Tuesday, March 29, 2016

Nabi Huud (n.n.k.h) 5/29

Taxanaha qisooyinka 29 nabi
Alle waxa uu yidhi “…Qisaska uga sheekee (nabi muxamadoow),
 waxa ay mudan yihiin in ay fakaraane(176)” suuradda acraaf
Nabi Huud (n.n.k.h) 5/29  

Hordhac
Nabi Huud(N.N.K.H) waxa loo soo diray reer Caad; waxa ay ahaayeen ummad aad u xoog waaweyn dherer iyo dhumucna Alle(K.S) isugu daray. Alle(K.S). waxa uu u balaadhiyay quudkooda iyo nimcada laakiin ma ay noqon qaar ku shugri naqa nimcada iy badhaadhaha Eebbe(K.S) ku manaystay oo waxa ay ka door bideen caabudidda Asnaamta.
Alle(K.S) ayaa u soo diray nabi Huud(n.n.k.h)  si uu ugu digo, waxa uu ahaa mid xikmad badan laakiin waa ay beeniyeen oo dayriyeen, hadalladiisiina hal bacaad lagu lisay ka dhigeen dhegahana ka furaysteen.

Kolkii ay qooqeen ayaa cadaabkii Alle(K.S) ku soo dagay waxana lagu cadaabay dabayl ku socotay toddoba habeen iyo siddeed maalmood.
Caabudiddii asnaamta
kolkii ay badbaadeeb intii ka soo hadhay halaagii qolodii nabi Nuux(N.N.K.H) waxa dhulka ku faaftay caabudidda Alle(K.S)  iyo rumaynta xaqa. In muddo ah ma ay jirin cid ka gaalowday oo beenisay Alle(K.S) kana tagtay cibaadadiisa iyo u hoggaansankiisa.
Ka dib sanado badan waxa dhintay intii ogayd xaqa iyo halaaggii ku dhacay qolodii Nuux(N.N.K.H), haddana sanado badan ka dib waxa dhammaaday caruurtii ku wii hore ilaa ay isugu soo hadheen qaar aan wax badan ka ogayn sheekadaa dhacdada ah eek u suntan taariikhda. Waxa meesha ka baxay dardaarankii Nuux(N.N.K.H) waxana uu Shaydaan(N.H.DH)  u sheekeeyay ummaddii wakhtigaa, waxana u suuro gashay in uu ku celiyo caabudiddii asnaamta.
Nabi Huud(N.N.K.H) waxa uu ka dhashay reer Caad. Waxa ay ahaayeen qolo degta meel loo yaqaan Axqaaf(waa saxare ay badi ku gedaaman tahay). Qolodaasi waxa ay ahaayeen dad aad u awood badan xooggooduna ka badnaa dadkii waagaa noolaa. Waxa ay ahaayeen dad dadka kale ka dhaadheer kana wayn xagga jidhka. Aad ayay ula dhaceen awooddii Alle(K.S) siiyay, waaa ay kibreen oo u qaateen in aan awood iyaga caabisaaba jirin. Caqliyadoodu waxa ay ahaayeen qaar daboolan oo u diiday in ay arkaan xaqa kana indha saabay runtii uu nabi Huud(N.N.K.H) u sheegayay.
Reer caad waxa ay caabudi jireen asnaan ay iyagu qorteen, waana ay difaaci jireen iyaga oo nafta u huraya. Way kibreen maraaksay isu maleeyeen in ay u awood badan yihiin adduunka iyaga oo ilawsan in uu Allihii abuuray iiyagu joogo oo jiro, kolkaasay cibaadadiisinai cid la wadaajiyeen.
