Monday, February 29, 2016

Nabi Idiris (n.n.k.h) 3/29


Alle waxa uu yidhi “…Qisaska uga sheekee (nabi muxamadoow),
 waxa ay mudan yihiin in ay fakaraane(176)” suuradda acraaf
                                                                                                      arbaca 25/11/2015
hordhac
Waxa uu ahaa mid run sheeg badan, nabi ah oo waliba sabir badan. Waxa uu Alle(k.s) ku soo dajiyay sddoon saxfadood. Waxa uu ku baaqayay oo ugu yeedhayay umadda kalinimida Alle in ay qiraan, waxaana la sheegaa in ay rumeeyeen kun qof. Waa qofkii
ugu horeeyay ee qalinka adeegsada waana qofkii ugu horeeyay ee cilmiga xidigiska adeegsada.
Qisadiisii
Nabi Idiris(n.n.k.h)  waxa uu ahaa mid ka mid ah rasuulladi Eebbe(k.s) ifka iyo imaddiisa u soo diray, waana mid ka mid ah rasuullada uu Alle(k.s) ku xusay kitaabkiisa sharafta leh.
Nabi Idiris(n.n.k.h)  waa ina Yaarid(n.n.k.h)  binu Mahlaabiil(n.n.k.h)  illaa laga gaadhayo nabi SHiit(n.n.k.h)  binu Aadam(n.n.k.h)  sidii aynnu ku soo aragnay qisadii tan innooga horaysay. Cibraaniyiinta magacii looga yaqaannay waxa uu ahaa Khunuukh oo turjumiddiisa dhanka carabiguna ay tahay Akhnuukh waana awoowayaashii nabi Nuux(n.n.k.h). Waa ruuxii ugu horreeyay ee noqda nabi umaddii ilma Aadam ka sokow nabi Aadam(n.n.k.h)  iyo wiilkiisii Shiit(n.n.k.h). Waxa uu Sheekh ibnu Isaxaaq sheegaa in uu ahaa ruuxii ugu horreeyay ee qalinka khad ku qora.
Qaar ka mid ah culimada taariikhdu waxa ay isku raaceen in uu ku dhashay nabi Idiris(n.n.k.h)  magaaladii Baabil(culimo kale ayaa qabta in uu ku dhashay masar, waad sii baadhi kartaa kutubta). Waxa uu bartay cilmigii ay ka tageen nabi Aadam(n.n.k.h)  iyo nabi Shiit(n.n.k.h)  kolkii uu waynaadayna waa loo waxyooday. Waxa la amray in uu ka reebo kuwa daalimiinta dulmiga ay wadaan kuwa dariiqii saxda ahaa ka baydhayna in ay ku soo laabtaan.
Inyar oo dadkii uu la noolaa ka mid ah ayaa oggolaatay baaqiisa ku aaddan u soo noqoshada Alle(k.s) iyo u hoggaansanka Rabbiga dunida abuuray. In badan oo dadkiisii ka mid ahi kolkii ay ka madax adaygeen dhawaaqiisa waxa la amray in uu ka baqoolo waddankiisa.
Intii raacday waxa ay waydiiyeen halka ay ka helayaan magaalo sida Baabil oo kale ah haddii ay ka tagaan imika? Waxana uu ugu jawaabay haddii aydun ka soo baxdaan meeshan Alle lagaga fogaaday waxa uu Eebbe(k.s) idinku quudin doonaa mid dhaama. Waa ay ka soo baxeen illaa ay cagta ku hubsadeen dhulka hadda ay ku taal Masar, waxana ay arkeen oo ku farxeen wabiga Niil halkaa oo ay dadkii joogayna ugu baaqeen diinta Islaamka iyo addeeciida Rabbi(k.s).
Waxa uu farayay dadka nabi Idiris(n.n.k.h)  soonka, salaadda, sakada iyo waliba in ay is daahiriyaan. Waxa la sheegaa in wakhtigii nabi Idiris lagu hadlayay laba iyo todobaatan(72) luuqadood Allena uu baray si uu qolo walba u fahmo waxna u baro.
Waxa la sheegaa in uu ahaa ruuxii ugu horreeyay ee dadka bara siyaasadda magaalooyinka iyo waliba xeerarka magaalooyinka lagu kala daganaado. Waxa uu qolo walba u dhisay magaalo ku taal halkii ay daganaayeen sida taariikhda lagu sheegana wakhtigiisii waxa hirgalay boqol iyo siddeed iyo siddeetan(188) magaalo.
Nabi Idiris(n.n.k.h)  iyo dhimashadiisii in badan oo culimada ka mid ahi aad ayaa ay isugu khilaafeen laakiin waxa aynnu kaga koobsanaynaa qaelka Alle(k.s) ee ah (()ورفعنا مكانا عليا) suuradda maryam aayadda (57).
Haddaladan hoos ku xusanna waxa ay ku jiraan kitaabka tafsiirka Ibnu Kasiir oo aad ka sii tix raaci kartaa.
وقال ابن أبي نجيح ، عن مجاهد في قوله : ( ورفعناه مكانا عليا ) قال : إدريس رفع ولم يمت ، كما رفع عيسى .
وقال سفيان ، عن منصور ، عن مجاهد : ( ورفعناه مكانا عليا ) قال : رفع إلى السماء الرابعة .
وقال العوفي عن ابن عباس : ( ورفعناه مكانا عليا ) قال : رفع إلى السماء السادسة فمات بها . وهكذا قال الضحاك بن مزاحم .
وقال الحسن ، وغيره ، في قوله : ( ورفعناه مكانا عليا ) قال : الجنة .
Erayada la soo gaabiyay iyo waxa ay taagan yihiin.
1. (n.n.k.h) = naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
2. (a.h.r.n) = Alle haka raali noqdee
3. (k.s)= koree oo sarree
4. (n.h.dh) = nacdali haku dhacdee
Afeef
 Alle sida xaqa ah ha inna waafajiyee, khaladkii aad ku aragto uma aan kasin ee waa kama. Taariikhduna waa ay dhinacyo badan tahay laakiin isku meel ayaa ay ku soo biyo shubataa, anna waxa aan isku dayayay mar walba in aan dhex u noqdo warbixinaha aan ka helayay qisooyinka ay qoreen taariikhyahannada islaamka iyo mufasiriintu, kolka laga reebo wixii qur’aanka iyo xadiiska ku cad.
Fadlan ii soo sheeg wixii talo iyo tusaale amaba toosin ah ee aad ku dari lahayd qisadan.
Sakariyemido@gmail.com ama facebook : Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)

Sakariye Cabdixakiin Maxamed Miido 

No comments:

Post a Comment