Macamlin
Maansadan Maacalin waxa aan tiriyay bishii 6aad ee 2012, waxa
aanan u sameeyay oo igu kaliifay macalimiin naga hadhaysay galaaska 3aad ee
dugsiga sare. Waa tan tixdii oo dhamays tiraniye ayynu wadaagno:-
Suugaanta
saabkale
Sumaddeedu
waxay tahay
Sareeyadii
aqoontay
Sadrigayga
dhigayee
Subaxdii
timaadaba
Soognaa
hortaydee
Samir igula
joogee
Aqoontay
sidkaha iyo
U mareen
sursuur adag
Siyar iigu
sheegee
Sida kooban
ee wacan
Igu siiyay
Fahankee
Saluug
waxii yimaadana
Siyar iiga
saaree
Dhankastoy
ka saxantahay
Iigu
sheegay sawdkeen
Siinayaa
qadarinoo
Abaalkood
ma sugayoo
Intaan
maanta siiyiyo
Aqoontay I
saareen
Sabirkay I
barayeen
Waligay
masimayoo
Wax lamida
ma siinsine
Murtibaan
se sooryiyo
Uga dhigi
samaanoo
EEBAHAY sareeyaan
U waydiin
suldaanimo
Sharaf iyo
sarkaalnimo
Sumcad iyo
wanaag badan
SAADIROOW
ALLAHAYOOW
Maalintii
sugnaydee
Xaqa mawdku
soo galo
Ku sug oo
shahaadada
Samahana ha
hareer marin
SAADIROOW
ALLAHAYOOW
Su’aalii
qabriga ee
Malagyadu
sideenee
Ruuxii
saxaa iba
Bushaarada
la siinjiray
Ku su oo ha
ahreer marin
SAADIROOW
ALLAHAYOOW
Maalintii
siraadnayd
Dadku wada
sirqaysnaa
Xisaabtii
saxnaydee
Dadku aanu
saluugayn
Ku socotay
bal aadmiga
Khayr kooda
saafani
Ku wii uu
sareeyee
Baasay ee
socdaalee
Janadana
sabeeyeee
Qurayshtana
la seexdee
Wabiyada
sunsumayana
Dhexdoodaa
ku saakima
Ka dhig
sareeyayaashaa
Anagana na
siiyoo
Nagu sug
wanaagoo
Dariiqyada
silooniyo
naga baydhi
surinada
shaydaan
sameeyee
ku siraayo
aadmiga.
dhamaad
No comments:
Post a Comment