Nabi  Huud(N.N.K.H) waxa uu ku yidhi oo ugu yeedhay kalmaddii rasuul kasta oo la soo diraa umaddiisa ugu baaqayay oo micnaheedda guu ahaa “ Allihii idin abuuray cibaadadiisa u kali yeela xumaha iyo xanta aad ku dhex jirtaanna isaga soo baxa”. Kolkaasay la yaabeen oo waydiiyeen qolodiisi su’aalahan:
Oo ma waxa aad rabtaa in aad nagu hoggaamiso waxan aad  dacwaddaada? Mise waxa aad rabtaa maal in aannu kugu siinno? Waa su’aalo ay ka siman yihiin dhammaan inta xaqa diidday, waana su’aalaha ay waydiiyaan rasuulka loo soo diro si uu xaqa ugu sheego. Waxa su’aalahaa foosha xun ay ka keenaan caqligooda yare e ku kooban dunida kana fekeraya maalka iyo madaxnimada.
Haddaladani waa kuwa ay ku cel celiyaan cid kasta oo ka gaalawda rasuulka loo soo diro. Waa erayo ay isticmaalaan kuwa xaqa ka ban baxay ee u badheedhay xumaha iyo xaasidnimada.
Huud (N.N.K.H) waxa uu fahmay qalbiyadooda xumaantu buux dhaafisay kolkaasuu ku yidhi “waxba idin kama rabi balse waxa aan rabaa in aan xaqa idin tusiyo qalbiyadiinana aan ka maydho xumaanta dhex jiifta”. Waxa uu uga sheekeeyay nimcooyinka Rabbi (K.S) ku galladay ee anay tiro iyo tayo toona ku koobikarin, waxa kale oo uu uga warramay qoladii reer Nuux(N.N.K.H) sida loo galay iyo hoogga iyo hagar daamada ay la kulmeen kolkii ay beeniyeen xaqii uu la hortaagnaa rasuulkoodu.
Reer Caad ayaa qalbigii dhaqaaqay kolkaasuu haddana Shaydaan(N.H.DH) qalbiiyadooda ku tuuray “oo ma diintii aabayaashiin ayaad dayici doontaan?”, markaasay isla su’aashii kula noqdeen oo waydiiyeen nabi Huud(N.N.K.H) “oo ma waxa aad rabtaa in aannu ka tagno diintii aabayaashayo?”. Nabi Huud(N.N.K.H) ayaa ugu war celiyay “Abbayaashiin waa qaldanaayeen”. Haddana intaa kuma ay joogsan e iyaga oo dheel dheel iyo isla waynu ku jirto ayaa ay ku warsadeen “oo ma waxa kale oo aad na leeday ka dib kolka aannu dhimanno ee ciidda ku darsanno ayaa dib la idiin soo saarayaa?”. Huud(N.N.K.H) ayaa haddana kol kale ugu war celiyay “haa waxa la idin soo saarayaa maalinta qiyaamaha, kolkaasaa mid kasta oo idinka mid ah la waydiin doonaa wax ii uu sameeyay”. Qosol baa ay ka wadheen oo iyaga oo ku jeesjeesaya ku yidhaah deen “ma arrinkaasaad la timi? Oo ma annaga oo dhimanay, ka dib ciid noqonnay oo baaba’nay ayaa dib la isugu kaaya soo celinayaa oo waydiimo nala warsanayaa? Ogobeey sidee buu mid dhintay uba soo kici karayaa?”.
Huud(N.N.K.H) dhammaan su’aalahoodaa aan xaqiiqa doonka ahayn waxa uu ku waajahayay dulqaad wanaagsan. Waxa uu uga sheekaynayay maalinta qiyaame oo isku dayayay in uu iimaankooda ku soo  celiyo, waxa uu ku baraarujinayay  in adduunku yahay imtixaan; imtixaankaasina ku dhammaan doono xisaab iyo in la is abaal mariyo. “Dunida waxa jooga mid qooqay oo dadka iyo duunyadaba ku durduriyay, mid kibray oo Alle(K.S) ka gaaloobay, mid afkiisa iyo addinkiisaba laga magan heli waayay, mid ajal gooyay oo haddana dhulka taxaashaya iyo mid xumaan iyo xiqdi dadka la dhex joogay; ma waxa aad u malaynaysaan in uu bilaa xisaab iska joogi doonno mid kaasi? Mee xaqii midka la dulmiyay?  Oo xagguu galayaa midkii dadka canaaday? Ma inta ciid laga dhigo ayaa la iska daynayaa? Maya middaasi waa wax aan caqliga gala haynin!”
