Inta ay qayr kood ka fekerayaan guud hal dhaalay xarayso oo
gogol kula lool, iyaga niyaddooda gaabsi iyo inay gabdhaha ganac gooyaan ayaa
ka dhex guuxaysa. Qarash iyo quudba waxa ay u quudhaan sidii ay qubuuraha ugu
dari lahaayeen qalbigana digiigixaha uga dhigi lahaayeen qurayshaha hadba
kolkaa madaxa kor u qaaday,
filayana in ay gayaan iyo guri wacan taabaan. Haa malahayga iyaga lama aha in ay ganac goynayaan guur doon badan se waxa ay ka tahay wakhti lumis iyo ku loofarid deeqda Alle u dhiibay, waxa ay guri u kiraysteen/ijaarteen sidii ay uga dan gaadhi lahaayeen guud haldhaalay, dabinnada ay maleegaanna ugu hir geli lahaayeen.
filayana in ay gayaan iyo guri wacan taabaan. Haa malahayga iyaga lama aha in ay ganac goynayaan guur doon badan se waxa ay ka tahay wakhti lumis iyo ku loofarid deeqda Alle u dhiibay, waxa ay guri u kiraysteen/ijaarteen sidii ay uga dan gaadhi lahaayeen guud haldhaalay, dabinnada ay maleegaanna ugu hir geli lahaayeen.
Ceebla. Haa waa Ceebla magaceedu, dhaqankeeda iyo
asluubteedu isma khilaafsana. Quruxda, qaayaha iyo qumanidana quraysh dunida
soo booqatay ayaad mooddaa. Guriga, jaamacadda iyo waydiimaha macalinkeeda kama
badiso, haddii aan laga taginna waxa ay kolkol nafta ku yar maaweelisaa
mareegta facebook. Waxoogaa dhalinyaro ah oo ay asxaab ku yihiin kuliyadda ay dhigato ayay haasaawe goos goos ah iyo kaftan aan saa u sii badnayn kala wadaagtaa. Si kedis ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa ay fariin qoraal ahi uga timid wiil ka mid ah dadka ugu jira.
Haa oo magaranayso, cid ay u malaynaysaana ma jirto oo wiilashaba hadal iyo haasaawe tooni ma dhex maro haday jaamacad joogto iyo haday mareegtan isticmaalkeeda ku foogan tahayba.
mareegta facebook. Waxoogaa dhalinyaro ah oo ay asxaab ku yihiin kuliyadda ay dhigato ayay haasaawe goos goos ah iyo kaftan aan saa u sii badnayn kala wadaagtaa. Si kedis ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa ay fariin qoraal ahi uga timid wiil ka mid ah dadka ugu jira.
Haa oo magaranayso, cid ay u malaynaysaana ma jirto oo wiilashaba hadal iyo haasaawe tooni ma dhex maro haday jaamacad joogto iyo haday mareegtan isticmaalkeeda ku foogan tahayba.
Bariido suuban kolkii ay ka guddoontay ayaa uu sidii ruux
isbarasho ugub ah wata u muuqday, Ceeblina uma juuqin ee shibta ayaa ay ka
gashay. Kuma badna isticmaalka facebook xiise iyo xalad toona uma hayo in ay
waxoogaa nasasho ah ku qaadato mooyaame. Maalintaa waxa juq yidhi dareen aanay
hore u gelin iyo dunuunuc haasaawe. Maalintii xigtay kolkii ay furtay waxaba ay
ugu tagtay dhawr warqadood oo kalmaad kalgacal iyo walaal tinimo ka muuqato oo
soo dhawaynaya iyo codsi ugu baaqaya in ay barasho boqran la wadaagto. Aqbashay
si lama filaanana ugu jawaabtay iyada oo haye iyo hadal diiran ugu warcelisay.
Talaw maxaa qaaday? Dee mooyi. Isna waa wiil ku talax tagay qalbi xadida
gabdhaha iyo godob ka gelidoodee, waxa uu ku harqiyay hadallo muxubada iyo
macaanka aad malaynayn, waxa dhegaheedii ku hantiyay erayada kalgacalka huwan
ee uu sidii caruurtii ku hadaaqaayo.
Kaftan wadaag iyo dad walaalaa wax la ahaadaba kolkii Ceebli
jilicday ee ay kolkasta u baahatay hadalada ka soo burqanaya maankiisa ee uu
mareegta u soo raacinayo ayaa uu u soo bandhigay in ay haasaawe wadaagaan horena
ay nolosha ugu dhaqaaqaan. Allaw yaa og waxa uu maagan yahay? Se waxa aan la
dhaafayn in uu yahay laayaan ku fogaaday faraxumaynta gayaanka, inta uu ku siro
oo ku sabo guur iyo wixii qalbigeeda gilgiliya niyadana ka tusiyo dhalanteed
aan dhab ahayn ka dib gurac kaga dhamaysto, hadhaw tana indho aad ku wii
libaaxa moodo inta uu galka ka saaro yidhaa “ ma aniga iyo ayaad tahay ku maba
aqaannee “. Fikir wa xoogaa qaatay ka dib yeeshay, se wadkeedii oo lugu iyo
indho leh ayay maalintaa albaabka u furtay.
