Nabi Aadam (n.n.k.h) 1/29
Alle waxa uu yidhi “…Qisaska uga sheekee
(nabi muxamadoow),
waxa
ay mudan yihiin in ay fakaraane(176)” suuradda acraaf
Hordhac
Aabbihii dadka “Aadam” (n.n.k.h) Alle
(k.s) ayaa ku abuuray gacantiisa. Malaa’igtiisa waxa uu amray in ay u
sujuudaan. Cilmi ay malaa’igtu ka yaabtayna waa uu siiyay. Waxa uu galiyay
Jannada; waxana uu uga digay in ay u dhawaadaan geedka lanyidhaa Saquum.
Shaydaanka(n.h.dh) ayaa u qurxiyay una sheegay in uu ku waari doono
Jannada haddii uu cuno geedkaa. Rabbi(k.s) waxa uu ka soo saaray Jannada
arrinkaa iyo khaladkaa ka dhacay nabi Aadam (n.n.k.h) awgii. Waxa uu Alle(k.s)
ku waajibiyay in uu kaligii caabudo una cibaadaysto. Waa nabigii ugu horreeyay
Aadam(n.n.k.h) ee dhulka loo soo diro.
Abuurkii Nabi Aadam(n.n.k.h)
Rabbi(k.s) waxa uu ogaysiiyay malaa’iktiisii
in uu abuuri doono khaliifkii dhulka “Aadam” (n.n.k.h). Waxa ay ku yidhaahdeen
malaa’igtii Rabbigood(k.s) “ma waxa aad abuuraysaa(Rabbigayagiiyooy) mid dhulka
kharriba dhiiggana daadiya…….”.
Abuu Hurayrah(a.h.r.n) (waxa la
abuuray Aadam(n.n.k.h) saacadaha ugu danbeeya ee maalinta Jimcaha) Abu muusa al
Ashcari(a.h.r.n) wuxu yidhi isna “Rasuulkii (n.n.k.h) Alle(k.s) waxa uu
yidhi ” Alle(k.s) waxa uu ka abuuray Aadam(n.n.k.h) ciiddaha kala duwan
ee dhulka, dadkuna waxa ay kala yihiin sidaa dhulka; qaar waa caddaan, qaar waa
casaan, qaar kale waa madaw iyo in intaa u dhaxaysa……” ” tarmidi ayaa wariyay(a.h.r.n)
Malaa’igtu waxa ay
sidaa u lahaayeen, waxa ay arkeen jinka oo sidaa ugu dhaqmaya dhulka guudkiisa
in kastoo ay jireen waxoogaa jin ah oo caabudi jiray Alle.
Alle(k.r) waxa uu
siiyay jawaab ay ku qanceen malaa’igtii “waxa aan ogahay wax ay daan ogayn
idinku, abuurta aan samayn doonaana waa mid khaliif iiga noqon doonta
dhulka……”.
Nabi Aadam(n.n.k.h) waa qof
kii ugu horreeyay ee la buuro. Ka dib kolkii la abuuray cirka,dhulka, buuraha,
badaha, cadceeda, xiddigaha iyo dayaxa. Alle(k.s) waxa kale oo uu
abuuray Aadam(n.n.k.h) hortii malaa’igta iyo
jinka; intaa ka dib waxa uu Alle(k.s) abuuray nabi Aadam(n.n.k.h); kolkaasuu u abuuray ooridiisii Xaawa(n.n.k.h).
Waxa ay garteen
malaa’igtu in uu Alle(k.s) abuuri doono khaliifkii dhulka. Alle(k.s) waxa uu ku
amray in ay u sujuudaan kolka lagu afuufo ruuxda. Waxa in la ogaado mudan in
aanay u sujuuddani ahayn mid cibaado ee uu ahayd sharfid la sharfayo Aadam(n.n.k.h). In la
sujuudo, sujuud cibaadana Alle(k.s) oo kalya ayaa mudan.
Sujuuddii Malaa’igta
Markiii lagu
afuufay Aadam(n.n.k.h)
ruuxda ayaa ay malaa’igtii u sujuudeen. Waxa diiday oo aan sujuudin Ibliis(n.h.dh);
Isaga oo iska waynaysiinaya Aadam(n.n.k.h)
ayaa u ku sababeeyay diidmadiisa in uu Alle(k.s) ka abuuray isaga dab halka
Aadamna(n.n.k.h) laga abuuray ciid.