Isaga oo sii wada ayaa uu u sheegay “Caddaaladi waxa ay taallaa maalinta qiyaame. Waa maalinta la kala saari doonno abaalkoodana la kala marsiin doono mid kii dulmiyay ee dadka ku qooqay iyo mid kii taagta darnaa ee dunida lagu dhibay. Waa maalinta mid kastoo wax xukumay dib u soo hor joogsan doono Rabbi(K.S) ka dib isagana la xisaabin doono. Waa maalin lama huraan ah oo ruux kastaa soo hor joogsan doono Rabbigii.
Waxa kale oo maalintaasi ay laga maarmaan u tahay, waxa la eegi doonnaa qofkasta iyo aaminaadiisii, waxa la eegi doonaa wixii uu ka aaminsanaa maalinta qiyaamaha, Jannada iyo Naarta iyo caalamka kale ee ka danbeeya midka dhulka ee ah caalamkii abaal marinta”.
Huud(N.N.K.H) waxa uu uga warramay xaqiiqooyinkaas oo dhan kolkaasay reer Caad iska dhego tireen oo beeniyeen. Iyaga oo isla wayn ayaa ay ugu war celiyeen “naga jooji naga jooji caqliga ma gasho ruux dhintay oo ciidda ku dhex milmay ayaa dib loo soo noolayn’e”. waxa ay hilmaameen in kolkii hore Alle(K.S) iyaga oo aan jirinba wax jira ka dhigay haddana aanay waxba la ahayn in uu dib isugu soo celiyo.
Kolkii uu arkay mawqifka ay ka taagan yihiin reer Caad iyo madaxya wayntoodii, waxa uu aqoonsaday in ay tahay mid horena u soo dhacday oo ku dhacday nabiyadii ka horeeyay. Waxa ay ku doodeen ku wii ay dunidi lumisay ee ahaa kuwa xoolaha haysta iyo kuwooda madaxda ahi “ ma waxa nabi ah mid nala mid ah, oo sidayada wax aannu cuuno cuna wax aannu cabnana cabba? Waliba waa fiqiir aan cunin inta aannu cunno in le’eg, waxna waxa uu ku cabbaa koobabka fiqiiriinta halka aannu annagu ku cabno koobab dahab iyo fiddo ah? Sidee ayuu ku sheegi karaa in aannu nahay qaar lunsan isaguna uu yahay midka saxa ku taagan? Waa basher nala mid ah’e…. Sidee ayaannu u adeeci karnaa basher nala mid ha? ”.
Waxa kale oo ay sii raaciyeen “miyaanay ahayn yaab in Alle(K.S) naga dhex doorto mid nala mid? ”. Nabi Huud(N.N.K.H)  waxa uu ugu jawaabay qolodaa kibirku kal kooda buuxiyay “Alle(K.S) ayaa iigu kiin sii diray in aan ka digo halaaggii ku dhacay qolodii Nuux(N.N.K.H)  oo kale. Mana ay fogayn qisada Nabi Nuux(N.N.K.H). Alle(K.S) waa uu halaagay qolodaa ka sanraagtay adeeciddiisa, waana uu halaagi doonaa cid kasta oo ka kufrida xaqa una baydha baadilka, haba haadeen qaar xoog waaweyne”. Kol kaasay ku yidhaahdeen “oo yaa na ahaalagaya Huudoow”, kolkaas buu ugu warceliyay “Allaah(K.S)”. Haddana ma ay aamusine waxa ay sii raaciyeen “waxa aannu ka magangalaynaa Ilaahyadayada”.
Huud(N.N.K.H)  waa uu fahmay in qoomkiisu lunsan yihiin laakiin kama uu daalin in uu xaqa ku baraarujiyo Allena in uu kali yahay uu ugu yeedho ilaa ay ku tilmaameen mid waalan. Waxa ay ka istaageen iyaguna mawqif adag inyar oo rumaysay Allena xaqa ku sugay mooyaane.
