Monday, March 28, 2016

XADIISKA 11aad


عَنْ أَبِي مُحَمَّدٍ الْحَسَنِ بْنِ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ سِبْطِ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم وَرَيْحَانَتِهِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَ: حَفِظْت مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم "دَعْ مَا يُرِيبُك إلَى مَا لَا يُرِيبُك". 
رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:2520]،
[وَالنَّسَائِيّ]
وَقَالَ التِّرْمِذِيُّ: حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ.

DHOWR-SOONAANTA
Waxaa laga weriyay Abuu-Muxammad Al-Xasan ibn Cali ibn Abii-
Daalib - Allaha ka raalli noqdee - inuu yiri: Waxaan ka xafiday Rasuulkii llaahay (s.c.w.): "Dhaaf wixii shaki ku geliya oo raadso ama aad wax cad ee aan shaki ku jirin."
Waxaa weriyay Tirmadi iyo Nasa'i, wuxuuna yiri Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah.

SHARAXA

Xadiiskani waa saldhig adag oo qof ka muslimka ah cuskan karo markay ka hor yimaadaan arrimo murugsan ama shubho ku jirto oon xalaal iyo xaaraan midna lagu caddeyn ama camal lagu muransan yahay inuu sharciga waafaqsan yahay iyo in kale. Haddaba, marka arrintaasi kula soo gudboonaado wuxuu ku farayaa xadiiskan inaad iska dhaaftid wixii shaki kaa galo kuna dhaqantid waxa aad hubto inuu xaq yahay.

FAA'IDADA XADIISKA

1 . In qof ku ku dhiso camalka u u llaahay ugu dhawaanayo wax uu hubo;
2. Inaanan qofku isku haleyn wax shaki ku jiro;
3. Ka dheeraanshaha shubhada iyo shakiga;


No comments:

Post a Comment