Tuesday, November 10, 2015

Bal may iska rumawdo.

Bal may iska rumawdo.

Dhalaalka caawa ka muuqdaa waa mid ay ugu wacantahay dhabeelnimadeeda(gaarinimadeedu) iyo qurux ay u dhalatay. Kor iyo kal udug ayaa ka soo kamkamaya, dhammaan guriguna waa udgoon iyo uunsi maydhan, haba ugu darnaado qolka ay saygeeda la wadaagtaaye.

Iridda dhankeeda ayuu dhawaaq ka baxay. Garatay kolkiiba in uu yahay garaaca baxayaa midkii ay ku tiqiin odaygeeda. Dhankiisa ayaa ay u soo degdegtay inta ay bakhtiisay muuqbaahiyaha(tvga) oo ay ku maararoobaysay maaddaama oo ay kali ahayd. Fardadda kolkii ay ka  furtayba sidii caadada u ahayd kolka uu guriga soo galo waxa uu
dhunkasho kalgacal huwan ka liqsiiyay daanka bidix, kolkaasay iyana ugu bedeshay mid laba daanba ah, dareenkaasi waa mid ay isku waydaarsadaan dareen caashaq oo aan duugoobin.
Markiiba waxa uu dareemay in ay caawa xaaladdu ka duwan tahay tii hore, waxa sankiisa qaaday udug aad u soo jiitay iyo aragga xaaskiisa oo caawa aad mooddo habeenkii ay aqal  galeen; Haddii aanay kaba qurux badnayn. Kolkiiba waxa uu tabay labadii caruur ahaa ee ka soo hor boodi jiray walaw uu midi socod barad sanadka wax yari u dheer yihiin ahaa. Inta uu jalleecay xaaskiisa oo inta ay kadinkii xidhay garabka haysata ayaa uu waydiiyay “oo Nuura iyo Nuuraddiin aaway?”. Inta ay dhoollo caddaysay ayay ugu jawaabtay “xaaji way seexdeen,  dee caawa saw habeenkaan anigu caruurta ahaa maaha” inta uu si kalgacal leh u eegay ayaa uu dhunkasho foodda kaga dhag siiyay oo ku yidhi “mayee caawa anaa ka caruura meesha macaan”.
Kaftan yaryar ka dib waxa uu dalaq yidhi qolkii jiifka oo uu damacsanaa in uu ka soo qaato macawistii si uu u maydho. Mise qolkuba kiisii maaha. Maya maya waa yahaye sidii uu kaga tagay maanta ma aha. Sariirtu dhanka kale ayaa ay u taallaa, kabadhku dhanka kale ayaa uu u jeedaa, macawista katabaanka sudhanina ma aha tii uu hore u yaqaannay ee waa mid ku cusub. Go’a ku goglan guudka sariirtu waa ku dareenka soo jiidanaya kana samaysan midabkii uu jeclaa. Wagar caawa xaalku waa bariga dhexe.
Waxa uu u soo baxay dhankaa daaradda; waxa uu indhaha ku dhuftay xaaskiisii oo xidhan dhar aan dhaayiihiisa waxba ka qarinayn waxa ay ka xigtay dhanka laydhka, kolkaasuu kor illaa kal dhididay oo sidii wiil doob ah indhaha taagay. Cidda la joogtaa miyaanay xaaskiisii xalaasha ahayd hayn? Dee mayee waa iyadii laakiin caawa quruxbaa ku saa’iday. Waxoogaa inta uu ku soo dhawaaday oo dhexda qabsaday ayaa uu ku yidhi “biyo musqusha(suuliga) ma ii yaallaan”. Inta ay ilko caddaysay ayay ugu jawaabtay “haa xabiibi mar hore ayaan diiriyay haddii ay yar qaboobeen iisoo sheeg aan biyo diirran kuugu daro’e”.
Dhankale ma eegine waxa uu isku shubay dhankaa iyo suuliga. Biyo ay ka  muuqato kalgacalkii iyo naxariistii xaaskiisu ayaa uu korka iskaga keenay oo inta uu shaanboo raacsaday haddana kal kale isku rogay. Waaba degdegayaa oo waxa ku dheeraatay intii uu maydhanayay. Tuwaal isna aan ahayn kii uu saaka meesha ku ogaa ayaa uu isku qalajiyay oo caday meesha u saarnaana degdeg afka u marmariyay kolkaasuu inta uu af dhaqday dibadda uga soo booday musqushii. Waxa uu dalaq soo yidhi qol ay ku cunteeyaan, waxa qaadday udgoonka cashada miiska ay ku hagaajinayso xaaskiisu.” Badanaa awal ma dad kalaa soo casha tagayay caawa? Dee waa waa maya haddii aanad moogganayn?” isagoo hadalladaa naftiisa kula xanshaashaqaya oo ku yar hakaday albaabka oo uu kabaha ku bixinayay ayaa uu ku yidhi xaaskiisii ”oo caawa waxa aan islahaa caruurtiibaad la sheekaysanaysaa, ee goor hore tage. Maba aan is is taagin kolkii aan masaajidka ka soo baxaye, shaw qaali nimcadan iyo adigaa la ii kaa soo dadajinaayay?”