Ceebla isbedeshay oo haddii ay kolkii hore casharradeeda iyo cilmiga ay dhgato ku
fooganayd hadda waxa u caalima Facebook furuq dilaha fadhiya wakhti kasta,waxa
u cashar noqday cilmina ay ka dhigataa calaacalka beenta ah ee uu ku sabayo
nafteeda sidii sabiga. Balse kama helin wixii uu rabay sidii hablihii horena
wakhti yar kuma ay qaadan in uu dantiisa ka gaadho. Waxa dhalay Ceebla aabbe
adag oo ilaaliya, jaamacadda isaga laftiisa ayaa geeya kana soo celiya oo cidba
kuma aamino. Wakhti kale iyo debedna waa ay kala xarriman yihiin.
Wax uu gaaf wareego oo uu ka cod sado in ay hal mar la
kulanto, iyana ay kolkasta u quus goysaba waxa ay ku qaadatay in badan in uu
gabadhan ka helo waxa uu rabo, waxa uuna nidar ba ku galay illa maayo oo uu ka
sal gaadho in aanu ka hadhin. Qarash iyo qawl wanaagsanba waa uu u huray se waa
ay ka gaws adaygtay oo inyarna soo dabci wayday.
Inan guudka fidhanaysa iyo guur la islama soo hadal qaadee
ayaantii danbe ayaa uu ku yidhi “ walaaleey waxa aan kaa rabaa guur xalaala iyo
gogol wanaagsan ee adna ha iga diidin, waxa aan go’aan ku qaatay in aan ku guri
gaysto ee goorma ayaad ila soo eegi alaabta aan kuu dhigay iyo caynka ay yihiin
si aan haddii aad ku qanci waydo qaar ku cajabiya aan kuugu soo beddelo “. Taa
lafteeda waa ay ka yar geed adaygtay se gebogebadii ayaa ka aqbashay. Ha
ogolaan lahaydaa. allaw ninkii aan wax ogayn ha cadaabin. Waxa la isla qaatay
in marka jaamacada aabaheed keeno ay dhinac marto wax barashada oo ay u raacdo
kobta uu wax dhigay iyo caynka ay yihiin. Raacday. waa maalintiisii shinbirtuu
beryahaaba daba goohayay ayaa manta
dabinkii maleegay daf soo tidhi. Alla ina rag kolkol xaasid sanaa oo
ximaarsanaa miyaanu talaw xilo yeelan doonin.
Wax la soo lalaba waxa uu afka ka soo geliyay guri ay
shuraako ku yihiin dhawr saaxiibadii ah oo uu ay ku ganac gooyaan qalan
jooyinkaa kacay, maantana waa maalineedii. In waxoogaa ah kolkii ay indhaha la
raacday guirgii isna uu kubkeeda iyo kashkeeda kolba indhaha ugu xadayay kana
fakarayay manta cadkan bisil halka uu kaga bilaabi doono ayaa ay ku tidhi “ oo
miyaad I fadhiisinayn ba” iyada oo kaftan iyo ka gashi ka dhiganaysa. Waaba
intuu rabay e oo waatii hore Soomaalidu ugu maahmaahday “reer aan rabay roob ma
igu eryaye “ inta uu kaftankii gacan ka hadal u bedelay oo dhexda ka buuxsaday
na kula dul dhacay fadhi aan saa uga fogayn. Ceebli ma dareensana jabka iyo
jidiin qalalka uu maagan yahaye, inta ay barbar isaga duday ma ku tiraabtay
iyada ka biyo diidaysa gacmihiisa soo degdegay “ hoooy gacmahaaga iga ilaali”.
Yay ku leedahay ma nin caadiyabaa waa nin miyir ugu danbeeyay kolkuu gacanta la
helay dhuubane. Inta uu sidii kaftan ugu durkay ma dhex kushaaxay laabteeda,
gacmihiisu kolkiiba ma taabeen horaadkeeda. Waar degdeg badanaa. Is
cadhaysiisay Ceebli se yaa ka yeelaayaa kaftan iyo qosolbaa hadna ;agu sabayaa
iyaduu sidii hawd xidha jidhkeeda loo dhex xulaayee. Wax ay “ iga daa
gacantaada hooy, iga durug iyo bestaa gurtaba” moyi goor lala duulay waxa ay ku
war heshay haabhaabsiga uu hugii uu tuuray kola an caadi lahayn uu jidhkiisa ku
asturaayo iyo iyada oo sidii bakhtiga wadhan fadhigii ay iyada oo caadiya
lagula soo kufay. Naxdin ayay iyana hadba shay meel ku laalan ku booday oo
waaxyaheeda sidii sidii neef la qalay wadhan ay ku dabooshay. Oo miyay nooshay?
