Farxiya
Geesi geesi dhalay. Haa waa geesi
geesi dhalay oo anaa huba, dadnimada , dulqaadka iyo daganida ayaa u dheer oo
taaana waan hubaa. Kolka fikir la is waydaar sanayo kiisa ayaa u qumman
qaladkana uga fog se haddana lama qiimeeyo; kolka la is tirsanayo waa mid ka
dadka qalbigooda ugu danbeeya ee la xasuusto (waa haddii ay dhacdo in cidi uun
xasuusato), haddana kolka la wadaagayo hawsha
waa mid ka ugu hawl qabadka
wacan.
Araggiisu soo jiidasho saa u dheer ma leh; waa sida ay sheegaan se dhankayga waa
mid aragga u roon. “dee akhriste iyaba way ila arki lahaayeen haddii ay aragga
duxda iyo dun u dhaadhaca leh ay wax ku eegayaan se yaa ugu taag helaaya waxoodu
waa dul ka halacsiye”. Haa cidi ma danayso oo ma daryeesho aan ka ahayn
hooyadii iyo dhawr ay dhalasho wadaagaan. Waa hawl kar se had iyo goor ma
muuqato oo waxa shiikhisay intiisa inkale oo faataa dhug ah(been ah), saxaafadda
iyo bulshada uu la nool yaahayna ay ka bad badisay heerkoodii.
Cidi uma danqato waxa uu duluc ahaan ka fekerayona
cidi ma qiimayso hadalladiisuna wa ”hal
bacaad lagu lisay”. wax uu sidaa ku
noolaado oo habeen walba ciilka iyo calool yaw u ahaataba, goor casar gaaban ah
ayaa uu si kama ah ugu leexday hudheel nasi oo wahdiga uu marayo cadceed ka soo
bax kaga began; kolkiiba waxa uu salka la raadsaday kursi si kalsooni lehna
isugu tuuray.
Waxa maankiiisa uu isugu keenay
dhammaan taariikhdiisii ilaa kolkii uu garaadsaday. Waxa uu ka waayay hal
maalin oo uu ay bulshadiisu la faraxday isaga dartiina sacab iyo soo dhawayn marxabaysan
isugu dartay. Uu yaabay oo fajacay! Isna waydiiyay talaw waayo maxay sidani u
dhacaysaa? Kolkiiba waxa uu xaqiiqsaday waxa maqan ama uu tabayaa in uu heli
karo, wakhti yar dabadeedna sacab iyo mushxaradi aawadii u asqayn doonto
magalaada.
Laba sano oo gaw ah ka dib. Waaba isagii oo aad mooddo in xuub laga
dilaacshay; waa ba wiilkiii oo la daba yaacay. Waa kaas kobta uu habeen tilmaansado la isku laayay. Kolka
uu kalmad yidhaawaa taa la buun buunniyay ee hadalkiisii aan dulucda badan ba
lahayn lagu dhego barjeeyay ummaddii. Wa kaa warkiisii iyo waayihiisa baraha
bulshada lagu qaadaa dhigay.
Tolow miyaanu isagii ahayn? iga walla waa
isagii oo aan biyo is marin , “al” oo
xataa midabkiisii isma badaline, u fiirso waar hadda eeg dherer kiisiina ma
kordhine. -oo talaw haddaa maxay ku arkeen? -Dee miyaan garanayaa? “Wagar iyo
ka waaawayn” -waaar innoo gee aynu waydiino waxa is beddelay iyo sida uu
sameeyay e’ . -Dee ma inna arkayaabaa ka horaysa? -waar nin ku sawkii dhul
socodka ahaa goormuu sidaa isu cayn rogay? -Waar isaga maaha dee waa iyada?
Iyadee. -dee tii? –“Waar bal asnad iyo lama aragtan kaalaya” dee tee haaye?- Dee ilawnayba intaad dhagaha
naga cunaysay’e tii miyaanad garanayn? –“Afka lagu goo” waar haddaba wax noo
sheeg oo tee? –“Iimaanka lagaa qaad
miyaannu ku nidhaaye” taa een een dee “farxiya” miyaad garanayn? -Farxiya aa, oo
islaantiisii ma “Farxiya” ayay la baxday saw taan moodayay in “Dahabo” la
yidhaa? –Dee may ma aha iyadii taannu sheegaynaa. –Hayaay” haddaa ma waxa aad
soo wadataa “mid kaluu la guursaday” iga walla in aanay dhacayn baan u malayn,
waar islaan kulul buu qabay oo fariida isagana u roon “kaw dheh”, dee mida kale
ifkaabu u jeclaaye miyuu shawakhay ninku? –“Jacaylkaaba dhac” waar waa tuu taa
bari hore buuri ku tufaye waxa aan u jeedaa “hacoo kii ahaa tii halyayga ka
dhigi jirtay(lacag)”, kaga hadliya dee. – kakakaka “Aabahaa lama cadaabo” dee
“ruux dawaysa ayaad sheegaysay” oo maad mar hore I tidhaadh did “ waa midday
dadka reer Muqdisho yidhaahdeen “haddii Xaarkuba haysan lahaa, Xaar lama
yidhaahdeen ee Xaaji jiljilic baa la odhan lahaa””.
“MAXAY HACOO MAANTA HALYAY NAGAGA
DHIGTAY OO DANYARTII KU DAACSANAYAA”
No comments:
Post a Comment