Tuesday, November 10, 2015

Lexejeclaan ka qabaa Agriculture.

Salariye Miido

Lexejeclaan ka qabaa Agriculture.

Alle(korree oo sarreeye) ayaa mahad iska leh; innoogu deeqay nimcada Islaamnimada, garashada, aqoonta iyo dhammaan nimcooyinka aan tirade lagu koobi Karin. Ka gadaal mahadnaqaa Eebbe(korree oo sarreeye) waxa jira la dagaallan ba’an oo lagu hayo aqoonta dunida saddeexaad ee soo kordhaysa waxana la maraa ammaba ay maraan inta dunida koobaad la yidhaa
waddo kasta oo ay ku ragaadin karaan isi soo tarka aqoontaa.
Halka maaddo ee saamaynta iyo xadantada ku beerta ardayga ku jira dugsiga sare. Halka maaddo ee soo saari karta dhalin yaro abuuri karta ganacsi, fali karta beero, dhaqi kara xoolo waliba xanaannayn iyo wax soo saar ka samayn karta shinnida iyo digaaga iyaga oo aan galin jaamacadda.

Wali ma aynnaan dareemin faa’idada ay maaddadaasi u leedahay bulshada dalkan Soomalilaand iyo horumarkiisa; waana sababta loogu goodiyayo aynna u tahay maaddada u fudud ee laga saari karo manhajka.

Dhammaan maaddooyinka kale waxa ay maanka ardayda ku yihiin riyo loo dhisayo; waa daw in ay sidaa u arkaan sababta oo ah: ma aha wax ay arkeen, uriyeen ammaba maqleen kolka laga reebo  dhawr maaddo(xisaabta, luuqadaha iyo barashada diinta islaamka).
Macalinnimadu maanta waa meelaha ugu badan ee sahqadii iyo ganacsigii galay waana sababta ay u soo baxayaan kumannaan aan kaw(1) iyo laba(2) kala saarayn se isu haysta in ay dhammaan aqoonta iyo umuuraha cilmiga ay dhanka kale uga baxeen. Waa aafo qaran oo aayaha dalka u xun se aan la dareensanayn.

Faa’idooyinka ay leedahay maaddada Agriculture ku waxa ka mid ah:
1.       Waxa lagu dhigtaa cutubbo ka mid ah cutubyada maaddadan  dhaqashada shinnida, digaagga, xoolaha iyo waliba falashada beeraha walaw aanay aqoon buuxda ahayn, haddana se waa tilmaan laga siinayo ardayga in dalkiisa ay wax badan  oo dalka,dadka iyo dantiisaba u fiicani ka buuxaan kaliyana ay ka hor taagan tahay ku dhaqaaqa iyo dedaalkiisu.
2.       Waxa lagu dhigtaa cutubka ka mid ah suuqa iyo ganacsiga taas oo ardayga u furta il uu ku arki karo ganacsiyada ka banaan suuqa iyo fursaha shaqo ee uu abuuri karo.
3.       Waa maaddada kaliya ee dhammaan dabaqaysa waxyaabo dala guduhiisa laga helayo, aadna ay u fududahay in lagu dhaqaaqo.
4.       Waa maaddo kor u soo qaadaysa heerka hal-abuurnimo ee dhalinyarada iyo dhammaan bulshada.
5.       Waa maaddo kaalin buuxda ka gali karta kor u qaadidda ganacsiga dalka iyo xaddiga dhaqaale ee soo gala. iwm
Ma soo koobi karo faa’idooyinka ay leedahay oo inta aan il duufayo ayaa badane waa maaddo aan u arko in ay qayb laxaad leh ka tahay horumarinta dalka, dhalinta, dhaqaalaha iyo waliba dhammaan heerarka kala duwan ee bulshada.

Duluc: ogsoonaw in maaddadani tahay ta adduunka aynnu kula tartami karno marka laga yimaaddo diinteenna oo aynnu xoojinno iyo farsamada casriga ah(technology).

W/Q  Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)
Email: Sakariyemido@gmail.com


No comments:

Post a Comment