Tuesday, April 12, 2016

XADIISKA 17aad-XADIISKA 18aad



عَنْ أَبِي يَعْلَى شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: "إنَّ اللَّهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذِّبْحَةَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، وَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ". 
[رَوَاهُ مُسْلِمٌ].

NAXARIISTA
Waxaa laga weriyay Abii Yaclaa Shaddaad ibn Aws (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c,w.): Wax walba w
axaa llaahay u waajibiyay samafal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila oo ha ku silcinina nafta waxa la dilayo, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uu neefka u raaxeeyo.
Waxaa weriyay Muslim.

SHARAXA

Wuxuu ka hadlayaa xadiiskani sida islaamku naxariista ugu dadaalayo, maxaa yeelay, qofkii muteystay in la dilo waa in islaamnimada loogu naxariisto oon nafta lagu silcin, marka waa in qalabka lagu dilayo yahay mid dhaqso nafta uga qabanaya, Naxariistaasi kuma koobna dadka ee waxaa loo naxariisanayaa xoolaha iyagana waa in loo fududeeyo oo lagu gowraco middi aad u afweyn oo markiiba u raaxeysa.

FAA'IIDADA XADIISKA

1. Qiimaha naxariistu ku leedahay Diinta lslaamka,
2. Qofka la ciqaabaayo waa inaan si xun oo silcis ah loo ciqaabin 
3. In xoolaha loo naxariisto,
4. Marba haddii loo ixsaan falayo qofka nafta laga qabanaayo marka kan noolna waa in loo ixsaan falo oo laga dhowro dhibka, cadaadinta, qallooca iyo dulmiga.


عَنْ أَبِي ذَرٍّ جُنْدَبِ بْنِ جُنَادَةَ، وَأَبِي عَبْدِ الرَّحْمَنِ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ:"اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْت، وَأَتْبِعْ السَّيِّئَةَ الْحَسَنَةَ تَمْحُهَا، وَخَالِقْ النَّاسَ بِخُلُقٍ حَسَنٍ" . 
رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ [رقم:1987] وَقَالَ: حَدِيثٌ حَسَنٌ، وَفِي بَعْضِ النُّسَخِ: حَسَنٌ صَحِيحٌ.


LA DHAQANKA DADKA
Waxaa laga weriyay Abuu Jundub ibn Junaada - iyo Abu Cabd ar-Raxmaan Mucaad ibn Jabal (Allaha ka raali ha noqdee), iney ka weriyeen Rasuulkii llaahay (s.c.w.) inuu yir: Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xumaantana raaci samaan tirtirta, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.

Waxaa weriyay Tirmidi. Wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.

SHARAXA

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa anshaxa qof ka muslimka ah, xagga llaahay iyo xagga aadamigaba, xagga llaahay waa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku xad-gudubka sharciga iyo xuduudda llaahay, haddii uu xumaan sameeyo uu ku xad-gudbo wax ka mid ah sharciga waa inuu is-gaaro oo uu ka noqdo xumaantii, haddii uu sidaa yeelo waa laga tirtirayaa ciqaabtii dembiga uu galay. Xagga dad ka wuxu u faray xadiiskan in qof ka muslimka ah, kula dhaqmo dadka dabeecad wanaagsan, taasoo ah inaad dadka nabad geliso oon dhibkaaga gaarin kaddibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin, waa in dadka dheeftaadu gaarto dhibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican.

FAA'IDADA XADIISKA
1. Cabsida llaahay inay waajib tahay,
2. ln qofku iska dhowro ku xadgudbidda sharciga,
3. Qofkii xumaan falaa waa inuu is-gaaro uu xurnaantii wanaag ku beddelo,
4. Qofka Muslimka ah waa inuu dabeecad fiican dadka kula dhaqmaa,
5. Qofku waa inuu ahaado wax tare aan waxyello laheyn


No comments:

Post a Comment