Alle(k.s) waa uu ka
cadhooday adeecid la’aantaa Ibliis(n.h.dh) waxana uu ku amray in uu ka baxo Jannada. Ibliis(n.h.dh)
waxa uu ka codsaday Rabbigii(k.s) in uu
maalintaa ku sii jiro Jannada; waxa kale oo uu balan qaaday in uu waligii u taagnaandoono
sidii uu uga leexin lahaa dariiqa saxda ah Aadam(n.n.k.h) iyo caruurtiisaba. Allena(k.s) waxa uu balan qaaday in
aanu hoojin doonin kuwa jidka saxda ah mara ee Rabbigood(k.s) caabuda.
Bariddii magacyada
Aadam(n.n.k.h)
Alle waxa uu ugu
deeqay Aadam(n.n.k.h)
cilmi ay ka amakaageen malaa’igtu. Magac oo idil ayaa maskaxdiisa lagu shubay
nabi Aadam(n.n.k.h). In magacyada la baro
waxa ku jirta xikmad badan oo aynnu ka dheehan karno intii maskaxdeennu karto
walaw uu Alle(k.s) innooga cilmi badan yahay.
Muhiimadda ku jirta
in magacyo la baro Aadam(n.n.k.h) waxa ka mid ah in wax lagu aqoon sado. Ka soo qaad
maanta haddii aan wax magac ahi jireen, sidee loo kala garan lahaa shayga,
shakhsiga iyo dhammaan waxyaabaha aynnu magaca u isticmaalno? Saw ma ay
adkaateen in laga warramo shay ama in la isfahmaaba? Haa aad ayaa ay u adkaan
lahayd, waliba waxa kakanaan lahayd nolosha dhammaanteed.
Gayntii Jannada nabi Aadam iyo
Xaawa(n.n.k.h).
Alle kolkii uu abuuray Aadam(n.n.k.h)
waxa kale oo uu abuuray Xaawa(n.n.k.h). Alle waxa uu geeyay Jannada walaw ay
isku haystaan mufasiriintu Jannadaasi mida ay ahayd. Qaar kood ayaaba qaba in
ay ahayd Janno dhulka dhexdiida ah, kuna taal meel saraysa.
Aadam iyo Xaawa()n.n.k.h aad ayaa
ay ugu nimcaysteen Jannada iyaga oo ka helay wax kasta oo rabitaankoodu ahaa;
waxa ay ku qabeen daryeel iyo danayn aad u badan. Rabbigood(k.s) ayaa dusha
kala socday, wax kasta oo ay niyadda ku qabtaanna waa la siinayay.
Xaawa iyo Aadam(n.n.k.h) waxa
looga digay halgeed oo ku dhex yaal Jannada, waxana la amray in ay ka
dhawrsoonaadaan kana fogaadaan cunidda geedkaa balse sidii ay doonaan ay ugu
raaxaystaan inta kale ee Jannada ah.
Aadam(n.n.k.h) waxa uu ahaa bashar,
qalbiga reer ilma Aadanna maantaba waxa lagu yaqaannaa halmaan, go’aan jilicsan
iyo isbedbedelka ra’yigiisa; aabbaheena waa Aadam(n.n.k.h) oo inala mid ayaa uu
ahaa.
Shaydaanku(n.h.dh) waxa uu ka
faa’idaystay arrintaa, maalinba maalinta ka danbaysana waxa uu sii galinayay
dareen iyo ka duwidda xaqiiqadii Rabbi(k.s) u sheegay. Ugu danbayn waxa uu ku
guulaystay in uu cunsiiyo Aadam iyo Xaawa(n.n.k.h) geedkii Alle uga digay,
isaga oo ku dagaya in uu yahay geedkani midkii ku waarinayay Jannada waliba
dhaxal siin doona mulki badan.
Sababta keentay in uu Aadam cuno
ayaa ahayd beentaa uu u sheegay shaydaanku(n.h.dh). Aadam(n.n.k.h) iyo
caruurtiisuna waa ay iska jecelyihiin waaritaanka iyo mulkiga. In badan ayaa ay
ka fikireen Aadam iyo Xaawi(n.n.k.h) arrinkaa uu shaydaanku u sheegay ugu
danbaynna waxa ay ku dhaceen cunitaanka geedkii Rabbi(k.s) uga digay u dhawaanshihiisa.