Halaaggii Reer Caad
Huud(N.N.K.H)  waxa uu caddeeyay in uu bari ka yahay xumaanta iyo xaaraanta ay u badheedheen. Waxa uu talo saartay Allihii abuuray, waxa muuqatay in uu cadaabkii Alle(K.S) ku iman doono mid kasta oo ka gaaloobay xaqa. Waxana run ah in uu Alle(K.S) cadaabi doono kuwo kasta oo ka kufriya xaqa, inkasta oo ay xoog waaweynyihiin, xoolo leeyihiin ama ay sheegtaan madaxnimo.
Huud(N.N.K.H)  iyo reer Caad ba waxa ay sugayeen wacadkii Alle(K.S). Waxa bilaabantay abaar adag oo dhulkii xaalufisay, qalajisayna wabiyadii iyo durduradii, samadiina waxa y daysay raxmadii iyo roobkii ay shubi jirtay. Waxa ay waydiiyeen reer Caad “ waa maxay Huudoow abaartani”, Huudna waxa uu ugu warceliyay “waa Alle(K.S) cadhadiisii, haddii aad rumaysaanna Alle(K.S) waa uu idiin naxariisan oo waa aydun heli raxmaddiisa”. Dheg jalaq ma ay u siin’e waxa sii siyaadday abaartii, waxa qalalay dhirtii, waxa dhintay beerihii, dhammaana waxa qalalay geed khudaareedkii.
Maalin maalmaha Rabbi(K.S) ka mid ah ayaa waxa soo muuqatay daruur oo qarisay cirkii. Waxa is beddelay jawigii si degdeg ah, waxa bilaabmay qabaw daran. Dabaylo aan joogsi lahaynna oodda ayay soo jabsadeen. Dhammaan waxa lulmay oo dhaxamooday wixii noole joogay xataa dhirtii. Waxa sii siyaaday dhaxantii iyo iyo dabayshii saacadba saacad, maalinba maalin, habeenba habeenka ay ka danbayso waa ay sii siyaadaysay. Waxa ay gabaad moodeen oo ay ku yaaceen guryahoodii laakiin waxa siyaadday dabayshii waxana ay meesha ka tuurtay guryahoodii. Haddana dabayshii waa ay sii siyaadday ilaa ay jarjartay dharkii ay xidhnaayeen, ilaa ay dildilaacisay jidhkoodii oo ay ka gashay dalool kasta oo jidhkooda ku yaalay. Dabayshaasi ma ay ka tagin wax nool ilaa waa ay dishay intii Alle(K.S) rumaysay mooyaane.
Waxa ay socotay dabayshaa daba gediday kuwii Alle(K.S) ka gaaloobay 7 habeen iyo 7 maalmood. Ka dib dabayshii waa ay istaagtay iyada oo addeecaysa amarka Rabbi(K.S). Sidaasi waa caddaaladda Rabbi(K.S)  ee saxa ah, in la cadaabo kuwa is kibriya ee sanka taaga garanna waaya nimcada Alle(K.S)  iyo xaqiisa.
Erayada la soo gaabiyay iyo waxa ay taagan yihiin.
1. (N.N.K.H) = naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
2. (A.H.R.N) = Alle haka raali noqdee
3. (K.S) = korree oo sarree
4. (N.K.DH) = nacdali haku dhacdee
Afeef
 Alle sida xaqa ah ha inna waafajiyee, khaladkii aad ku aragto uma aan kasin ee waa kama. Taariikhduna waa ay dhinacyo badan tahay laakiin isku meel ayaa ay ku soo biyo shubataa, anna waxa aan isku dayayay mar walba in aan dhex u noqdo warbixinaha aan ka helayay qisooyinka ay qoreen taariikhyahannada islaamka iyo mufasiriintu, kolka laga reebo wixii qur’aanka iyo xadiiska ku cad.
Fadlan ii soo sheeg wixii talo iyo tusaale amaba toosin ah ee aad ku dari lahayd qisadan.
Sakariyemido@gmail.com ama facebook : Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)
Sakariye Cabdixakiin Maxamed Miido
TIXRAAC
Suuratu huud



No comments:

Post a Comment