Sunday, March 27, 2016

Xadiiska 10aad



عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم "إنَّ اللَّهَ طَيِّبٌ لَا يَقْبَلُ إلَّا طَيِّبًا، وَإِنَّ اللَّهَ أَمَرَ الْمُؤْمِنِينَ بِمَا أَمَرَ بِهِ الْمُرْسَلِينَ فَقَالَ تَعَالَى: "يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنْ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحًا"، وَقَالَ تَعَالَى: "يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ" ثُمَّ ذَكَرَ الرَّجُلَ يُطِيلُ السَّفَرَ أَشْعَثَ أَغْبَرَ يَمُدُّ يَدَيْهِ إلَى السَّمَاءِ: يَا رَبِّ! يَا رَبِّ! وَمَطْعَمُهُ حَرَامٌ، وَمَشْرَبُهُ حَرَامٌ، وَمَلْبَسُهُ حَرَامٌ، وَغُذِّيَ بِالْحَرَامِ، فَأَنَّى يُسْتَجَابُ لَهُ؟". 

[رَوَاهُ مُسْلِمٌ]

WAX LA WADA FARAY NEBIYADA IYO MUSLIMIINTA
Waxaa laga weriyay Abuu Hureyra (Allaha ha ka raalfi noqdee), inuu yiri: Rasuulkii Alla wuxuu y
iri: llaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn, lllaahayna wuxuu faray mu'miniinta, wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay aayadda dheheysa:" Rusuleey cuna raashinka kiisa bannaan ee fiican, camal fiicanna fala", iyo aayadda dheheysa: "Mu'miniineey cuna waxa fiican ee aan idinku arsaaqnay." Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, kubabka boor ku leh, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo llaahay baryaaya oo leh: Rabbigeeyow, Rabbigeeyow, isla markaana cuntadiisa xaaraan tahay, cabiddiisu xaaraan tahay, dharkiisu xaaraan yahay, xaaraan la soo quudiyay - sidee looga aqbalayaa ducadiisa?

 Waxaa weriyay Muslim.

SHARAXA
 Xadiiskani wuxuu ka mid yahay xadiisyada qiimaha weyn ku leh fiqiga lslaamka, wuxuuna tusayaa in qofkii wax wanaagsan aan sadaqeysan aan laga aqbaleynin, ha noqdo xoolo, cunto, dhar iwm. Waxa aanu isaga naftiisa u qaadaneynin yaanu sadaqa ula bixin. Aayad Qur'aan ah waxay sheegtay: "lnaan qofku wanaag helaynin ilaa uu bixiyo waxa uu naftiisa u jecel yahay. Xagga falka camal aan wanagsaneyn llaahay ma aqbalayo sida camalka looga jeedo ha lagaa sheego ama ha lagugu ammaano ama aad xoolo ku heshid ama camal shirki ku dheehan yahay ama aan sharcigaba ku dhisneyn. Xadiiskani wuxuu sheegay Rususha iyo Mu'miniinta ay u gudboon yihiin xalaal miiradnimada. Waxaana la faray labadoodaba inay wax wanaagsan cunaan. Camal wanaagsan falaan, cuntada wanaagsan waa midda xalaasha ah camalka wanaagsan waa midka ka fayoow shirkiga ee waafagsan sharciga. Waxa kale ee xadiiskan inoo sheegayaa in ku dhaqanka waxyaalaha xaaaraanta ah ay qofka ka fogeyneyso naxariista Alla, maxaa yeelay qofkii socotada ahaa ee safarku tabaaleeyay wuxuu mudan yahay naxariis, haddiise uu yahay xaaraan-quute xaq uma laha in la aqbalo ducadiisa ilaa uu ka toobad keeno oo uu llaahay u noqdo.

FAA'IIDADA XADIISKA

1. Inaan llaahay aqbaleynin camal-xun,
2. In qofku sadaqaysto wax wanaagsan ee uu jecel yahay,
3. ln ku dhaqanka xaaraanta qofka ka fogeynayo llaahay.


No comments:

Post a Comment