Shaydaankuna(n.h.dh) waa cadaw aad u wayn filkiisuna yahay Aadam(n.n.k.h) una
taagan luminta iyo leeleelinta ilma Aadam.
Shaydaanku(n.h.dh) waa u qaldamay
oo isla waynaantiisii ayaa cadaab gaysay, nabi Aadamna(n.n.k.h) waa uu qaldamay
oo jabinta amarkii Eebbe(k.s) ayaa ka soo saaray Jannada.
Keeniddii dhulka Xaawa iyo Aadam.
Aadam iyo Xaawi(n.n.k.h) markii
ay faleen falkii looga digay waxa la keenay dhulka. Rabbigood (k.s) ayaa ay u
noqdeen oo waxa ay qireen danbigii ay galeen; in Alle(k.s) u naxariistana waa
ay ka dalbeen. Alle(k.s) waxa uu u sheegay in uu yahay dhulku, booskoodii saxda
ahaa ee ay ku noolaan lahaayeen, ku dhiman lahaayeen ee laga soo saari lahaa;
Waayo Alle(k.s) qur’aankiisa waxa uu ku sheegay in uu abuuri doono khaliifkii
dhulka laakiin ma uu sheegin in uu abuuri doono khaliifkii Jannada.
Arrintaa ah ka soo saarka Jannada
nabi Aadam(n.n.k.h) waa arrin aad ugu muhiim ah khaliif noqoshada aadanaha
waayo waxa ay inna tusinaysaa dhawr shay oo isku qoofalan sida : in aadanahu
qaldami karo, Allena(k.s) uu yahay mid ka aqbali doona toobadda, in uu
shaydaanku(n.h.dh) waligii yahay cadawga dadka waayo haddii aan la innoo
caddayn lahayn oo aanu ka soo saari lahayn Jannada Aadam iyo Xaawa(n.n.k.h)
dadku ma ay dareemeen cadawnimadiisa iyo in dariiqa saxda ah ee Jannada loo
maraa yahay addeeca ammarada Alle(k.s) iyo ka digtoonaanshaha dagniinka
shaydaanka(n.h.dh).
Haabiil iyo Qaabiil
Alle(k.s) waxa uu inbadan innooga
warramay sheekadii Aadam(n.n.k.h). Si taa la mid ah waxa uu innooga warramay sheeko
dhex martay labadiisii inan ee Haabiil iyo Qaabiil. Waxa ay ahaayeen labadii
qof ee ugu horreeyay dunida ee ay dhex marto dil ama qudha oo la iska jaro.
Xaawa(n.n.k.h) waxa ay dhashay
markii koobaad wiil iyo gabadh; kolkii labaadna wiil iyo gabadh. Arrinku waxa
uu ahaa in si taltaaliya ay isu guursadaan oo labada wiil midba tii la mataanta
ahayd mooyee ta kale guursado. Qaabiil waxa uu rabay in uu guursado inanta uu
guursan lahaa Haabiil. Arrinkaa ka dib Aadam(n.n.k.h) waxa uu amray in ay
labaduba sadaqo sameeyaan midkii laga aqbalaana uu heli doono inanta uu rabo.
Kolkii ay sadaqada samaysteen waxa laga aqbalay Haabiil. Waxa ay dhalisay
dhacdadaasi in uu Qaabiil xaasidnimo u qaado walaalkii Haabiil ugu danbaytiina
uu dilo.
Waxa uu rasuulkeennii Muxamed(n.n.k.h)
innoo sheegay in uu Qaabiil dil kasta oo xaqdarro ah aynna gaystaan ilma Aadam
uu badh leeyahay maadaama oo uu yahay ruuxii ugu horreeyay ee ku kaca falkaa xumaanta horseeday.
Kolkii uu dilku dhacay ayaa uu
eegay walaalkii markaasuu ka qoommameeyay. Waxa uu garan waayay sida uu yidhaa
jidhkii walaalkii ee uu sababta u ahaa in ay naftu ka baxdo. Waa uu qaatay oo
tunka saartay kulana wareegay dhulka. Kolkii ay naftu isugu timi dhan alla dhan
uu u qaadana uu garan waayay ayaa uu iska fadhiistay oo hilbihii walaalkiina iska
dhigtay agtiisa, isna kanbadhuudhsaday kob aan ka fogayn; gadhka iyo gondahana
is galiyay. Halmar ayaa uu arkay Tuke sita mid isaga la mid ah oo dhulka u
qodaya kuna aasaya (markale waxa la yidhaa waxa uu arkay laba Tuke oo dagaallamaya
midka mid ahna qudha laga jarayo, ka dib midkii dilay inta uu dhulka u qoday uu
ku aasayo).
