Sunday, February 28, 2016

Dhulkeed jecel

Dhulkeed jecel



Maansadan DHulkeed jecel wax aan tiriyey  18/9/2014  waxana iggu dhalisay iyada oo lasoo gabagabaynayay tababar kadib lagu soo xidhayay majaajilo ku saabsan tahriibta.
Waxa igu soo dhacday tibxaha hore ee maansada, waxa aanan dhameeyay habeenimadii kuna daray riwaayadaa oo aan jilaa ka ahaa loogana dhigay dhextaal ay leedahay riwayadaasi.
Maansada waxa aan kaga hadlayaa dhibkaa tahriibka iyo qaybaha uu leeyahay dhibkaasi, dhalintana waxa aan ku dareensiinayaa sida ay dhulkooda sharfta ugu leeyihiin balse ay u qiimo dhici doonaan xataa hadii ay gaadhaan halka ay u ham iyo dig leeyihiin.
Waxba yaanan ku dheeraan maansada fasirideeda e’ waxa ay ku bilaabmaysaasida tan:-
  
Ayaamahanba dhiiladu
Dhulkeenay ku idishahay
Waxa lagu dhadhabayaa

Dhibkan ay barbaartiyo
Ku hodmeen dhaqaalihi
Ana wayla dhaygage
Maansadan dhulkeed jecel
Ayaan wixii dhagtyadiyo
Aan ka dhuuxay ereyada
Dadku ay ka dhurayaan
Dhabahaa lasii maro
Iyo meesha lagu dhagay
Ee loo dhul socod yahay
Inaan idiin kusoo dhigo
Ee idina dhuuxoo
Dhugta maansadaydaa.
     ********
DHalineey barbaareey
Dhibaatada tahriibtyo
Dhaawacyada fidaayiyo
Dhimashada kor dhaysiyo
Dhalandhoolka dheeriyo
Ma dhaafaanka joogiyo
Dhibaataynta gaalkiyo
Qabsashada dhankagiyo
Ku dhuqsiinta jeelkee
Laga rabo dhaqaaliyo
Dhigdhigida jidhkaagee
Dharag doolar lagu rabo
Hadaad dhaafto meeshaa
Ood yurub dhex gaadhana
Sharaf dhigida meeshaa
Baabiinta dhaqankaa
Hadaad imika dhiintahay
Dhabaqnimada kuu taal
Maansadan dhulkeed jece
Aan kuugu dheegee
Maskaxdiin dhex dhiga oo
Ka dhawrsada xumaantaa
  ***********
Dharaarahan tahriibaa
Dhaqankeena raacdoo
Dhalintii sumaysoo
Dhoofkii fogaabaa
Galin looga dhigayoo
Dhibaatadi hortaalaa
Laga dhuunshay ragaoo
Waxa loo dhalaalshaa
Yurub in uu dhex tagayoo
Raaxo uu dhadhaminoo
Dharag doolar joogiye
Waxaan haatan soo dhigi
Dhibaatada la qariyee
Dhalineey barbaareey
Dhuuxa maansadaydaa
*********
Dhabahaa la marayaa
Moorgan dhaarsan baa taxan
Ku dhadhabaya muuqaa
Dhab markuu ku siiyana
Qolkiisuu ku dhigan oo
Xabsi kaaga dhigiyoo
Dheg waxii lasaariyo
Kuu dhiibi tilifoon
Markaasuu dharaartaa
Kugu odhan dhakhsaw hadal
Ku dhufoo rerkiinii
Soo dira dhaqaaliyo
Doolar aan la dheerayn
Wakhtiguu dhag soo odhan
Xawaaladana ku soo dhici
Dhuntaadaan hadii kale
Kala dhigi wakhtigan oo
Kala dhufan surkaagiyo
Jismigaaga dhaydaa
 Hadaad dhawaaqi waydana
Kula dhurmi maayee
Adigoo hor dhigan buu
Kala dhigi jidhkkgoo
Kala dhufan wadnaa iyo
Beerkiyo laf dhabartee
Dhalineey barbaareey
Ka dhawrsada xumaantaa
***********
Hadaad intaa bal dhaaftana
Doon aan dhisnayniyo
Badda dhaaranaysee
Aan laga dhur suginiyo
Waxad gali dhib kaa adag
Markasaad adoo dhadhay
Boggu beerka kugu dhagay
 Dhuuntuna qalayl  tahay
Dhibiq biyaana aan helin
Nafta aad dhigaysaa
Soo dhawaynta mawdkana
Dhinac aad ka galaysaa
********
Haadaad intaa bal dhaaftoo
Yurubtii dhexgaadhana
Waxa aan la dhaafayn
Dhaqan dila in ay too
Diinta dhadhiya in ay too
Khayrka dhaaba in ay too
Sharka dhooba in ay too
Rag dhufaana in ay too
Dumar dhuuja in ay too
Taran dhaafa in ay tee
Libaax dhaarta waxaa tahay
marka aad is dhawr tee
dlkaagaa dhex joogtee
intaad yurub dhur maysana
dhale bilaa mamuusoo
waxaa tahay dharbaaqiye
**********
Ama xoole dhaqanoo
Loo dhigaayo cawsoo
La dhahaayo xaaxeey
********
Ama dhale maraanoo
Irbad lagu dhuq siiyoo
Raganimo la dhaafshoo
Meelahaa dhacdhacayoo
Uf la dhahayo baa tahay
**********
Dhiriq aan la tirinoo
Eygay dhaqanayaan
Sharaf uu bal dhaamoo
Dhinac looga baydhoo
An la dhawrin baa tahay
**********
Nin dhaqan la dhaafshoo
Laga dhawray mid kalanoo
Tuur dhabar kulaa tahay
**********
Nin dhaxani haysoo
Dhar ka wayn kujira oo
Koofiyad dhan jeedshoo
Soo dhadhay ayaa tahay
*******
Intaas oo dhan baa  tahay
Inta aanan soo dhigin
Ayaa waliba kuu dhugin
**********
Dhalineey barbaareey
Dhalad kuwaan wadaagnoow
Dhexdeedaa hargaysiy
Burco kuwaan ku dheelnoow
awdal dhinac yadeediyo
dhaclihii sanaagiyo
sool dhoobadeediyo
saaxil dhaxan la’aantii
dhag dhag aanu boodnaow
hadhka geedka dhumucdaleh
iyo hawd dhan kiisii
beeraa dhexdoodiyo
dhulka gabilay ee wayn
kula dhuujay liintoow
 kula dhexeen la gudayoow
dhibaatadii taxnaydee
tixdaydaa ku soo dhigay
kkuligiin ka dhaartoo
ka dhawrsada xumaanataa.



dhamaad

No comments:

Post a Comment