Friday, March 25, 2016

XADIISKA 8aad




عَنْ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم قَالَ: "أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ، وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ؛ فَإِذَا فَعَلُوا ذَلِكَ عَصَمُوا مِنِّي دِمَاءَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ إلَّا بِحَقِّ الْإِسْلَامِ، وَحِسَابُهُمْ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى" . 
[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ]

XADIISKA 8aad
XURMADA MUSLIMKA
Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Allaha ka raafli noqdee), inuu yiri Nebigu (s.c.w.): Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan
midnimada Alla iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudu ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn, in laga hortagona ay waajib tahay, waxaa sidoo kale nebiga la amray iyo ciddii rumeysayba inay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraan Nebinnimada Rasuulka llaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada llaahay baa ka xisaabaya.

Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim.

SHARAXA
Xadiiskani wuxuu inoo sheegay Saldhigyada lslaamka ugu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo,dhiiggiisa iyo maalkiisuna inay xalaal u yihiin lmaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la daadiyo iyo in xoolahiisa la dhaco. Xaqa islaamka waxaa looga jeedaa ku dhaqanka xeerka islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolahiisa iyo naftiisa, ka dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga. Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reeban diinta, llaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo lslaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama manaafaqnimo, in nagu shaqo ku ma lihin waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa muslimnimo toosan.
FAAIIDADA XADIISKA
1. In lala jihaado Cadowga lslaamka, inta ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka musiimka;
2. Ninka ka taga salaadda, ama diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka;
3. In qofka muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo;
4. Dhiigga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan;
5. Qofka lslaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon llaahay baa loo tala saaranayaa


No comments:

Post a Comment