Waa xadiiskii labaad ee kitaabka Arbiciinka. Fadlan la soco Lana socodsii walaalahaaga aan ogayn. Khayrkaoo ayu is xasuusuinno iyo wanaagga ayaa innoo dhex ah.. .
عَنْ عُمَرَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَيْضًا قَالَ:
" بَيْنَمَا نَحْنُ جُلُوسٌ عِنْدَ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و س
لم
ذَاتَ يَوْمٍ، إذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ
سَوَادِ الشَّعْرِ، لَا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلَا يَعْرِفُهُ مِنَّا
أَحَدٌ. حَتَّى جَلَسَ إلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه و سلم . فَأَسْنَدَ
رُكْبَتَيْهِ إلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخِذَيْهِ،
وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ أَخْبِرْنِي عَنْ
الْإِسْلَامِ.
فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم
الْإِسْلَامُ أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا
رَسُولُ اللَّهِ، وَتُقِيمَ الصَّلَاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ
رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إنْ اسْتَطَعْت إلَيْهِ سَبِيلًا.
قَالَ: صَدَقْت . فَعَجِبْنَا لَهُ يَسْأَلُهُ
وَيُصَدِّقُهُ!
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ الْإِيمَانِ.
قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاَللَّهِ
وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ، وَتُؤْمِنَ
بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ.
قَالَ: صَدَقْت. قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ
الْإِحْسَانِ.
قَالَ: أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّك تَرَاهُ،
فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاك.
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ السَّاعَةِ. قَالَ:
مَا الْمَسْئُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنْ السَّائِلِ.
قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَاتِهَا؟
قَالَ: أَنْ تَلِدَ الْأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ
الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ. ثُمَّ انْطَلَقَ،
فَلَبِثْنَا مَلِيًّا،
ثُمَّ قَالَ: يَا عُمَرُ أَتَدْرِي مَنْ السَّائِلُ؟.
قُلْتُ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ.
قَالَ: فَإِنَّهُ جِبْرِيلُ أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ دِينَكُمْ ".
[رَوَاهُ مُسْلِمٌ]
.
XADIISKA 2aad
TIIRARAKA ISLAAiIKA
Waxaa laga weriyey sidoo kale 'Cumar (Allaha karaalli
noqdee), in uu yidhi “Maalin maalmaha ka mid ah annagoo Nebiga(SCW) la fadhinna
ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan
astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-fadhiistay, markaasuu
jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisa na korsaaray bowdada Nebiga (s.c.w.)
markaasuu ku yidhi ‘Muxammadow ii sheeg lslaamka’.
Markaasuu Rasuulkii Alla (s.c.w.) yidhi ‘lslaamku waa in aad
qirto in aan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna
Rasuulkii Alla yahay, in aad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha
Ramadaan iyo u xajidid -Baydka Allah haddii aad awooddid’. Markaasuu yiri ‘Runbaad
sheegtay’, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh runbaad
sheegtay.
Haddana wuxuu ku yiri: lisheeg iimaanka. Markaasuu yiri:
limaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa'iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa,
maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri: Run baad
sheegtay.Wuxuu yiri: Haddana ii sheeg ixsaanka.Wuxuu yiri: lxsaanku waa inaad
Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaayeelay, haddii aadan arkeyn isagaa
ku arkaya. Wuxuu yiri: liga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxu u yiri
Nebiga(s.c.w.): Kaagama war rooni. Wuxuu yiri:liga warran calaamadaha lagu
garto markay soo dhowaato. Wuxu u ku jaawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda
iyo in dadka kabaha la'ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan
sara-dhis. Markaasuu iskategey.
Markii Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, ma
garanaysay ninkii wax wareysanayey? Markaas aan iri; Alla iyo
Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri Nebiga(s.c.w.): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku
yimid inuu idin baro diintiinna.
Waxaa weriyey Muslim
SHARAXA XADIISKA
Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii
Diinta lslaamka oo ah tiirarka lslaamka,
tiirarka iimaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga
gelayaa Diinta lslaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu
caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed Rasuulkii Alla yahay. Tiirka labaad ee
Diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa gof Alla ku kufriyey.Tiirka Sedeaad
waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay.
Tiirka 4aad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo
cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo
waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.Tiirka 5aad waa inaad u Xajidid Beydka Alle
ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qof ka awoodda u leh. Marka tiir
kasta oo ka mid ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo
furuuc badan, haddaad si faah faahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha
fiqiga.Tiirarku iimaanku iyagu waa lix oo kala ah:(1) Inaad rumeyso si
dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Alla'(2) Inaad rumeyso jirista
malaa'ikta oo ah khalqi ilaahay ka uumay nuur oo innaga duwan,(3) Inaad rumeyso
in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyay
ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur'aanka,(4) Inaad rumeysid in
llaahy rusul soo diray, ee uu udambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa
Muxammad (S.C'W).
(5) Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto,
maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari
doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.(6) Inaad
rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar
iyo kheyrba.Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo llaahay un
baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida
tiirarka lslaamka. Arrinta Saad ee saldhigga islaamka, waa ixsaanka,waxaan
dhihi karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi
karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta
Diinta lslaamka waa inuu si daacad iyo hagar la'aan ah ugu camal falo sharciga
lslaamka.Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa yeelay, haddii
aanu qofku arkeyn llaahay asagaa arkaaya. Markii saldhigyadii lslaamku
dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii {s.c.w.) waqtiga qiyaamuhu kacaayo.
wuxuu ugu jawaabay: kaagama war rooni. Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda
llaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka
ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa
dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo sano ama 4.000 iyo shey iwm.,iney sheeko
baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in
Qiyaamuhu dhow yahay. wuxuu sheegay Nebigu (s.c.w.) in astaamaha ay ka mid
yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan
doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada,
sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay kagaaraan
heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo
ushaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee
cayrta ahay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer
isuguna faani doonaan
FAA'IIDADA XADIISKA
1. Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii Diinta lslaamka.
2. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kicidoono Alla oo
keliya og yahay haddii cid loo sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa
Malaku-Jibriil iyo Nebi Muxammad (s.c.w.).
3. Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu kudadaalo
nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

No comments:
Post a Comment