iyo in uu
yahay shaqaabad ama saciid.
Waxaan ku dhaartay Allahaa
aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa
camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof
loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa
Naarta.
Ama qofku wuxuu falayaa
camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo
qoray Jannada wuxuu falayaa camalka reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa
Jannada. Waxaa weriyay al-Bukhaariyo Muslim.
SHARAXA
Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka
kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu
horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyadi, muddo
120 beri ah ayey isu beddelaysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la'eg.
Marka ay 4 bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo
suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi
28 wuxuu ku kici doono shar iyo 'kheyr'' ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal
nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya
malaggii Alla u xilsaaray. Waxaa kale oo xadiiskani na tusinayaa inaan Naarta
iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la
arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska
islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa 'la gudboon qof
waliba inuu 'llaahay baryo inuu khaatumadiisa kheyr ka dhigo.
FAAIIDADA XADIISKA
1. Xaaladaha kala duwan oo
qofku ku marayo uurka hooyadi.
2. llaa 4 bilood laga gaaro
inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada.
3. Kheyrka iyo shartu sidey
isugu dhow yihiin.

No comments:
Post a Comment