Mise neef la qasahy wax dhaantaa, waaa taasoo waraabe afka uga soo gashaye?.
Waxoogaa kolkii la kala aamusnaa ayaa uu inta uu ku soo
dhawaaday isaga oo naxariis iyo in ay qaldameen muujinaya ugu caqli celiyay in
uu wiiga soo socdaba la aqal gali doono ee ay os dejiso. Naxdin aanay waxba ka
qaban Karin ayay ahayde haye liidnimo ayay ugu jawaabtay iyada oo niyada ku
dhisanaysa hadaladiisa afka baarkiisa ah. Kor inta uu uga hinqaday kobtii uu
fadhiyay ayaa uu u sheegay in ay wax yar sii sugto si uu cabitaan dukaanada u
hdaw uga soo iibiyo, iyana waxa ay ku sii adkaysay in uu soo dhakhsado si aanay
uga habsaamin aanaheed waxa soo dahw wakhtigii uu u iman lahaaye.
Gaadhigiisii inta uu galay ayaa laamida caytaariyay. Wax yar
kolkii uu socdayba waxa uu galay shil waxana loo dhaadhiciyay jeelka. Ogsoonaw
waxa ugu daran ee uu ka fakarayaa waa inantii uu guriga ku soo xidhay dankalena
kama laha se waxa uu diidan yahay in la siku ogaado. Iyadii waxa u dhammaaday
werwer iyo walaac, gurigu korka ayaa uu
kaga xidhan yahay ninkiina waa kan oo iman waa. Waxa ku soo yaraata dunidii
aabaheed oo ay taqaannaana haddii uu ka waayo jaamacaddii waa u maaalin
geeriyaad.
Jeelka dhexdiisii ayaa uu ka soo garaacay mid ay saaxiib
yihiin oo isna furaha guriga haystay oo ka mid ah nimanka hanlaha halliga, waxana
uu u sheegay sida ay hawshu u jirto, waxana uu ka codsaday inanta gurigii ku
xidhan in uu ka furo. Soo carar wiilkii isaga oo u soo degdegaya sidii uu uga
furilahaa inanta guriga la gu haysatay. degdeg ayaa uu u furay albaabkii
guriga. Naxdin! Wiilkii u yimi si uu uga furo inanta waxa uu dhiman gaadhay
naxdin darted, hal daqiiqo gudaheed ayaa ay
maskaxdiisu inaas oo waydiimood iyo jawaabahoodii oo aan malahayga sax
ahayn isu gudbisay. U qaadan waa ayay ku noqotay! Waxa uu u qaadan waayay qofta
hor taagan cidda uu moodayo in ay tahay, indhaha ayaa uu si wacan ugu
biniiniyay oo intaas oo jeer ku celceliyay. Kaw oo miyay isbedelaysaa waa
iyadiiye. Imta uu marna eegayo marna jeesanayo iyada kol hore ayay qalashay
waxa dhaqdhaqaaq iyo nuuxsi ugu danbaysay kolkii inta ay sabqadha alnbaabka
maqashay dhankiisa u soo dahqaaday, ka dib uu furay wajigan ay aawadii la
qalashay. Waa isak mayd aan dhaqaaq ku jirin. In muddo ah kolkii iyana si looxa
ay meeshii galuubnays wiilkiina hadba dhan eegayay niyaddiisana iska laha maaha
malaa ciddaad moofayso se uu xaqiiqsaday in uu garanayo wajigan hor galluuban
ayaa uu hal mar kor ugu dhawaaqay isagoo sidii aar libaax ugu soo booday
inantii “ sharaftaa dhimataye sharaftiibaad naga tuurtay, dhimo e maxaa ila kaa
dhaliyay, naa maxaad gurigan ka soo doontay” intaa uu qaylinayay feedh iyo
laadku waxa uu ku tiro belay guudkeeda, goor uu dhulka ka jarayna ma ogiye waxa
ay sida marada ku daadsanayd dhulka, haddana boo doo inta uu kijin/manbakh
halkan ah galay kala soo bood bahal mindiya oo afkrddu ku jiidhayo goor alla
goor uu haanka gooyayna mooyaane waxa uu ku war helay “ alla walaal haanka hay
jarin”, kolkaasuu “dhimo oo haanka iyo huqduba ku go’day ugu war celiyay”.
FG: waxa aan qisadan ka dheegtay, qiso uu jeediyay Sheekh
C.Raxmaan Jabuutaawi walaw aanay sideedii u oollin oo aan far shaxan iyo
faahfaahinba ku daray. Qisadu waxa ay ka dhacday sacuudiga sida sheehku
sheegayna waa qiso dhab ah.
W/Q: Sakariye C.xakiin Maxamed (Miido)
Email: Sakariyemido@gmail.com
No comments:
Post a Comment