Kolkii ayaa uu fadhiga ka kacay
oo kal kale ku calaacalay “ma waxa aan garan waayay waxa uu gartay Tukahaasi”.
Waxa uu bilaabay in uu dhulka qodo oo uu ku aaso walaalkiisii ku baxay
gacantiisii dulmiga wadday.
Aadam(n.n.k.h) markii uu ogaaday
waxa uu yidhi “arrintani waa fal shaydaan(n.h.dh)” waana uu ka murugooday
murugo daran is dilka innamadiisa iyo ka faa’idaysiga Shaydaanka.
Dhimashadii nabi Aadam
Aadam(n.n.k.h) waa uu waynaaday
waxana soo dhawaatay geeridiisii. Waxa uu la dardaarmay wiilkiisii Shiit waxana
uu baray saacadaha hebeenka iyo maalinta iyo cibaadada la guto saacadahaa. Ka
dib intaa waa la oofsaday nabi Aadam(n.n.k.h) maalin Jimce ah.
dhanka kale waxa uu soo wariyay
Ibnu Kacab(a.h.r.n) “kolkii ay Aadam(n.n.k.h) ku soo dhawaatay geeridii waxa uu
yidhi “Labinah: caruurtaydiyeey waxa aan arkay midhihii Jannada………” ”
maxaa aynnu ka faa’idaynaa
qisadan
1.
Qofkii ugu
horeeyay ee la abuuray in uu ahaa aabbaheen Aadam
2.
In uu
shaydaanku yahay cadawga ugu way nee aadanaha.
3.
In ruuxii
ugu horeeyay ee xaqdarro lagu dilaa yahay Haabiil, midka xaq darrada ku
dilayna yahay walaalkiisii Qaabiil.
4.
In khalad la
gali karo laakiin toobada iyo u soo noqoshada Alle ay furan tahay.
5.
In uu Aadam
u dardaarmay xilkii u hayay wiilkiisii Shiit.
…..…..
fadlan ku sii dar wax kale haddii aad ka aragtay oo aynnu ka faa’idayno.
Erayada la soo gaabiyay iyo waxa
ay taagan yihiin.
1. (n.n.k.h) = naxariis iyo
nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
2. (a.h.r.n) = Alle haka raali
noqdee
3. (k.s)= koree oo sarree
4. (n.h.dh) = nacdali haku
dhacdee
Afeef
Alle sida xaqa ah ha inna waafajiyee,
khaladkii aad ku aragto uma aan kasin ee waa kama. Taariikhduna waa ay dhinacyo
badan tahay laakiin isku meel ayaa ay ku soo biyo shubataa, anna waxa aan isku
dayayay mar walba in aan dhex u noqdo warbixinaha aan ka helayay qisooyinka ay
qoreen taariikhyahannada islaamka iyo mufasiriintu, kolka laga reebo wixii
qur’aanka iyo xadiiska ku cad.
Fadlan ii soo sheeg wixii talo
iyo tusaale amaba toosin ah ee aad ku dari lahayd qisadan.
Sakariyemido@gmail.com ama facebook : Sakariye Cabdixakiin Maxamed
(Miido)
F.G qur’aanka iyo xadiiiska ayaa badanka ku
jirtaa taariikhdu ana waxa aan ka soo qaatay micnaha ay gudbinayeen aayadahaa
iyo xadiisyadaasi. Waxa laga yaabaa in aad is waydiiso miyaanu adeegsan
qur’aanka iyo xadiisyada, laakiin qisadanba badankeedu waxa y ku sugan tahay
qur’aanka iyo xadiis yada laakiin si guud ayaan u soo qaatay wixii ay
gudbinayeen.
Xigasho
Kitaabka Qur’aanka.
Xadiista rasuulka(n.n.k.h)
Hayatul Qulub. By Allamah
muhamedBaqir majlisi(ra). Vol.1 stories of the prophets
Stories of the prophets by Sayyed
Abul Hasan Ali Nadwi. UK Islamic study
Stories of the prophets by
ImamImaddudin Abul-Fida Ismail INBUKATHIR. Ad Dimishiq 700-774H

No comments:
Post a Comment