Sunday, February 28, 2016

Kitaabka Arbiciinka XADIISKA KOOWAAD


    XADIISKA  KOOWAAD

    عَنْ أَمِيرِ الْمُؤْمِنِينَ أَبِي حَفْصٍ عُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: " إنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ فَهِجْرَتُهُ إلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوْ امْرَأَةٍ يَنْكِحُهَا فَهِجْرَتُهُ إلَى مَا هَاجَرَ إلَيْهِ".
    رَوَاهُ إِمَامَا الْمُحَدِّثِينَ أَبُو عَبْدِ اللهِ مُحَمَّدُ بنُ إِسْمَاعِيل بن إِبْرَاهِيم بن الْمُغِيرَة بن بَرْدِزبَه الْبُخَارِيُّ الْجُعْفِيُّ ، وَأَبُو الْحُسَيْنِ مُسْلِمٌ بنُ الْحَجَّاج بن مُسْلِم الْقُشَيْرِيُّ النَّيْسَابُورِيُّ رَضِيَ اللهُ عَنْهُمَا فِي "صَحِيحَيْهِمَا" اللذِينِ هُمَا أَصَحُّ الْكُتُبِ الْمُصَنَّفَةِ.

     MIISAANKA  CAMALKA  WAA  NIYADDA

    Waxaa laga wariye Amiirkii Mu'miniinta Cumar ibn al-Khaddaab, Allaha ka Raalli Noqdee:  inuu yiri, waxa aan maqlay  Nebiga (s.c.w.) oo leh Camalku waxaa saldhig u ah
    niyadda, qof  kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka  qofki u hijrooday  llaahay  dartii  iyo Rasuulkiisa wuxuu  helayaa ajar  llaahay. Qofkii u hijrooda  inuu adduunyo helo  ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa  niyaddiisa  oo  llaahay  ka sugi maayo  abaalgud".
    Waxaa  weriyay  al-Bukhaari  iyo  Muslim.

    SHARAXA

    Niyadda  waxaa  looga  jeedaa  marka  qofku  shaqo qabanayo,  wuxuu  ula  jeedo  ama  u qasad  leeyahay, marka  niyaddu  waa  saldhigga  camalka  qofka muslirnka  ah,  waana  miisaanka camalka  lagu qiyaaso,  marka  haddii  niyaddu  saafi  tahay  oo ALle dartii  loola  jeedo,  rasuulkii  Allana  howshaa  lagu raad  raacayo,  camalkii  waa  ansaxay,  haddiise  wax kale  lagu  dheeho,  ama  aan  rasuulkii  lagu  raad raaceyn,  camalkii  waa  buray  Hijradu  waxa ay  ahayd  in  markii  gaaladu  haysatay Makka  laga  tago  oo  lagu  biiro  xarunta  lslaamka  ee Mediina,  taana  waxaa  loola  ieeday  in  qofku  ka guuro  meesha  aannu  ku  haysan  inuu  ugu  dhaqmo Diinta  lslaamka  si  xurriyad ah.

    FAA'IDADA  XADIISKA

    Wuxuu  innoo  faa'ideynayaa  xadiiskani  arrimaha  soo socda:
    1. In aan  camalku  ansaxeyn  niyad  saafi ah mooyaane.
    2. In qofka laga abaal mariyo camalka uu  niya wanaa u falo,  shareecadana  waafaqsan,
    3. Camalka  Alle  aqbalayo  inuu  yahay  kan  isaga dartii  loo  falay  hagar  la'aan,  shareecadana waafaqsan 
    4. Qofkii  camalkii  uu  falay  ee  shareecada waafaqsanaa  ku  dara  is  tus-tus  ama  uga  gogol  leh camalkaa  adduun  ku  hel,  ama  ha  lagu  ammaano  ee magac  iyo  maal  doon  ah  waxaa  buraya ajarkiisa  oo ilaahay  waxba  ka  sugi  mayo. 

    W/T:
    SH.Cabdiraxmaan Xuseen Yacquub.
           

No comments:

Post a Comment