Wednesday, March 2, 2016

XADIISKA 3aad



عَنْ أَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ: " بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ".
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ].

Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan 'Cabullaah ibn Cumar-ibn al-Khaddaab- Allaha ka raalli noqdee inuu yiri:

Waxaan maqlay Rasuulkii Alla (s.c.w.) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka
Shan dhiddib oo kala ah

(1) Qiridda inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.

(2) Oogidda salaadda.

(3) Bixinta Sakada.

(4) Soomidda Bisha Ramadaan.

(5) Gudashada Xajka.

Waxaa weriyey al-Bukhaari iyo Muslim

SHARAXA

Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabasan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shantaa tiir ee qofka loogu aqoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaabaha la xiriira


No comments:

Post a Comment