Saturday, March 26, 2016

XADIISKA 9aad



عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ صَخْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْت رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم يَقُولُ: "مَا نَهَيْتُكُمْ عَنْهُ فَاجْتَنِبُوهُ، وَمَا أَمَرْتُكُمْ بِهِ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ، فَإِنَّمَا أَهْلَكَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ كَثْرَةُ مَسَائِلِهِمْ وَاخْتِلَافُهُمْ عَلَى أَنْبِيَائِهِمْ ". 
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ]
XADIISKA 9aad
QOFKA LAGUMA WAAJIBIYO WAX KA SARREEYA AWOODDIISA

Waxaa laga weriyay Abuu-Hureyra Cabdarraxmaan ibn Sakhar (Allah
a ha ka raali noqdee), inuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Alla (s.c.w.) oo leh: Waxaan idinka reebo ka dheeraada, waxaan idin faray la imaada intaad awoodi kartaan, waxa halaagay dadkii idinka ka horreeyey su'aal badnaan iyo khilaafkii Nebiyadooda.
Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.

SHARAXA

Xadiiskani wuxuu ugu yeerayaa Muslimiinta in ay Nebiga raacaan, waxaana saldhig u ah raacidda Nebiga (s.c.w.) ka dheeraanshaha wuxuu reebay
taasoo aan ku xirneyn awood, maxaa yeelay, iska dhowridda waxyaalaha xaaraanta ah kuma xirna awood ee waa wax qof kastaba ka suuroobi kara, waxaan ka ahayn xaaladaha khatarta ah ee baqtigu bannaanaado. Laakiin, wixii Nebigu faray iyagu waxay ku xiran yihiin in qofku awoodi karo, sababtoo ah wixii ka baxsan awoodda qofka loo qaban maayo, waxaase waajib ah wixii awooddiisa ah inuu daaacad iyo hagar la'aan u fuliyo. Waxaa kale ee Nebigu (s.c.w.) nooga warramay in ummadihii hore qaar ka mid ah lagu rogay su'aal badnaan iyo inay khilaafi jireen waxay faraan Nebiyadoodu, su'aasha badan waxaa loola ieedaa su'aalaha looga dan leeyahay xujada iyo cariigsiga ee ma aha in qofku warsado waxyaalaha uu jaahilka ka yahay haddii uu doonayo kaliya aqoon-kororsi iyo ku-dhaqan.

FAA'IIDADA XADIISKA
1. Wixii Nebiga (s.c.w.) reebay in laga dheeraado,
2. Wixii Nebiga faray in la falo inta awooddu ku gaarsiiso,
3. Su'aalaha aan loo baahneyn inaan culimada loo jeedin,
4. Qofka inaan lagu kalifin karin waxaa aanuu awoodi karin 
5. Inay waajib tahay raacidda jidka Nebiga csw.


No comments:

Post a Comment