. Inta ay qosol sii siyaadiyay quruxdeedii dhag ka sii siisay oo indho ka dhex dusaya qalbigiisa ku eegtay ayaa ay ku tidhi “illeen anigaba dan igama lihide xaaji caruurtaaduunbaad danaysaaye?” kolkaasuu inta uu salka saaray kursi miiska dhankiisa ka yiillay qosol kaftan ka muuqdana dibnaha ka soo saaray  ku yidhi “ alla qaali sideebaanan kuu danayn qalbigaad mirataaye”.
Xinnaha ku dhereran illaa cududdeeda ayaa uu la ashqaraaray, waxaba ay la ahayd sidii oy caawa ugu horayso. Inta uu is hayn kari waayay ayaa ku yidhi “ dee caawa dareenka daayoo damiirkaad I dhaqaajisay, waxan oo quruxina miyay kuu qarsoonayd mise waad iga qarin jirtay?” inta ay indho caashaq oo aad mooddo mid caawa dhashay ku soo eegtay ayaa ay ku tidhi “mayee horeba waa aan u lahaaye adaa ka lal sanaa xabiibi” iyadii oo aan afkeeda intaasi ka soo wada bixinna waxa ay kor u soo qaadday gacanteeda oo ay ku sido waxoogaa cunto ah kolkaasay afka dalaq u siisay. Inta uu ku dhagay gacantii farahana si wacan uga wada dhammaystay cuntadii ku jirtay ayaa uu ku fadhiisiyay kursi aan ka fogayn oo garabkiisa yiillay. Inta uu indhaheeda aanu caawa u adkaysan karayn quruxda iyo falaadhaha kalgacal ee ay ku soo gamayaan uu indhihiisa u dhaweeyay ayaa uu ku yidhi “immikuunbaan xasuustay macaan in ay caawa jimce ahayd”. Inta ay qososhay oo dhankii miiska isu gundhisay ayaa ay kal kale soo qaadday cunto si wacan ay uga shaqaysay oo afka u galisay kuna tidhi “xaaji habeenkeennana ma saasaad u illawdaa?”.
Wax ay kaftan, dhunkasho iyo cunto midba ka kale afka u galiyoba kolkii ay ka dhargeen cashadii ayaa ay ka kaceen miiskii cuntada. Waxa uu u kacay isagu dhankaa iyo makhsinkii caruurtu jiiftay oo u soo hagaajiyay hugii saarnaa oo ay iska yar rideen ka dib u soo xidhay. Waxa uu galay qolkii ay xaaskiisa hurdo iyo haasaawe wadaagta ku ahaayeen oo ay uga sii horaysay, waxa ay hor taagnayd muraayadda koomadiinka oo ay cadar kor saarnaa ku bilbilaysay korkeedii kolka horaba uduggu ka buuxay. Isaga oo aan wali afka furin oo ku dhaygag san quruxda Rabbi ku mannaystay xaaskiisa iyo xubnaheeda kala shuban ayaa uu halmar qaylo maqlay. Waa iska dhego tiray, haddana waa ay soo dhawaatay qayladii, haddana dheg jalaq uma siine waxa uu u dhaqaaqay dhankii xaaskiisa. Laba tallaabo kolkii uu hore u qaaday ee ay xaaskiisuna indho cadcad dhankiisa ku soo fiirisay iyada oo ay ka dhex muuqdaan kalgacal aan dhammaanayn iyo kalsooni soojiidanaysa isaga ayaa uu ku war helay ruux go’a ka jiidayay oo ku leh “aar maxaad ilsa dhego tiraysaa dee saaka; u kac salaadda sawta la aqiimay miyaad waalantay?”. Inta uu booday oo dhaxan dhacaysay darteed degdeg isugu soo celiyay go’ii uu ka jiiday wiilkii qolka la hurday ayaa uu ku yidhi “salaaddaa boodboodaye miyaad inyar uun aannu dhawr tallaabo hore u qaadno’e nadaysid?”. Inta uu yaabay wiilkii ayaa ku yidhi waar “tallaabadaa dhacdaye salaadda u kac”. Inta uu ka ruqaansaday gogoshii oo uu hiifayo ayaa uu ku sii tiraabay “bal may iska rumawdo, riyaa na dishootaye”.

W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)

Email: Sakariyemido@gmail.com

No comments:

Post a Comment