Friday, March 25, 2016

Ducadu ficil bay rabtaa.


Duco keli ah la guma kaaftoomo, wax kasta oo aynnu niyadda ku haynona fal kii lagu gaadhi lahaa ayaa uu baahan yahay. Abaaraha maanta inna hayaa berri waxa xaqiiqa ah in ay soo noqonayaan weliba iyaga oo ka xun, haddii immika miyi iyo meel xoolo dhaqato joogtay lagu dhintayna waxa iman doonta mar magaalooyinka lagu dhinto. Waa se haddii ay sida ay manta tahay ku sii socoto.

Wakhtigii Cumar (R.C) ayaa la sheegaa in ay abaar xumi
dhacday. Waxa uu yidhi “ii keena xoolo badan aan dadka abaartu ku dhacday siiyo’e” balse waxba waa ay ka qaban wayday. Maalintii danbe ayaa sida la sheego uu ku riyooday nabiga (N.N.K.H) oo ku leh “Cumaroow dadka u celi dhanka Alle quud aad siiso waxba kama tarayo laakiin quluubtooda oo saafi noqota una noqota ALle ayaa ay ku liibanayaan’e”. kolkaas buu Cumar u degdegay in uu dadkii roob don tujiyo oo dhanka Alle u celiyo. Iyaga oo salaaddii tukanayana waxa soo da’ay roobkii waa Alle nimcadiise.


Haa, way wacantahay in Alle la xuso ooo xusuusto si loo baahi baxo, dadkuna badhaadhe iyo barkhad ugu noolaadaan. Se waxa loo baahan yahay in ummaddu ay ka gaashaamato dhibaatooyinka ku iman kara is dhigashada iyo isku halaynta hawlaha iyo ka dhur sugidda cid aan innoo maqnayn.

Horeba waa tii aynnu ugu maahmaahnay “ilaahay saddex waa karaa se kaama yeelo: -ilaahayoow guursan maayee ubad isii. –ilaahayoow cibaadaysan maayee ha I cadaabin. Iyo –ilaahayoow xoogsan maayee xoolo isii.” Kolkaa ummad baynnu nahay haddii runta la rabona waa in aynu shaqaynaa si aynnu nolol sharaf leh u noolaanno. 

No comments:

Post a Comment